King County logo
v1.0.0.1
Degmada Dugsiga Mercer Island Lr. 400

Soo Jeedinta Lr. 1
Curaarta Casriyaynta Xarumaha Dugsiga, Horumarinta Ammaanka iyo Kor-u-qaadidda Waxbarashada

Guddiga Agaasimeyaasha ee Degmada Dugsiga Mercer Island Lr. 400 ayaa hirgeliyay Qaraarka Lr. 736, ee khuseeya soo jeedin si loo bixiyo xarumo casri ah oo ammaan ah, si kor loogu qaado waxbarashada. Soo jeedintaan waxay Degmada u oggolaanaysaa inay: dib u dhisto oo ay casriyayso qayb ka mid ah Dugsiga Dhexe ee Islander (dhismaha qayb lagu daro oo mideynaysa dugsiga, ku daritaanka fasallada/STEM/shaybaarrada robotikiska, casriyaynta HVAC); dib u habeynta qaybo ka mid ah Dugsiga Sare ee Mercer Island (casriyaynta HVAC, digniimaha dabka, helitaanka ADA, casriyaynta fasallada, Xarunta Bandhigga Farshaxanka); casriyaynta helitaanka halka xarumaha Degmada; bixinta $165,000,000 oo ah curaarta waajibaadka guud oo ku buuxsamaya 20 sanno gudahood; iyo canshuur ku soo rogista canshuuraha hantida ee xad dhaafka ah si dib loogu bixiyo curaarta, dhammaan sida lagu sheegay Qaraarka Lr. 736. Ma tahay in soo jeedintaan la:

Ansixiyo

Diido


Soo Jeedinta 1-aad waxay oggolaanaysaa curaarta dhismaha dugsiyada si dib loogu dhiso, loo casriyeeyo, loona dayactiro dugsiyada sii duqoobaya waxbarasho ahaanna aan casri ahayn. Soo Jeedinta 1-aad waxay horumarin doontaa badqabka iyo amniga ardayga, shaqaalaha iyo bulshada, waxay horumarinaysaa oo balaarinaysaa fursadaha waxbarasho iyo barnaamijyada, waxayna bixinaysaa jawi waxbarasho oo sugan, caafimaad leh, iyo casri ah si loo daryeello dhammaan isticmaaleyaasha.

Soo Jeedinta 1-aad waxay dib u dhis iyo casriyayn ku samayn doontaa qayb ka mid ah Dugsiga Dhexe ee Islander, oo ay ku jiraan: dhismaha qayb lagu daro oo mideynaysa dugsiga oo leh xarun isku xiran; kordhinta fasallada iyo STEM iyo shaybaarrada robotikiska; casriyaynta HVAC iyo samaynta casriyaynta kale ee jawiga waxbarashada iyo waxtarka tamarta; midaynta albaabka laga galo dhismaha iyo casriyaynta barxadda dhexe oo leh gelitaan ilaalisan oo ku aaddan badqabka iyo amniga; hagaajinta goobta isku imaatinka ardayda; iyo balaarinta goobta bandhigga farshaxanka.

Soo Jeedinta 1-aad waxay dib u habeyn ku samayn doontaa qaybo ka mid ah Dugsiga Sare ee Mercer Island, oo ay ku jiraan: casriyaynta nidaamyada HVAC iyo digniimaha dabka; rakibidda marin ay heli karaan ADA-ga oo isku xirta qaybaha 300 iyo 400; casriyaynta fasallada iyo xarumaha waxbarashada ee qaybaha 200 iyo 300; dib u habeynta barxadaha dugsiga si looga dhigo goobo waxbarasho oo la isticmaali karo; abuurista meel waxbarasho iyo shirar wadajir ah oo loogu talagalay ardayda iyo taageeridda waxbarashada; dib u habeynta iyo casriyaynta musqulaha dhismeyaasha iyo garoonka; horumarinta goobaha guud ee isku imaatinka, dukaanka ardayda iyo la-talinta xirfadda; iyo casriyaynta Xarunta Bandhigga Farshaxanka.

Soo Jeedinta 1-aad waxay casriyayn doontaa helitaanka xarumaha kale ee Degmada, oo ay ku jiraan rakibidda nidaamyada badqabka nolosha iyo xarumo iyo kaabayaal ay heli karaan ADA-ga.

$165,000,000 ee curaarta waajibaadka guud waxa dib loogu bixin doonaa canshuurta hantida sannadlaha ee xad dhaafka ah oo ku filan in lagu bixiyo adeegga deynta curaarta inta lagu guda jiro ugu badnaan muddo 20 sanno ah. Ka dhaafitaanka canshuuraha ayaa laga yaabaa in la heli karo, wac Waaxda Qiimeynta Degmada King, 206.296.3920.
 

Dugsiyada Mercer Island waa kuwo aad u wanaagsan, balse dhismeyaashu ayaa duqoobaya. Curaarta la soo jeediyay waxay maalgelinaysaa: $100 milyan oo loogu talagalay Dugsiga Dhexe ee Islander (oo la dhisay 1961) si kor loogu qaado goobaha waxbarashada iyo in la sameeyo casriyaynta muhiimka ah ee amniga iyo badqabka; $64 milyan oo loogu talagalay Dugsiga Sare ee Mercer Island (1957) si loo fuliyo horumarinnada maalgelinta lagama maarmaanka ah; $1 milyan oo lagu horumarinayo qorshaha maalgelinta 3 dugsi hoose: Lakeridge (1953), Island Park (1956) iyo West Mercer (1964).

Curaartaan waxay canshuur bixiyeyaasha ugu kici doontaa $0.45 ka mid ah $1,000 ee qiimeynta la qiimeeyay ama $450 sannadkii ee halkii $1 milyan ee qiimeynta la qiimeeyay. Haddii cabbirka curaarta la ansixiyo, canshuuraha dugsiyada Mercer Island waxay ahaan doonaan kuwo 20-60% ka hooseeya canshuuraha degmooyinka dugsiga ee deriska la ah.

Degmada Dugsiga Mercer Island waxay curaartaan u diyaarisay iyada oo la helay talooyin balaaran oo ka yimid shirkad naqshadaynta dhismeyaasha oo la shaqeynaysay MISD (Mercer Island School District) in ka badan muddo 20 sanno, laba sanno oo qorsheyn ah oo ay la yeelatay Guddiga Qorshaha Xarumaha Muddada Dheer, iyo shan kulan oo dadweyne ah. In kasta oo qorshaha la soo jeediyay uusan daboolin dhammaan waxyaabaha ay bulshadu codsatay, Guddiga wuxuu si wadajir ah oo cod aqlabiyad 5-0 ah ku ansixiyay qorshahaan mashruuca maalgelinta ee cabbirka suubban.

Baahida loo qabo horumarinnada maalgelinta ee muddo dheer dib loo dhigay ma baabi'i doonto oo keliya waxay sii noqon doontaa mid aad uga qaalisan haddii dib loo dhigo. Haa ugu codee horumarkaan muhiimka ah.

Waxaa soo gudbiyay: Frank Schott, Leslie Ferrell, Samantha Rubenfield, www.yesmischools.org

Dugsiyada iyo jardiinooyinka waa hantida ugu qiimaha badan ee Mercer Island, laakiin qorshaha la soo jeediyay waa mid khalad noo ah. Dhibaatada waa hoos u dhac ku yimid tayada waxbarashada, ma ahan dhismeyaal aan tayadoodu fiicnayn. Sida caddeynta muujinayso, tirada ardayda la diiwaan geliyey waxay hoos u dhacday 14% halka dakhliga uu kordhay 23%. Carruurteena waxay ka yimaadaan qoysas aqoon sare leh oo taageero fiican leh haddana 1 ka mid ah 4 arday ma ahan kuwo si sax ah ugu diyaarsan heer waxbarasho jaamacadeed fasallo xallin ah la’aantood. Degmadu waxay lumisay diiradda. Xalka ay soo jeedisay Degmadu oo ah dhisidda xarumo cusub oo dhalaalaya ma hagaajin doonto waxqabadka ardayga.

Qorshaha la soo jeediyay wuxuu mulkiileyaasha leh guryaha dhex dhexaadka ee qiimahooda yahay $2.2 milyan ku kacayaa $1,282 dheeraad ah sannadka koowaad, sida ay qiyaastay Degmadu. Kani waa koror 40% ah marka loo eego culayska canshuurta dugsiga deegaanka ee hadda jirta, taasoo culayska canshuurta ka dhigaysa midka ugu sareeya marka la barbar dhigo degmooyinka dugsiga la midka ah.

Xalka waa in dib loogu noqdo mudnaanta agabyada “wanaagsan in la haysto” oo aan lagama maarmaanka u ahayn inay horumariyaan waxqabadka ardayga. “Curaarta waxaa loogu talagalay dhismooyinka, canshuuraha lasoo rogona waxaa loogu talagalay waxbarashada.” Curaartaan ma horumarinayso waxbarashada. Waxaa jiray tiro fursado qiimo jaban ah oo loo soo bandhigay Guddiga Dugsiga. Xasuusnow, waxaan kharash garaynay malaayiin doolar oo aan ku samaynay dib u habeyn/ku daritaan waaweyn ee IMS (Dugsiga Dhexe ee Islander) iyo MIHS (Dugsiga Sare Mercer Island) sannadihii la soo gudbay.

Tani waa ballanqaad $165,000,000 ah oo mas'uuliyad darro ah. Deriskaaga kula codee maya. Aanu waxqabadka ardayga ka hagaajino gudaha!

Waxaa soo gudbiyay: Mike Cero, https://www.miforss.com/2025

Bayaanka ka soo horjeedidda waa mid aan run ahaan sax ahayn.  Curaartan waa mid maaliyad ahaan mas'uul ah, waa midda ugu yar afarta fursadood ee la tixgeliyey. Canshuuraha dugsigeena ayaa ahaan doona kuwa ugu hooseeya gobolka, iyadoo kordhinaysa canshuurta hantida in ka yar 7%. 

Maalgelinta horumarinnada ayaa hadda loo baahan yahay si loo beddelo kaabayaasha duqoobaya, loo bixiyo STEM casri ah iyo goobo waxbarasho oo farshaxan, iyo kor loogu qaado amniga.  Sida uu sheegay OSPI (Xafiiska Kormeeraha Guud ee Waxbarashada), ardayda Mercer Island waxay ka sareeyaan asxaabtooda Eastside cabbir kasta.  Taageer dugsiyadeena iyo ardaydeena cajiibka ah.  Ku Codee Haa!

Waxaa soo gudbiyay: Frank Schott, Leslie Ferrell, Samantha Rubenfield, www.yesmischools.org

Curaartan aadka qaaliga uh ah ma hagaajin doontaa waxqabadka ardayga?  Si cad ah waa maya!  Waxay bixisaa cusboonaysiin aan muhiim ahayn kuwaas oo aan wax saamayn ah ku lahayn waxbarashada ardayga.

Yaan lagu sirin.  Heerarka canshuurteenu ayaa hooseeya sababtoo ah qiimaha hantideena ayaa sareeya.  Waxaan ku jirnaa halka ugu sareysa ee maalgelinta ardaygiiba.  Runtii, maamulidda maaliyadeed ee degmada ayaa su'aalo la iska weydiinayaa sida lagu muujiyay hoos u dhimmisyadii ay dhawwaan samaysay Qiimeynta Moody's (Moody's Ratings).  Maya ugu codee kharashkaan $165,000,000 ah ee aan loo baahnayn.

Waxaa soo gudbiyay: Mike Cero, https://www.miforss.com/2025

60% codeyn haa ah iyo soo bixitaanka ugu yaraan 40% ee codbixiyeyaashii dhiibtay warqadaha codbixinta doorashadii guud ee ugu dambeysay (Dastuurka Washington, qodobka VII, qaybta 2(b))

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto cabbirkan, la xiriir: Dr. Fred Rundle, Kormeeraha Guud, (206) 236-3300, fred.rundle@mercerislandschools.org

48 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka