King County logo
v1.0.0.1
Magaalada Seattle

Soo Jeedinta Lr. 1
Canshuurta Qoysaska, Waxbarashada, Dugsiga Hore, iyo Ballanqaadka

Golaha Magaalada Seattle ayaa hirgeliyay Xeerka Lr. 127238 ee khuseeya beddelaadda canshuur wakhtigeedu dhammaanayso si loo maalgeliyo adeegyada taageerada waxbarashada.

Soo jeedinta 1 ee Magaalada Seattle waxay beddeli doontaa canshuur wakhtigeedu dhammaanayso, iyadoo maalgelinaysa daryeelka carruurta iyo dugsiga barbaarinta; taageerooyinka aqooneed, caafimaadka, iyo ammaanka ee ku aaddan ardayda K-12; u diyaargarowga jaamacadda iyo shaqada; iyo taageerooyin kale, sida ku xusan Xeerka 127238.

Waxay oggolaanaysaa canshuur lix-sanno ah oo ururinta laga bilaabi doono 2026 oo ah $0.72/$1,000 dheeraad ah ee qiimaha la qiimeeyay, oo noqonaysa ugu badnaan heerka wadarta guud ee canshuurta oo ah $3.02. Caddadka canshuurta ee 2026 ayaa noqon doona aasaaska canshuuraha ku xiga ee ilaa iyo 2031. Ka dhaafitaanka RCW 84.36.381 ee muwaadiniinta waayeelka iyo dadka naafada ah ayaa khuseeya.

Ma tahay in canshuurtaan la ansixiyo?

Haa

Maya


Soo jeedinta Seattle 1, oo loo yaqaan Canshuurta Qoysaska, Waxbarashada, Dugsiga Hore ee Barbaarinta, iyo Ballanqaadka, waxay beddelaysaa canshuur waxbarasho oo wakhtigeedu dhammaanayso, taasoo soo xaraynaysa ugu badnaan $1,258,300,000 muddo lix sanno gudahood si loo kordhiyo helitaanka iyo bixinta adeegyada taageerada waxbarashada ee afar aag: A) barnaamijyada carruurnimada hore si loo kordhiyo helitaanka daryeelka carruurta iyo dugsiga barbaarinta goorta hore ee la awoodi karo; B) taageerada ardayda K12 si loo kordhiyo u diyaarinta ardayda ee jaamacadda iyo xirfadaha; C) barnaamijyada caafimaadka iyo badqabka ee K12 si loo kordhiyo caafimaadka jireed iyo maskaxeed ee ardayda; iyo D) taageerooyinka jaamacadda iyo xirfadaha si loo kordhiyo inay ardaydu dhammeeyaan shahaadada waxbarashada sare ee ka dambeysa dugsiga sare ama waddooyinka kale ee fursadaha xirfadeed. Xeerka 127238, Qaybta 6, ayaa si faahfaahsan uga hadlaya aagaggan. Kharashgaraynta caddadka iyo mudnaanta gudaha afarta aag waxaa si dheeraad ah u go'aamin doona iyadoo la raacayo bayaanka siyaasadda ee Qaybta 2, miisaaniyadaha sannadlaha ah, iyo Qorshaha Hirgelinta iyo Qiimeynta ee lagu ansixiyo xeerka, oo ay hagayaan Guddiga Kormeerka.

Heerka canshuurta dheeraadka ah ee la xiriira kororka soo jeedintaan ee mulkiilaha guri kasta waxa uu noqonayaa ku dhawwaad $0.72 ee ka mid ah $1,000 ee qiimaha la qiimeeyay, iyo heerka ugu badan ee wadarta canshuurta waa $3.02/$1,000. Canshuurta waxaa marka hore la ururin doonaa sannadka 2026. Ka dhaafitaanka RCW 84.36.381 ee muwaadiniinta waayeelka iyo dadka naafada ah ayaa khuseeya.

Canshuuraha uu codbixiyuhu ansixiyo la’aantood, Magaaladu guud ahaan waxaa sharciga gobolka ku xaddidan inay kordhiso canshuuraha hantida ee sannadlaha ah oo aan ka badnayn boqolkiiba hal ka sareeya caddadka ay Magaaladu heshay sannadkii ka horreeyay. Ka dib marka soo jeedintaan ay dhammayso canshuur qaadista sannadka 2031, ugu badnaanta kororka boqolkiiba hal ayaa waxaa loo xisaabin doonaa sida in soo jeedintaan aan la ansixin.

Ubad kasta oo Seattle ah wuxuu mudan yahay barashada hore oo tayo leh, ammaan iyo caafimaad inta lagu jiro waxbarashadooda K12, iyo helitaanka jaamacad ama tababar xirfadeed. Ubad Kasta Diyaar (Every Child Ready)– cusbooneysiinta Canshuurta Qoysaska, Waxbarashada, Dugsiga Hore ee Barbaarinta iyo Ballanqaadka wuxuu ballaarinayaa oo cusbooneysiinayaa barnaamijyada ka caawiya carruurta heer kasta oo waxbarasho, iyadoon loo eegin dakhliga ama koodka boostada.

 

Laba Jibaarista Daryeelka Carruurta ee La Awoodi Karo: Canshuurta soo jeedintaan waxay labanlaabeysaa taageerada qoysaska la daallaa dhacaya kharashaadka daryeelka carruurta — iyadoo adeegsanaysa 1,400 qoys iyo xasillinta shaqaalaha daryeelka carruurta. Canshuurta waxay taageertaa barnaamijyada barashada hore ee yareeya sinnaan la’aanta waxayna caawiyaan carruurta inay galaan fasalka koowaad ee dugsiga hoose iyagoo diyaar u ah inay wax bartaan.

 

Ku Heynta Carruurta Caafimaad Qab: Codkaaga wuxuu ku darayaa rugaha caafimaadka ee dugsiga; taasoo xaqiijinaysa in ardayda ku jirta 34 Dugsiyada Dadweynaha ee Seattle ay heli karaan talo caafimaad oo sax ah iyo daryeel, oo ay ku jiraan la-talin caafimaad maskaxeed oo diyaar ah. Canshuurta waxay maalgelisaa barnaamijyada xagaaga iyo kuwa dugsiga kadib kuwaas oo bixiya meelaha ammaan ah oo lagu barran karo.

 

U Diyaargarowga Jaamacadda iyo Shaqada: Soo Jeedinta1 waxay sii haysaa Seattle Promise lacag laaan laba sanno oo waxbarasho ah oo loogu talagalay arday kasta oo ka qalin jebiyay dugsiga sare ee Seattle ee halka Jaamacadaha Seattle, iyadoo la siinayo waddooyin shahaadooyinka afar sanno ah. Canshuurta waxay ku dartaa wacyigelin si ay uga caawiso carruurta xiiseynaysa xirfadaha farsamada iyo shaqooyinka kale ee qoysaska mushaharka leh. Ku soo biir Duqa Magaalada Bruce Harrell, Golaha Magaalada oo dhan, ururada ay ku jiraan SEIU925 oo matalaya shaqaalaha daryeelka carruurta, ganacsiyada, taageerayaasha caafimaadka carruurta ee waxbarashada, iyo in ka badan si ay u taageeraan Soo Jeedinta 1.

 

Waxaa soo gudbiyay: Bruce Harrell, Maritza Rivera, Tricia Schroeder, everychildreadyseattle.com

Inkasta oo yoolalka la sheegay ee canshuurta FEPP, darajooyinka iyo waxqabadka tacliimeed ma aysan hagaagin sidii loogu talagalay; way sii xumaadeen. Qoysaska Seattle waxaa lagu culaysay canshuur kale oo dheeraad ah magaalada aan la awoodi karin iyadoo aan la gaarsiin faa’iidooyinkii codbixiyeyaasha loo sheegay inay filayaan. Cabbirkan wuxuu u dhigantaa qiyaastii $654 sannadkii guri qiime dhexe leh.

Sannadba sannadka ka dambeeya, inkasta oo ay canshuurtaan jirto, ardaydu waxay arkeen natiijooyin waxbarasho oo aan isbeddelin ama hoos u dhacaya. Intii lagu jiray cudurka faafa, heerka guud ee aqoonta xisaabta iyo ELA ayaa hoos u dhacay dhammaan Dugsiyada Dadweynaha ee Seattle, xitaa ardayda ay FEPP taageerto, welina waxa uu ka hooseeyaa heerarkii ka horreeyay cudurka faafa.

Intaa waxaa dheer, caafimaadka maskaxda ardayda ayaa sii xumaanaya. Heerarka niyadjabka, walbahaarka, iyo maqnaanshaha ayaa kordhay, xitaa iyadoo lacagaha canshuurta loo qoondeeyay barnaamijyada taageerada shucuurta bulshada iyo caafimaadka. Isbeddelka ayaa muujinaya in lacag badan aysan soo saarin natiijooyinkii la ballanqaaday, taasoo dhalisay suaalo ku saabsan kormeerka iyo la xisaabtanka.

Dhanka kale, qiimaha nolosha ee magaalada Seattle ayaa sii kordhaya. Soo jeedinta canshuur kale waxay keliya ku kordhisaa culayska dhaqaale, iyadoo aan wax faa’iido ah laga helin. Canshuurta FEPP ayaa ku guuldareysatay inay keento isbeddel waxbarasho oo la ballanqaaday. Cusboonaysiinteedu waxay saari lahayd culays aan la aqbali karin deganeyaasha magaalada oo hore ula tacaalaya dhibaatooyinka awood la’aanta. Waxaan u qalannaa natiijooyin wanaagsan, ma ahan canshuuraha sare si loo taageero barnaamijyo guuldareystay. Ku Codee Maya.

Waxaa soo gudbiyay: 
Ari Hoffman

Cusbooneysiintan waxay in ka badan labanlaabeysaa daryeelka carruurta ee la awoodi karo, oo ah walaac weyn oo qoysaska kharashunugul, waxayna sii haysaa barnaamijyada diyaarinta kulliyadda iyo xirfadaha ee ka caawiyay kumanaan dhallinyaro ah inay guulaystaan. Maalgelinta K12 waxay bixisaa adeegyo caafimaad oo muhiim ah iyo adeegyo taageero oo dhammaystiran, waxaana lagu cusbooneysiiyay inay ku jiraan daryeelka caafimaadka maskaxda iyo taageero bulsho oo kordhay.

 

Canshuurtaan waxay leedahay kormeer madaxbannaan waxayna ku guuleysatay aqoonsi qaran fadlan Ku Codee Haa carruurteena iyo qoysaskeena.

Waxaa soo gudbiyay: Bruce Harrell, Maritza Rivera, Tricia Schroeder, everychildreadyseattle.com

Kordhinta canshuuraha ma fududeyso daryeelka carruurta ama waxbarashada inay noqdaan kuwo la awoodi karowaxay keliya culayska saaraysaa qoysaska dhibaataysan iyo ganacsiyada yaryar. Canshuurtaan waxay jirtay sannado badan, haddana labameelood saddex meel ardayda Washington weli ma gaarin heerka fasalka akhriska ama xisaabta. In kasta oo dakhliga rikoorka ah, natiijooyinka way sii xumaanayaan. Barnaamijyadaan natiijo ma keenayaan. Halkii laga qaadi lahaa canshuur dheeraad ah, Magaalada Seattle waa inay dib u habeyso kharashaadka, jarto kharashaadka aan loo baahnayn, oo ay dalbato isla xisaabtan ka hor inta aysan qaadan doolar kale oo ka yimaada canshuur bixiyeyaasha.

Waxaa soo gudbiyay: 
Ari Hoffman

 

Aqlabiyad fudud (RCW 84.55.050)

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto cabbirkan, la xiriir: Polly Grow, Guddiga Anshaxa iyo Doorashooyinka ee Seattle, (206) 615-1248, polly.grow@seattle.gov 

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka