King County logo
v1.0.0.1
Magaalada Lake Forest Park

Soo Jeedinta Lr. 1
Kor-U-Qaadista Canshuurta ee Adeegyada Ammaanka Dadweynaha

Golaha Magaalada ee Magaalada Lake Forest Park ayaa hirgeliyay Qaraarka Lr. 25-2021 si loo maalgeliyo Adeegyada Ammaanka Dadweynaha.

Soo jeedintaan waxay maalgelin doonaa Adeegyada Ammaanka Dadweynaha sida ku cad Qaraarka oo ay ku jiraan adeegyada booliiska, qalabka ammaanka, wicitaanka 911, adeegyada maaraynta xaaladaha degdegga ah, adeegyada xabsiga, iyo ka jawaab celinta xaaladaha caafimaadka maskaxda iyadoo si ku meel gaar ah loo dejinaayo heerka ugu badan ee wadarta canshuurta caadiga oo ah $0.95367/$1000 oo la ururinayo sannadka 2026, oo ay la socoto kordhino sannadle ah oo shan sanno ah oo lagu saleeyay heerka sicir bararka ee Gobolka Seattle CPI-U oo aan ka badnaan karin 5%. Waayeellada dakhligoodu hooseeyo, halyeeyada hore ee naafada ah, iyo kuwa kale ee naafada ah ee u qalma ayaa laga dhaafayaa canshuurta sida hoos timaadda RCW 84.36.381.

Ma tahay in soo jeedintaan la ansixiyo?

Haa

Maya


Magaalada Lake Forest Park waxay soo jeedinaysaa Soo Jeedinta 1 si ay u bixiso maalgelin waara oo loogu talagalay Adeegyada Ammaanka Dadweynaha oo ay ku jiraan: shaqaaleynta booliiska, tababarka, iyo qalabka amniga; adeegyada wicitaanka 911; adeegyada xabsiga; kharashaadka dacwad-oogista iyo difaaca dadweynaha; iyo barnaamijyada faragelinta dhibaatooyinka iyo jawaabta caafimaadka maskaxda.

Soo Jeedinta 1 waxay si ku meel gaar ah u oggolaan lahayd kordhin sannadle ah oo qiyaastii $1.2 milyan ah ee canshuurta hantida caadiga ah ee Magaalada iyada oo loo marayo kor-u-qaadista canshuurta. Iyadoo aan la helin oggolaanshaha codbixiyeyaasha ee kor-u-qaadista canshuurta, Magaalada waxaa lagu xaddiday inay kordhiso canshuurta hantida boqolkiiba 1% oo keliya. Dakhliga canshuurta dheeraadka ah ee ka yimaada Soo Jeedinta 1 waxaa si gaar ah loo raadin doonaa waxaana loo isticmaali karaa oo keliya in lagu bixiyo kharashka Adeegyada Ammaanka Dadweynaha.

Soo Jeedinta 1 waxay ku kici doontaa mulkiileyaasha hantida $0.24 halkii $1,000 ee qiimaha la qiimeeyay ($24 halkii $100,000). Sannadka 2026, guri leh qiime celcelis ah oo ah $914,000 waxay noqon doontaa qiyaastii $219.36 ama $18.28 bishii. Sannad kasta oo ka mid ah shanta sanno ee soo socota (2027–2031), dakhliga ka soo xaroonaya kor-u-qaadista canshuurta waxaa la kordhin karaa ilaa 5% si waafaqsan sicir-bararka. Kordhinta sannadlaha ah ee sicir-bararka waxay u baahan doontaa hab furan oo dadweyne iyo codbixin golaha si loo ansixiyo.

Soo Jeedinta 1 waxay kor-u-qaadista canshuurta ka dhaafaysaa waayeellada, halyeeyada hore ee naafada ah iyo dadka kale ee naafada ah ee u qalma. Marka Soo Jeedinta 1 ay wakhtigeedu dhammaato, canshuurta ayaa hoos ugu noqon doonta heerkii ay ahaan lahayd haddii aan la ansixin oo Magaalada ay qaadan lahayd oo keliya kordhinta 1% ee uu oggolaaday sharciga gobolka.

 

Ku Codee haa Soo Jeedinta 1!

LFP ma aha mid ka badbaaday sicir-bararka. In kasta oo shaqaalaha, hawlaha, iyo adeegyada la dhimmay, haddana waxaan la kulannaa farqi miisaaniyadeed oo sii kordhaaya. Muddo laba sanno ah, kharashaadka magaalada ee adeegyada asaasiga ah ee ammaanka dadweynaha iyo adeegyada kale ayaa kordhay in ka badan $700,000. Sharcigu wuxuu xaddidayaa LFP inay kordhiso dakhliga canshuurta hantida 1% sannadkii, taasoo sannadka 2025 ku daraysa keliya $34,500 oo dakhli dheeraad ah. Haa ee Soo Jeedinta 1 waxay ka caawin doontaa in la xiro farqiga si loo maalgeliyo adeegyada ammaanka dadweynaha ee muhiimka ah.

In ka badan 90% canshuurta hantida waxay aaddaa Gobolka, Degmada, iyo Degmada Dugsiga. Maanta, LFP waxay heshaa qiyaastii 8 senti halkii doolar ee canshuurta hanti kasta. Soo Jeedinta 1 waxay ka dhigi lahayd qiyaastii 10 senti, taasoo ku kacaysa mulkiilaha guriga celceliska ah ee Magaalada Lake Forest Park qiyaastii $18 bishii. Dakhliga waxaa si toos ah loogu taageeri doonaa baahiyaha amniga: booliiska, 911, maxkamadda magaalada, xabsiga, maamulka degdegga ah, iyo kuwo kale. Kor-u-qaadista canshuurta waxay dhacaysaa kadib 6 sanno. Waayeellada, halyeeyada hore, iyo dadka kale ee naafada ah ee u qalma waa laga dhaafi doonaa.

Ikhtiyaarka kale waa dhimmista weyn ee adeegyada ilaalinaya bulshadeenna ammaan iyo adkaysi leh. Magaalooyinka kale ee dib u dhigay xiritaanka farqiga miisaaniyadda waxay la kulmeen dhimmista qoto dheer mustaqbalka. Hadda, waa wakhtigii la dhaqaaqi lahaa—ku codeynta haa waxay maalgelinaysaa bulshadeenna, iyadoo la ilaalinayo heer wax ku ool ah oo adeegyada muhiimka ah ee booliiska iyo ammaanka dadweynaha.

Waxaa soo gudbiyay: Peter Eglick, Fiaz Mir, David Hammond, www.yesonlfpprop1.com

Ku Codee Maya!  Booliiska iyo Adeegyada Ammaanka Dadweynaha waxaa si buuxda loo maalgelinayaa ilaa 2028 iyada oo loo marayo Sanduuqa Guud. Maalgelinta canshuurtaan waxay geli doontaa Sanduuqa Guud, taasoo u oggolaanaysa in loo wareejiyo lacagaha Booliiska iyo Adeegyada Ammaanka Dadweynaha meel ka baxsan Sanduuqa Guud. Tani waxay kordhisaa Sanduuqa Guud iyadoo la adeegsanayo caddadka ka soo baxa canshuurtaan, taas oo diyaar u ah nooc kasta oo kharashka mustaqbalka magaalada ah.

Magaalada Lake Forest Park waxay leedahay lacag ku filan si ay u maalgeliso adeegyada muhiimka ah ee deganeyaasha. Golaha magaalada oo walaac qaba ayaa ku codeeyay 3-4 ka soo horjeedka canshuurtaan. Ha lagu marin habaabin. Codka Maya ma goyn doono adeegyada ammaanka dadweynaha ama faa’iidooyinka kale ee muwaadiniinta. Magaalada waxay u baahan kartaa canshuur kor loo qaado mustaqbalka, laakiin ma aha wakhtigan.

Xitaa iyadoo kharashaadka la kordhiyay, hadhaaga Sanduuqa Guud waxaa la filayaa inuu noqdo $8.9 milyan dhammaadka 2026—kaas oo ka badan afar jeer keydka loo baahan yahay ee $2.1 milyan. Qiyaasaha magaalada waxay muujinayaan in keydka uu korayo laga bilaabo $8.9 milyan ilaa ku dhawwaad $10 milyan iyadoo la kordhiyo canshuurtaan.

Codbixiyeyaashu si xikmad leh ayay horrey u diideen canshuuro. Ka hor inta aan la kordhin canshuuraha, magaalada waa inay si mas’uuliyad leh u isticmaashaa lacagaha jira, yareysaa kharashaadka aan loo baahnayn, tixgelisaa ilo dakhli oo aan si xun u saameyn bulshada, oo ay ku martiqaaddaa talooyinka bulshada iyada oo loo marayo Guddiga Joogtaynta Maaliyadeed ee Muwaadiniinta. Yaan lagu marin habaabin. Ku codee Maya!

Waxaa soo gudbiyay: ​​​​​​​Jack Tonkin, Hannah Blackbourn, Beth Chapple, jacklfp67@gmail.com

Ku codee Haa. Maalgelinta laga helo Soo Jeedinta waxaa si sharci ah loogu heellan doonaa Adeegyada Ammaanka Dadweynaha, iyadoon loo eegin xaaladda dakhliga guud. Aragtida ka soo horjeeda Soo Jeedinta 1 waa mid male-awaal ah: ma jiro sicir-barar, ma jiraan kharashyo lama filaan ah ilaa 2028. Keydka magaalada wuxuu dhawwaan noqon doonaa mid dhammaada haddii aan la helin dakhli cusub. Kuwa ka soo horjeeda Soo Jeedinta 1 waxay yiraahdaan aan halista qaadano. Si ka duwan, Soo Jeedinta 1 waxay ilaalinaysaa kayd caafimaad leh oo hubinaaya adeegyo muhiim ah oo degan, wax kasta ha yimaadeene. Ku codee Haa si aad u taageerto booliiska LFP iyo adeegyada ammaanka dadweynaha!

Waxaa soo gudbiyay: Peter Eglick, Fiaz Mir, David Hammond, www.yesonlfpprop1.com

In kasta oo dhammaan ay ku heshiiyeen in kharashaadka ammaanka dadweynaha ay kordheen, taageerayaasha canshuurtaan ma aqoonsanayaan in magaalada ay leedahay ku dhawwaad $7 milyan oo aan loo qoondeynin—ku filan in lagu taageero adeegyada muhiimka ah iyada oo aan la kordhin canshuuraha. Soo Jeedinta 1 waxay ku kici doontaa mulkiilaha guri qiimahiisu caadi yahay lacag dheeraad ah oo dhan $1,300 lix sanno gudahood, marka laga reebo canshuuraha kale ee la bixiyo. Ma rabtaa inaad doolarkaaga aad si adag ku soo shaqeysay inuu abuurro keyd weyn oo loogu talagalay magaalada? Aynu ku maamulno maalgelinta jirta si mas’uuliyad leh. Ku codee Maya.

 

Waxaa soo gudbiyay: Jack Tonkin, Hannah Blackbourn, Beth Chapple, jacklfp67@gmail.com

Aqlabiyad fudud (RCW 84.55.050)

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto cabbirkan, la xiriir: Matt McLean, Karaaniga Magaalada, (206) 368-5440, mmclean@cityoflfp.gov 

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka