King County logo
v1.0.0.1
Degmada Dugsiga Bellevue Lr. 405

Soo Jeedinta Lr. 2
Dib-U-Cusbooneysiinta Canshuurta Wakhtigeedu Dhammaanayso ee Mashaariicda Teknolojiyada iyo Hantida Waaweyn

Guddiga Agaasimeyaasha ee Degmada Dugsiga Bellevue Lr. 405 ayaa meel mariyay Qaraarka
Lr. 2025-15, ee khuseeya soo jeedin si loo joogteeyo maalgelinta mashaariicda teknolojiyada waxbarashada iyo hantida waaweyn. Soo jeedintaan waxay maalgelin doontaa xarumaha waxbarashada, oo ay ku jiraan teknolojiyado cusub oo ay hellaan ardayda, waxbarashada STEM ee wadajir ah iyo manhaj isku dhafan oo dhijitaal ah, kaabayaasha shabakadda/amniga internetka, saqafyada, HVAC iyo nidaamyada ammaanka/amniga, iyo u oggolaanaysaa Degmada inay soo rogto canshuuraha dheeraadka ah ee soo socda, taasoo dib-u-cusbooneysiinaysa canshuur wakhtigeedu dhammaanayso, ee dhammaan hantida la canshuuri karo ee gudaha Degmada:

Sannadka Ururinta

Heerka Canshuurta ee
La Qiyaasay

/$1,000

Qiimaha la qiimeeyay

Caddadka Canshuurta

2027

$0.54

$64,000,000

2028

$0.54

$67,000,000

2029

$0.54

$70,000,000

2030

$0.54

$73,000,000

 

dhammaan sida ku cad Qaraarka Lr. 2025-15. Ma tahay in soo jeedintaan la ansixiyo?

Haa

Maya


Ansixinta Soo Jeedinta 2 waxay dib-u-cusbooneysiin doontaa canshuurta mashaariicda teknolojiyada iyo hantida waaweyn ee hadda jirta taasoo wakhtigeedu dhammaanayso dhammaadka sannadka kalandarka ee 2026. Canshuurtu waxay bixisaa teknolojiyada waxbarashada, xarumaha dugsiga, iyo hagaajinta kaabayaasha ee aanu Gobolku maalgelin, oo ay ku jiraan, laakiin aan ku xaddidnayn: (1) teknolojiyada degmada oo dhan si ay ardayda u siiso helitaanka teknolojiyada cusub iyo softiweerka taageera waxbarashada, wada shaqeynta waxbarashada STEM, manhaj dhigitaal ah oo isku dhafan, iyo kombuyuutarro iyo/ama taabletyo arday kasta; (2) teknolojiyada fasalka iyo nidaamyada la xiriira, oo ay ku jiraan teknolojiyada waxbaridda iyo barashada, taageerada teknolojiyada, kaabayaasha shabakadda iyo amniga internetka, iyo tababarka teknolojiyada shaqaalaha; iyo (3) casriyaynta xarumaha dugsiga, oo ay ku jiraan saqafyada ballaaran, iyo hababka kulaylinta iyo qaboojinta iyo qalabka ("HVAC") hagaajinta, dayactirka hantida waaweyn, hagaajinta xarunta ciyaaraha, hababka ammaanka iyo amniga iyo hagaajinnada kaabayaasha, hagaajinnada xarunta jikada, iyo ilaalinta tamarta.

Haddii la ansixiyo, Soo Jeedinta 2 waxay oggolaanaysaa canshuur ilaa iyo $64,000,000 ah sannadka 2027, $67,000,000 sannadka 2028, $70,000,000 sannadka 2029, iyo $73,000,000 sannadka 2030. Iyadoo lagu salaynayo macluumaadka qiimeynta la qiimeeyay ee la saadaaliyay, heerka canshuurta ee loo baahan yahay si loo soo saaro caddadyadaan waxaa lagu qiyaasay inuu yahay $0.54 halkii $1,000 ee qiimaha la qiimeeyay. Heerka saxda ah ee canshuurta ayaa laga yaabaa in la isku hagaajiyo iyadoo lagu salaynayo qiimaha dhabta ah ee la qiimeeyay ee hantida gudaha Degmada wakhtiga canshuurta la soo rogayo. Ka dhaafitaanka canshuuraha ayaa laga yaabaa inay heli karaan qaar ka mid ah mulkiileyaasha guryaha; wac Qiimeeyaha Degmada King 206-296-3920.

Ardaydeennu waxay mudan yihiin dugsiyo ammaan ah, caafimaad qaba, oo casri ah. Ku Codee "Haa" si dib loogu cusbooneysiiyo Canshuurta Mashaariicda Teknolojiyada iyo Hantida Waaweyn oo sii wad u diyaarinta ardayda guulaha mustaqbalka.

Waxbarashada casriga ah iyo u diyaar garoowga shaqo waxay u baahan tahay maalgelinta teknolojiyadeed si ay fasalladayadu u sii wadaan baahiyaha waxbarashada STEM ee isbeddelaya oo lagu daray hababka waxbarashada caadiga ah. Canshuurtaan waxay maalgelisaa beddelka qalabka duuga ah in arday kasta uu helo fursad waxbarasho oo kombuyuutar ama tablet casri ah. Sidoo kale waxay taageertaa waxbarashada fasalka iyada oo loo marayo tababarka macallimiinta ee deegaanka si degdeg ah u beddelaaya jawiga teknolojiyada.

