King County logo
v1.0.0.1
Maamul Goboleedka Dab-damiska ee Valley

Soo Jeedinta Lr. 1 
Curaarta Maamulka Dab-damiska 

Golaha Maamulka ayaa hirgeliyay Qaraarka Lr. 187 ee khuseeya ansixinta codbixiyeyaasha ee maalgelinta qaar ka mid ah horumarinada raasumaalka ee Maamulka. Haddii la ansixiyo, soo jeedintaan waxay oggolaanaysaa iibsashada, dhisidda, dib-u-dhiska, dib-u-cusboonaysiinta, qalabaynta, iyo alaab u dhigidda laba saldhig dab-damis oo cusub, hal xarun oo hadda hore u jirta (oo ay ku jirto xafiis xarun guud oo cusub), iyo xarun saad iyo dayactir iyo goobaha tababarka, oo dhammaan lagu maalgeliyo bixinta curaarta waajibaadka guud oo aan ka badnayn $96,500,000.00 oo ku buuxsamaya 20 sanno gudahood oo dib loogu bixiyo canshuurta sannadlaha ah ee canshuuraha hantida xad dhaafka ah, dhammaan sida lagu soo bandhigay Qaraarka Lr. 187. Ma tahay in soo jeedintaan la ansixiyo?

Haa

Maya


Maamul Goboleedka Dab-damiska ee Valley (VRFA) ayaa bixiya adeegyada dab-damiska iyo badbaadada nolosha ee Magaalooyinka Algona, Auburn iyo Pacific. Soo jeedintaan ayaa maalgelin doonta qorshaha raasumaalka ee Maamulka ee ilaa 2026, si loo dhiso laba saldhig dab-damis oo cusub, mid ku yaal Magaalada Pacific ee u dhow xuduudka Algona, iyo mid ku yaal Waqooyiga Auburn; dib u dhiska xarunta jawaab-celinta adeegyada degdegga ah; iyo dhisidda xarun saadka iyo dayactirka iyo garoomada tababarka. Maalgelinta waxaa ku jiri doona dhul iibsashada, dhisidda, qalabaynta iyo kharashyo kale oo la xiriira mashruuca. Mashaariicdaan ayaa la filayaa in la dhammaystiro saddexda sanno ee soo socota.

Haddii la ansixiyo, soo jeedintaan waxay oggolaanaysaa wax aan ka badnayn $96,500,000 ee curaarta waajibaadka guud. Curaarta ayaa ku buuxsamaya muddo 20 sanno ah, waxaana lagu bixin doonaa lacagaha xad dhaafka ah ee kasoo xarooda canshuurta hantida. Qiyaasta canshuurta waxay noqon doontaa $0.332 ama wax ka yar ee $1,000 kasta ee qiimeynta la qiimeeyay, ama qiyaastii $12.50 bishii ee guryaha lagu qiimeeyay ilaa $450,000. Canshuur dhaaf ayay heli karaan qaar ka mid ah mulkiileyaasha guryaha. Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan wac Xafiiska Qiimeynta Degmada ee degmadaada.

Haddaan nahay dadka degan Algona, Auburn, iyo Pacific, waxaan ku tiirsanahay Maamul Goboleedka Dab-damiska (Valley Regional Fire Authority VRFA) si aan u helno adeegyo heer sare oo ah Ilaalinta dabka, badqabka nolosha, iyo gurmadka degdegga ah ee tayada leh.  Soo jeedinta 1 waxay hubin doontaa in VRFA ay sii wadi karto buuxinta baahiyaha sii kordhaaya ee bulshadeena. 

Iyada oo la adeegsanayo hab ku salaysan bulshada, dhammaystiran oo hab xog ku saleysan, VRFA waxay samaysay qorshe dhismo raasumaal kaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo dab-damiska iyo wakhtiyada ka jawaabista adeegga caafimaadka ee degdegga ah ee dhammaan dadka deegaanka iyo hantida ganacsiyada ee ku yaal aagga adeegga. Qorshuhu wuxuu ka kooban yahay nidaaminta iyo hab dhismeed wanaagsan si loo bixiyo adeegyo dab-damis oo degdeg ah, badbaado leh, oo la isku halayn karo oo ka baxsan xarumaha dab-damiska kuwaas oo ku yaal goob ku habboon oo leh shaqaale ku salaysan u dhawwaanshaha xarumaha dadweynaha iyo khataryada la ogyahay, waxaana ku jira xarun cusub oo ku taal City of Pacific ee ku dhegan Algona, xarun cusub oo ku taal Waqooyiga Auburn, dib u dhiska xarumaha dhexe ee jira, iyo horumarinta tababarka, taageerada, iyo xarumaha dayactirka.

Qiimaha celceliska ee mulkiile guri ee $450,000 ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxaysa $12 iyo $13 bishii.

VRFA waxay si adag uga shaqeysaa badqabka dadka iyo ilaalinta illaha dhaqaalaha bulshada.  Si wanaagsan ayay noogu adeegaan, hadda waa markeena oo waa inaan taageerno iyaga.  Fadlan nagu soo biir adiga oo u codeynaya "Haa" soo jeedinta 1aad. 

 

Submitted by: Debbie Christian, George Frasier, Jim Jaques, VoteYesVRFA@gmail.com

Wax bayaan ah lama soo gudbin.

Bayaanka lagu taageerayo ama ka soo horjeeda cabbirka ama hindisaha warqadda codbixinta waxaa soo gudbiya guddiyo ay magacaabeen maamuulka xukunka. Ma jirin cid u soo baxday inay ka mid noqdaan guddiga iyo inay qoraan bayaan mucaaradnimo. Haddii aad jeclaan lahayd inaad mustaqbalka la shaqayso guddi fadlan la xiriir maamulka xukunka.

Wax bayaan ah lama soo gudbin.

Wax bayaan ah lama soo gudbin.

60% aqlabiyad iyo soo bixitaanka ugu yaraan 40% codbixiyeyaashii dhiibtay warqadaha codbixinta doorashadii guud ee la soo dhaafay (Dastuurka Washington, qodobka VII, qeybta 2(b))

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto cabbirka qaraarkan, la xiriir: Mark Horaski, Sarkaalka Madaxa Maaliyadda, (253) 288-5800, finance@vrfa.org

39 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka