Ku codee “haa” ee Soo Jeedinta 1 si dib loogu cusbooneysiiyo Canshuurta Barnaamijyada Waxbarashada iyo Hawlgallada. Ku codeynta “haa” waxay hubinaysaa in dugsiyadeenu helaan kheyraadka muhiimka ah oo ka caawinaysa in arday kasta guuleystaan. Soo jeedinta 1 waa dib-u-cusbooneysiinta canshuurta hadda jirta si loo taageero dugsiyadeena, ma aha canshuur cusub. Ansixinta Soo Jeedinta 1 waxay muhiim u tahay guusha joogtada ah ee VISD iyo xasilloonida dhaqaale. Canshuurtaan hadda waxay ka kooban tahay qiyaastii 17% miisaaniyadda hawlgalka sannadlaha ah ee la qiyaasay ee degmada.
Waa muhiim in aan cusbooneysiino Canshuurta Barnaamijyada Waxbarashada iyo Hawlgallada anagoo ku codeynaya “haa” si loo cusbooneysiiyo heerka canshuurta wakhtigeedu dhammaanayso ee $1.50 halkii $1,000 ee qiimaha hantida la qiimeeyay afarta sanno ee soo socda. Ku codeynta “haa” waxay hubin doontaa inaan maalgelino jagooyinka muhiimka u ah guusha ardayda, oo ay ku jiraan, balse aan ku koobnayn, macallimiinta caawinnaadda, kalkaaliyeyaasha caafimaadka, iyo shaqaalaha bulshada. Ku codeynta “haa” sidoo kale waxay oggolaanaysaa VISD inay bixiso fasallo waxtar leh oo diyaariya ardayda mustaqbalka sida: fasallada bandhigga farshaxanka, fasallada AP, koorsooyin tababarka xirfadaha, hawlaha dheeraadka ah, iyo ciyaaraha.
Inkastoo VISD hesho maalgelinta gobolka, qaabka maalgelinta gobolka ayaa ah mid duugoobay oo aan ku filnayn kharashaadka dhabta ah ee waxbarashada ardayda. Haddii aan la ansixin soo jeedinta 1, ma aha keliya in ay degmada gelinayso xaalad dhaqaale oo halis ah laakiin sidoo kale si weyn ayay hoos ugu dhigaysa tayada waxbarashada VISD ee arday kasta.
Bulshada Jasiiradda Vashon-Maury waxay muddo dheer taageertay dugsiyada dadweynaha iyada oo loo marayo canshuuro–taasoo muujinaysa jasiiraddan dadaalka ay u hayso ardaydeeda. Fadlan sii wad taageerada ardaydeenna iyo jasiiraddeena. Carruurta ugu codee “haa”!
Bayaanka waxaa soo gudbiyay: Maria Porter Steward, Nicole Martin, Lennon Bronsema, vashonyesforkids@gmail.com