Diyaarinta ardayda mustaqbalka waxay u baahan tahay teknolojiyad casri ah iyo dhismeyaal dugsiyeed oo ammaan ah, si wanaagsan loo dayactiray. Soo Jeedinta 2 waxay dib-u-cusbooneysiinaysaa maalgelinta wakhtigeedu dhammaanayso ee qalabka iyo xarumaha ay ardaydu u baahan yihiin si ay u bartaan, u koraan, una guuleystaan. Gobolku ma maalgeliyo adeegyadaan lama huraanka ah.
Cabbirkan la’aantiis, ardayda, macallimiinta, iyo shaqaalaha guud ahaan degmada waxay waayayaan helitaanka teknolojiyada fasalka, qalabka waxbarashada khadka tooska ah, manhajka dhijitaalka ah, shabakad ammaan ah ee isku xirta degmada oo baaxaddeedu tahay 76 mayl oo laba-jibbaaran. Kheyraadkan waxay xaqiijiyaan ardaydu in ay horumariyaan xirfadaha teknolojiyada ee ay uga baahan yihiin jaamacadda, tababarka farsamada, iyo shaqada.
Cabbirkan sidoo kale wuxuu maalgeliyaa dayactirka muhiimka ah ee dhismeyaasha, hagaajinta, iyo raacitaanka xeerarka guud ahaan degmada. Dugsi kasta waxaa caawinnaya maalgelintan, oo ay ku jiraan: kulayliyaha iyo qaboojinta, beddelka saqafyada, nidaamyada ammaanka, ranjiyeynta iyo daboolitaanka dibadda, sagxadda, iyo nalalka, sidoo kale garoomada ciyaaraha iyo madadaalada. Dib-u-cusbooneysiinta canshuurtaan waxay ardaydeenna ku haynaysaa kuwo diiran, qalalan, iyo ammaan ah. Haddii aan la ansixin waxay keenni doontaa dayactir dib loo dhigay, kaabayaal fashilmay, iyo kharash badan oo mustaqbalka ah. Tani waa tallaabo dhaqaale oo mas'uuliyadeed si loo ilaaliyo maalgeshiyada bulshada ee dugsiyadeena.
Ku biir hoggaamiyeyaasha bulshada, mas'uuliyiinta la doortay, iyo derisyadaada adigoo ugu codeynaya haa dayactirka dhismaha muhiimka ah iyo teknolojiyada fasalka! Ku codee Haa! si loo cusbooneysiiyo canshuurta mashaariicda teknolojiyada iyo hantida waaweyn!
Bayaanka waxaa soo gudbiyay: Kelli Curtis, Angela Birney, Karen Howe, Vote4lwsdkids.org