Degmada Isbitaalka Dadweynaha Lr. 1 ee Degmada King, oo loo yaqaan Valley Medical Center, waxay u adeegaysay bulshadaan ku dhawwaad 80 sanno. Anagoo ah xubno ka tirsan bulshada, waxaan aragnay baahiyaha daryeelka caafimaadka oo sii kordhaaya oo isbeddelaya, waxaana Valley ay si adag ugu shaqeynaysaa inay la jaan qaaddo baahiyahaas.
Marka kuwa aan jecel nahay ay u baahan yihiin caawinaad caafimaad – xaalad degdeg ah, baaritaanno joogto ah, ama daryeel gaar ah – helitaanka daryeel caafimaad oo tayo sare leh waa inuu ahaadaa mid u dhow guriga.
Ku codee Haa Soo Jeedinta Lr. 1 ee Isbitaalka si loo sugo mustaqbalka daryeelka deegaanka. Valley waxay bixisaa adeegyo isbitaal oo muhiim ah 24 saacadood maalintii, oo ay ku jiraan dhalmada, dhaawacyada iyo daryeelka degdegga ah, iyo daryeelka daran ee isbitaalka.
Ku codee Haa si daryeelka caafimaadku uu ugu dhawwaado gurigaaga. Hel daryeelka aad u baahan tahay halka aad ku nooshahay. Helitaanka daryeel heer sare ah oo dhowr daqiiqo u jira waxay ka dhigan tahay walaac yar, safarro gaagaaban, iyo wakhti badan oo lala qaato kuwa aad jeceshahay.
Ku codee Haa si xirfado looga dhiso gudaha Koonfurta Degmada King. Shaqaalaha Valley waxaa ka go’an inay u adeegaan bulshadeenna sidii qoys. Waxay u baahan yihiin xasillooni, mushahar tartan leh, iyo fursado ay ku bartaan oo ay kula koraan bulshadeenna.
Nagu soo biir ee ku codeynta Haa si aan u wajahno caqabadahaan oo aan dib ugu cusbooneysiino taageerada Valley Medical Center isbitaalkeena madax-bannaan ee bulshada iska leh.