Dab-damiska & Badbaadinta ee Woodinville ayaa waxay doonayaan dib-u-oggolaanshaha Kharashka Dheefta. Kharashka Dheefta ayaa ah qiyaas ahaan 34 boqolkiiba miisaaniyadda Dab-damiska & Badbaadinta ee Woodinville. Waxaa markii ugu horeysay ansixiyay codbixiyeyaasha sannadkii 1989-kii oo loogu talagalay lix sanno, ka dibna waxaa dib u cusboonaysiiyay codbixiyeyaasha lixdii sanno mar, oo ay ugu dambeysay 2019. Oggolaanshaha codbixiyaha ayaa mar kale loo baahan yahay si loo sii wado isha dakhliga. Cusboonaysiinta Kharashka Dheefta lix sanno oo kale (2026 ilaa iyo 2031) waxay Dab-damiska & Badbaadinta ee Woodinville u oggolaanaysaa inay joogteeyaan wakhtiyada ka jawaabista iyo heerarka adeegga, tababarada shaqaalaha, iyo iibsashada qalabka.
Kharashka Dheefta waxa uu ku salaysan yahay nooca deganaanshaha iyo iskuweer fiitka ee hagaajinta hantida ma guurtada ah oo ka tarjumaysa heerka adeegga (tusaale ahaan, socodka dabka ee biyaha) ee loo baahan yahay si loo xaddido dabka ee dhismo gaar ah. Sannad kasta, Guddiga Agaasimeyaasha Dab-damiska ee la doortay waxay qabtaan shir dadweyne si ay dib ugu eegaan Kharashka Dheefta iyo hubinta mas'uuliyadda maaliyadeed ee sannadka soo socda. Sharcigu waxa uu oggol yahay in qayb ahaan in kharashka laga dhaafo muwaadiniinta waayeelka ah, dhismeyaasha leh nidaamyada dabka damiya, iyo qaar ka mid ah horumarinnada la xiriira beeraha. (Kama war qabo wax ka dhaafid ah oo ku aaddan horumarinta la xiriira beeraha).
Iyada oo uu Kharashka Dheefta dhaqan galsan yahay, sharciga gobolku waxa uu mamnuucayaa soo rogidda $.50 ee canshuurta hantida caadiga ah ee ku aaddan ilaalinta dabka ee uu oggol yahay RCW 52.16.160.