Soo jeedinta 2 sidoo kale waxay maalgelisaa baahiyaha aasaasiga ah ee mashaariicda hantida waaweyn ee Gobolku uusan daboolin si loo ilaaliyo deegaan waxbarasho oo ammaan ah oo caafimaad qaba oo loogu talagalay ardaydeenna. Canshuurtaan ayaa dhismeyaasha dugsiyadeena ku joogteysaa xaalad wanaagsan iyada oo lagu sameeyo dayactirka saqafka iyo cusbooneysiinta nidaamyada HVAC (kulaylisada, qaboojinta, iyo hawo-socodka); horumarinta waxtarka tamarta si loo taageero deegaanka taasoo badbaadisa lacagta canshuur-bixiyeyaasha iyadoo loo marayo kharashka adeegga tamarta oo hooseeya; iyo garoomada ciyaaraha, jikada dugsiyada, iyo casriyaynta ammaanka iskuul kasta oo degmada ku yaal.

Tani ma aha Canshuur Cusub. Sida Soo jeedinta 1 oo kale, codbixiyeyaasha waxaa la weydiiyaa 4 sanno kasta inay si fudud u cusbooneysiiyaan canshuuraha ay hore u ansixiyeen. Ku codeynta "Haa" waxay joogteynaysaa heer canshuur degan iyadoo sii wadaysa maalgelinta mashaariicda hantida waaweyn iyo teknolojiyada ay ardaydeennu u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan.


Bayaanka waxaa soo gudbiyay: Lynne Robinson, My-Linh Thai, Tim Motts, www.BellevueQualitySchools.org

Canshuurtaan Hantida Waaweyn ee 4-ta sanno ah waa kordhin 20% oo doolar ahaan oo ka sareysa Canshuurtii Hantida Waaweyn ee hore ee afarta ee sanno la soo dhaafay.

Bellevue SD ma aha inay ku muujiyaan, agabyadooda ololaha, in codbixiyeyaashu u codeynayaan heerarka canshuuraha mustaqbalka. Anaga, codbixiyeyaasha, waxaan u codeynaynaa caddadyada doolarka. Heerarka canshuuraha sannad kasta waxaa xisaabiya qiimeeyaha degmada bisha Janaayo kasta isagoo soo qaadanaya caddadka doolar ahaan ee caddadka canshuurta ee sannadka isagoo u qaybinaaya Qiimeyaasha Guud ee La Qiimeeyay (TAV) ee dhammaan hantiyada la canshuuri karo ee sannadkaas. Degmada waxay qiyaasaysaa koror ah 5% ah, oo la isku daray, ee TAV-ga ee mid kasta oo ka mid ah 4-ta sanno ee soo socota. Laakiin degmada waxay ku fashilantay in hantida tusaalaha ah ay kor uga kacdo heerkaas taasoo keenaysa qiimo hoose. Tani waa sababta heerarka canshuuraha mustaqbalka ee la qiyaasay aysan macno u lahayn waa in laga mamnuuco agabyada ololaha degmooyinka dugsiga.

Si aad u hesho falanqeynta kharash sax ah oo macquul ah, eeg webseedka SchoolDataProject.com.

 

Bayaanka waxaa soo gudbiyay: Kendall Demaree, commentsbsdlevyopposition@gmail.com

Bayaanka Sharaxaadda Degmada ee kor ku xusan wuxuu ka kooban yahay dhammaan wadarta lacagaha loo adeegsaday xisaabinta. Codbixiyeyaashu waxay filayaan heerar canshuureed oo degan, cabbirkanina wuxuu si fudud u cusbooneysiinayaa canshuurta hadda jirta si dugsiyadeenu ula socdaan kharashyada sii kordhaaya iyada oo aan la wiiqin waxbarashada tayada leh. Guddiga ka soo horjeedidda dugsiyada wax dood ah kama soo bandhigin mashaariicda ay canshuurtaan maalgeliso—taasna waa sabab wanaagsan! Canshuurtaan waxay bixisaa aasaas adag si ardaydeennu diiradda ugu saaraan barashada.

 

Bayaanka waxaa soo gudbiyay: Lynne Robinson, My-Linh Thai, Tim Motts, www.BellevueQualitySchools.org

Sida lagu xusay bayaanka taageeraya Soo jeedinta 2: “Gobolku ma daboolaayo kharashka lagu ilaalinayo deegaan waxbarasho oo ammaan ah oo caafimaad leh.”

Arrintaani waa isla sheekadii Soo jeedinta 1. Ama gobolku si weyn oo ka hooseysa sidii loogu talagalay u maalgelinaysa, ama BSD ayaa si khaldan u maamulayso lacagaha, ama bayaanka “taageeridda” uu yahay buunbuunin mala-awaal ah, ama isku-dar dhammaan arrimahaas. Lacagaha canshuuraha, haddii si habboon loo maamulo, waxay faa’iido u yeelan karaan kobcinta ardayda, balse fadlan si cad noogu sheeg sababta baahiyaha aasaasiga ah ee waxbarashada ee Dastuurka Gobolka Washington uu waajibiyey ay si isa soo taraysa ugu tiirsan yihiin canshuurahaan loogu yeero “dib-u-cusbooneysiin” ee marin-habaabinta ah.

 

Bayaanka waxaa soo gudbiyay: Kendall Demaree, commentsbsdlevyopposition@gmail.com

Aqlabiyad fudud (Dastuurka Washington, qodobka VII, qaybta 2(a))

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto cabbirkan, la xiriir: John Harrison, Madaxa Shaqaalaha, (425) 456-4142, harrisonj@bsd405.org 

52 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka