King County logo
v1.0.0.1
Degmada Ilaalinta Dabka ee Degmada King Lr. 45

Soo Jeedinta Lr. 1

Ma tahay in Dab-damiska Duvall (Degmada Ilaalinta Dabka ee Degmada King Lr. 45) loo oggolaado inay sii waddo kharashka dheefta ee ay codbixiyeyaashu ansixiyeen sannad walba muddo lix sanno oo isku xigta ah, oo aan ka badnaan doonin caddad u dhigma boqolkiiba lixdan ee miisaaniyaddeeda hawlgalka, lagana mamnuuco inay soo rogto canshuur hanti dheeraad ah sida ku xusan RCW 52.16.160?

Haa

Maya


Degmada Dab-damiska ee Degmada King 45 - Dab-damiska Duvall (Degmada) waxay si heshiis ah ugu adeegtaa shacabka Duvall iyadoo la kaashanaysa Dab-damiska & Badbaadinta ee Eastside. Degmadu waxay cabbir soo jeedin ku daraysaa warqadda codbixinta ee doorashada gaarka ah ee Abriil 22, 2025 si ay u sii wado Kharashka Dheefta ee Degmada, muddo lix sanno oo xiriir ah. 

Codbixiyeyaasha Degmadu waxay Kharashka Dheefta ansixiyeen sannadkii 2019, in la ururiyo inta u dhexeysa 2020-2025. Kharashka Dheefta ma aha canshuur, balse waa ujro lagu salaynaayo iskuweer fiitka, isticmaalka hantida, iyo waxyaabaha sababi kara halista dabka.  Haddii cabbirkan la ansixiyo, Degmadu ma soo rogi karto canshuurta dab-damiska oo ka badan $1.00 ka mid ah $1,000 ee qiimeynta la qiimeeyay.  Kharashka Dheefta ma noqon karo mid ka samaysan in ka badan 60% miisaaniyadda hawlgalka ee Degmada. 

Degmadu waxay heshiis adeeg la leedahay Dab-damiska & Badbaadinta ee Eastside, oo ah waax dab-damis oo mushahar buuxda leh, taasoo bixisa adeegyada damiska dabka, daaweynta iyo gaadiidka gurmadka degdegga ah, u gurmadka agabyada kiimikooyinka halista ah iyo badbaadinta xirfadda ku salaysan, badbaadinta biyaha iyo ka hortagga dabka ee Duvall gudaheeda. Canshuuraha Degmada ee hadda kuma filna inay si ku filan u maalgeliyaan adeegyada dab-damiska iyo caafimaadka degdegga ee muwaadiniinta Duvall. Ansixinta cabbirkan waxa ay sii wadi doontaa ilo dhaqaale oo waara oo ay leedahay Degmadu.

Fadlan u codee dib u cusboonaysiinta Kharashka Adeegga Dheefta (Benefit Service Charge [BSC]) sida mid ka mid ah ilaha loo adeegsado maalgelinta hawlgalka iyo adeegyada Degmada Dab-damiska.

BSC waxaa lagu xisaabiyaa iyadoo lagu salaynaayo cabbirka dhismeyaasha iyo horumarinnada kale ee lagu sameeyay dhulalka. Dhulka aan la dhisin laguma soo rogo wax kharash ah, iyo dhismeyaasha leh nidaamyada biyaha-damiska ay leeyihiin sicir hoose. Xisaabinta BSC waxay si dhow u qiyaasaysaa halista dabka ee hanti kasta iyo adeegyada looga baahan yahay in KCFD45 ay bixiso. Xisaabintaan waxay tixgelinaysaa in kuwa si weyn uga faa’iidaysta adeegyada dab-damiska (tusaale ahaan, dhismeyaasha waaweyn iyo dhismeyaasha loo isticmaalo si halis sare ku yeelan karta dabka, sida dhismeyaasha ganacsiga) ay si dheeraad ah u maalgelinayaan u diyaargarowga ka jawaab celinta dabka.

Awoodda lagu hagaajin karo BSC ee wareegga miisaaniyadda sannad walba waxay Guddiga Guddoomiyeyaasha Dab-damiska u oggolaanaysaa inay joogteeyaan heerka sare ee adeegga KCFD45 iyaga oo la jaan qaadaya isbeddelada qiimaha ee saameeya hawlgallada maalinlaha ah iyo baahiyaha qalabka iyo maalgelinta muddada dheer. Degmadu waxay lacagahaan u joogtaysaa inay u isticmaasho agabyada dab-damiska, iibsashada qalabka la beddelaayo, iyo kharashyada kale ee maalgelinta iyo shaqaalaha, iyadoo dhammaan loo maraayo canshuuraha hantida iyo BSC oo aan loo marin canshuur gaar ah.

Tani waxay ahayd hab wax ku ool ah, oo la saadaalin karo si ay u caawiso hawlgalka xarumaheena iyo taageeridda dab-damiyeyaasheena sida heerka sare loo tababaray.

Waxaa soo gudbiyay: Michael Beard, mrbeard45@gmail.com

Wax bayaan ah lama soo gudbin.

Bayaanka lagu taageerayo ama ka soo horjeeda cabbirka ama hindisaha warqadda codbixinta waxaa soo gudbiya guddiyo ay magacaabeen maamulka xukunka. Ma jirin cid u soo baxday inay ka mid noqdaan guddiga iyo inay qoraan bayaan mucaaradnimo. Haddii aad jeclaan lahayd inaad mustaqbalka la shaqeyso guddi fadlan la xiriir maamulka xukunka.

Aqlabiyad fudud (RCW 52.18.050)

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto cabbirkan, la xiriir: Ben Lane, Taliyaha Dab-damiska, (425) 313-3200, blane@esf-r.org

48 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka