King County logo
v1.0.0.1
Degmada Dugsiga Auburn Lr. 408

Soo Jeedinta Lr. 1
Curaarta Dhismaha Dugsiga iyo Beddelka

Guddiga Agaasimeyaasha ee Degmada Dugsiga Auburn Lr. 408 ayaa ansixiyay Qaraarka Lr. 1408, ee khuseeya soo jeedin si loo maalgeliyo dhisitaanka dugsiyo cusub iyo kuwo beddel ah. Soo jeedintaan waxay Degmada u oggolaanaysaa inay bixiso maalgelinta si loo dhiso Dugsi Dhexe oo cusub iyo beddelaadyada loogu talagalay Dugsiga Dhexe ee Cascade iyo Dugsida Hoose ee Alpac, si loo kordhiyo awood qaadka oo loo yareeyo cabbirka fasallada, loo casriyeeyo teknolojiyada iyo deegaannada waxbarashada, loo hagaajiyo ammaanka iyo amniga, loona dayactiro garoomada ciyaaraha ee isticmaalka ardayda iyo bulshada, iyadoo soo saaraysa ilaa iyo $490,000,000 oo ah curaarta waajibaad guud oo ku buuxsami doona muddo 20 sanno gudahood, iyo soo rogista canshuuraha hantida sannadlaha ee xad dhaafka ah si dib loogu bixiyo curaarta, sida qaraarku dhigaayo.

Ma tahay in soo jeedintaan la:

Ansixiyo

Diido


Ansixinta Soo Jeedinta 1 waxay Degmada Dugsiga Auburn u oggolaanaysaa inay maalgeliso dhismaha dugsiyo cusub iyo kuwo beddel ah iyadoo soo saaraysa ilaa iyo $490,000,000 oo ah curaarta waajibaadka guud.  Haddii codbixiyeyaashu ansixiyaan soo jeedintaan, Degmada waxay lacagaha kasoo baxa curaarta u isticmaali doontaa si ay u (1) dhisto oo qalabayso Dugsi Dhexe cusub #5, (2) dhisto oo qalabayso dugsi dhexe cusub oo leh awood qaad ballaaran si loogu beddelo Dugsiga Dhexe ee Cascade, iyo (3) dhisto oo qalabayso dugsi hoose cusub oo leh awood qaad ballaaran si loogu beddelo Dugsiga Hoose ee Alpac.  Mashaariicdan waxay kordhin doonaan awood qaadka dugsiyada waxayna yarayn doonaan tirada fasallada, casriyayn doonaan teknolojiyadda iyo deegaannada waxbarashada ardayda, hagaajin doonaan badqabka iyo amniga, waxayna horumarin doonaan oo ballaarin doonaan garoomada ciyaaraha iyo xarumaha isboortiska ee loogu talagalay isticmaalka ardayda iyo bulshada.

Haddii codbixiyeyaashu ay ansixiyaan soo jeedintaan, Degmada waxay filaysaa inay hesho qiyaastii $26,000,000 oo ah maalgelinta caawinaadda dhismaha oo ay ka helayso Gobolka si loo dhammaystiro mashaariicdan.  Curaarta ayaa ku buuxsami doonta muddo 20 sanno gudahood ah waxaana dib loogu bixin doonaa lacagaha xad dhaafka ah ee kasoo xarooda canshuuraha hantida.  Iyadoo lagu salaynayo macluumaadka qiimeynta ee la saadaaliyay, Degmada waxay qiyaasaysaa in heerka canshuurta xad dhaafka ah uu celcelis ahaan noqon doono $1.04 halkii $1,000 ee qiimaha hantida ee la qiimeeyay.

Waxaa laga yaabaa in mulkiileyaasha guryaha ee waayeelka ama naafada ah ee buuxiya xadadka dakhliga ee la cayimay ay heli karaan ka dhaafitaan canshuurta.  Si aad u hesho macluumaad la xiriira ka dhaafitaannada, wac Qiimeeyaha Degmada King taleefanka (206) 296-3920.

Waxaan ku boorinaynaa in cod Haa ah la siiyo curaarta si loo dhiso dugsi dhexe oo cusub loona beddelo Dugsiga Dhexe ee Cascade iyo Dugsiga Hoose ee Alpac. In ka badan 900 arday oo dugsiga dhexe ah ayaa hadda wax ku baranaaya fasallo la qaadi karo, Alpac-na waxay u baahan tahay dayactir joogto ah oo qaali ah. Ardaydeennu waxay u baahan yihiin dugsiyo casri ah oo ammaan ah si ay ugu guuleystaan.

Curaartani waa maalgelin caqli-gal ah, oo mas'uul ah. Degmada Dugsiga Auburn waxay leedahay rikoor xooggan oo dhisitaan wakhtigiisa ku dhammaada, miisaaniyaddiisana ku habboon waxayna si taxaddar leh u maamushay maaliyadda iyadoo deynta ka bixisay—iyadoo saameynta canshuurta la yareeyo.

Kharashka la saadaaliyay waa $1.04 halkii $1,000 ee qiimeynta la sameeyay, ama qiyaastii $47.66 bishii guri $550,000 ah.

Codbixiyeyaasha Auburn waxay si joogto ah u taageereen waxbarashada, bulshadeennana waxay aragtay faa'iidooyinka. Maadaama aysan jirin qorshe fog oo gobolka uu ku maalgelinayo dhismaha dugsiyada, waa in aan tallaabo qaadnaa. Aynu sii wadno maalgelinta carruurteena iyo bulshadeenna. Ku codee haa si loo dhiso dugsiyada ardaydeennu ay mudan yihiin.

 

Waxaa soo gudbiyay: Jason Wright, Cary Manry

Degmada Dugsiga Auburn waa hanti weyn oo bulshada Auburn ah, macallimiinta iyo shaqaalaha taageerada waxay si aan daal lahayn ugu shaqeeyaan inay ardayda ay u adeegaan siiyaan waxbarasho tayo leh. Dugsiyada si wanaagsan loo maalgeliyo ayaa muhiim u ah barwaaqada dhaqaale iyo guusha ardayda.

Laakin, hadda ma aha wakhtiga ku habboon in la qaato $500 milyan oo curaarta dhismaha dugsiyada. Qiimaha dulsaarka ayaa ah heerkii ugu sareeyay abid, bulshadeennana waxay wajahayaan dhibaato la xiriirta awoodi la’aanta wax iibsiga. Curaartani waxay ku kici doontaa mulkiilaha leh guri qiimihiisu caadi yahay $12,000 muddo 20 sanno ah. Diiwaan gelinta ardayda waa mid aad u adag in la saadaaliyo, kororka dadka ee magaalada Auburn ayaa hakaday sannadihii ugu dambeeyay, iyo xayiraadaha cusub ee socdaalka heer federaal ayaa si weyn u yarayn kara diiwaan gelinta ardayda, taasoo ka dhigaysa mid aan loo baahnayn in la dhiso dugsiyo cusub.

Tani ma aha hab ku habboon oo loo qoondeeyo kheyraadka yar, maadaama midna dakhligaan aan loo adeegsan doonin in lagu kordhiyo mushaharka macallimiinta ama lagu yareeyo tirada fasallada, kuwaas oo ah labada hab ee ugu saameynta badan ee lagu horumarin karo guusha ardayda.

Ugu dambeyntii, Gobolka Washington waa inuu maalgelin u sameeyaa dhismaha dugsiyada. Ku tiirsanaanta canshuuraha hantida ee dibudhaca ah ma aha mid caddaalad ah ama waara, waxayna culays dhaqaale oo aan caddaalad ahayn saaraysaa shaqaalaha iyo bulshooyinka aan hantida badnayn.

Waxaa soo gudbiyay: Yuval Fleming

Iyadoo heerka dulsaarku uu sareeyo, dib u dhigista dhismaha dugsiyada waxay ku kici doontaa wax ka badan sababo la xiriira sicirbararka iyo xarumaha duugoobay. Dugsiyada dhexe ee Auburn ayaa ka buuxdhaafay, Dugsiga Dhexe ee Cascade-na waa mid aad u duugoobay — waxay u baahan tahay maalgelin gobol oo aan la daboolin. 

Lacagaha curaarta laguma kordhin karo mushaharka, laakiin fasallada casriga ah ee ammaan ah waxay kor u qaadaan waxbarashada. Canshuuraha hantida ma ahan kuwo qumman, haddana waa habka ugu tooska ah ee aan maanta ugu maalgelin karno carruurteena. Sugitaanku wuxuu khatar ku yahay kordhinta kharashyada iyo hoos u dhaca tayada waxbarashada ee hadda iyo mustaqbalka ardayda.

 Waxaa soo gudbiyay: Jason Wright, Cary Manry

Wax bayaan ah lama soo gudbin.

60% codeyn haa ah iyo soo bixitaanka ugu yaraan 40% ee codbixiyeyaasha dhiibtay warqadaha codbixinta doorashadii guud ee ugu dambeysay (Dastuurka Washington, qodobka VII, qaybta 2(b))

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto cabbirkan, la xiriir: Cindi Blansfield, Ku-xigeenka Kormeeraha Guud, (253) 931-4930, 2025election@auburn.wednet.edu

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka