King County logo
v1.0.0.1
Magaalada Seattle

Soo Jeedinta Lr. 1 
Cusboonaysiinta Canshuurta Hantida ee Guryaha La Awoodi Karo 

Duqa Magaalada iyo Golaha Shacabka ee Magaalada Seattle ayaa ansixiyay Xeerka 126837, ee khuseeya dib u cusboonaysiinta Canshuurta Guryaha ee Seattle. 

 

Haddii la ansixiyo, soo jeedintaan waxay beddeli doontaa Canshuurta Guryaha Seattle ee uu wakhtigeedu dhammaanayo waxayna maalgelinaysaa guriyeynta iyo adeegyada guriyeynta ee qoysaska dakhligoodu hooseeyo, oo ay ku jiraan waayeellada, qoysaska, dadka naafada ah, iyo dadka ay haysato hoy la'aanta.

 

Waxay oggolaanaysaa kordhinta canshuurta hantida oo toddoba sanno ah oo ururinta laga bilaabi doono sannadka 2024 halka qiyaas ahaan $0.45/$1,000 ee qiimeynta la qiimeeyay, ilaa iyo ugu badnaan $3.60/$1,000. Caddadka canshuurta caadiga ah ee sannadka 2024 ayaa waxaa loo isticmaali doonaa xisaabinta xaddidaadaha canshuuraha ee sannadaha 2025-2030. Waayeellada, halyeeyadii hore ee naafada ah, iyo kuwa kale ee u qalma sida waafaqsan RCW 84.36.381 ayaa laga cafin doonaa.

 

Ma tahay in soo jeedintaan la ansixiyo?

Haa

Maya


Soo jeedinta 1 waxay oggolaanaysaa kordhinta canshuurta hantida oo muddo toddoba sanno ah, iyada oo beddeleysa canshuurta dhacaysa, si loo maalgeliyo guryaha dakhligoodu hooseeyo loona bixiyo baahiyaha guriyeynta ee dadka dakhligoodu hooseeyo. Qiyaastii 51 boqolkiiba maalgelinta canshuurta ayaa la filayaa inay caawiso qoysaska dakhli ahaan kasbada 30 boqolkiiba ama wax ka yar dakhliga dhexe ee deegaanka Seattle.

Soo jeedintaan ayaa kordhin doonta canshuuraha la qaadi doona 2023 ilaa 2029 oo la ururin doono 2024 ilaa 2030. Waxay u oggolaanaysaa in Seattle ay ururiso ilaa $970,260,175 ee canshuuraha hantida oo dheeraad ah ee la doonayo in lagu maalgeliyo adeegyada muhiimka ah ee magaalada, iyada oo ugu badnaan caddadka sannadlaha la ururiyay oo noqon doona $138,608,596.  

Barnaamijyada canshuurta lagu bixinaayo ayaa: abuuri doona oo dayactiri doona guryo qiimo jaban ee Seattle oo dhan; bixinta kharashaadka shaqaalaha, hawlaha dhismaha, iyo adeegyada, taageera dadka degan guryaha qiimaha jaban; bixinta degdeg ah ee gargaarka si looga hortago in qoysaska danyarta ah ay la kulmaan guri la'aan; iyo taageeridda horumarinta guriyeynta qiimaha hooseeyo oo ay hoggaaminayaan ururada bulshada. Xeerka 126837, ka dib buug-yarahaan ayaa bixin doona sharaxaad faahfaahsan.

Golaha Magaaladu wuxuu beddeli karaa barnaamijyada, si waafaqsan ujeeddooyinka aasaasiga ah ee soo jeedinta. Guddi kormeer ah ayaa kormeeri doona oo ka warbixin doona horumarka barnaamijka.
Sharciga gobolku wuxuu boqolkiiba hal xaddidaa guud ahaan kororka canshuurta hantida ee ka badan caddadka ugu sareeya ee ay Magaaladu heli lahayd sannadkii hore.  Soo jeedintaan waxay u oggolaanaysaa Magaaladu inay kor dhaafto xaddidkan go'an. Sannadka 2024, canshuuraha dheeraadka ah ee dhammaan mulkiileyaasha hantida waxay noqonaysaa ku dhawwaad 45 senti ee ka mid ah $1,000 kasta ee qiimeynta la qiimeeyay. Heerka canshuurta hantida ee caadiga ah ee Magaalada kama badnaan doono heerka sharciga gobolka ee $3.60 ka mid ah $1,000 kasta ee qiimeynta la qiimeeyay. Waayeellada, halyeeyadii hore ee naafada ah, iyo kuwa kale ee ugu qalma sida waafaqsan RCW 84.36.381 ayaa laga cafin doonaa.

 

Laga soo bilaabo 1986-kii canshuurta guryuhu waxay ahayd waxa Seattle ugu waxtarka badan marka la eego horumarinta helista guryaha, xasillooni guryeed, iyo sinnaanta. Cusboonaysiinta canshuurtu waxay gacan ka gaysan doontaa baahida degdegga ah ee dhanka guryaha ku meel gaarka ah iyo kuwa qiimahooda hooseeyo iyo dhanka qorshaynta mustaqbalka.  Codkaaga markaad na siiso, cabbirkan sharciga wuxuu:

 

Soo saarayaa oo uu ilaalinayaa 3,500 guryo oo cusub oo qiimahooda hooseeyo iyo dib u maalgelinta guryaha la awoodi karo ee horey u jiray; Dib u dejinta 4,500 shakhsi iyo qoys oo halis ugu jira hoy la'aan ayagoo laga caawinayo dhanka kaalmada kirada iyo maaraynta duruufahooda; Caawinaadda 1,150 shakhsi oo hore u ahaan jiray dad hoy la’aan ahaa iyo in dadka baahiyaha ba'an qaba si ay u helaan oo ay ugu noolaadaan guryo adeegyo dheeraad ah leh; Abuurista 360 fursadaha lahaanshaha guryo qiimo jaban ah oo loogu talagalay bulshooyinka la haybsooco".

 

Dib u cusboonaysiinta canshuurta waxay sidoo kale gacan ka gaysataa taageerada mushaharka, tababarka shaqada, iyo horumarinta xirfadaha ee shaqaalaha qaybta ka ah taageerada iyo guriyeynta degdegga ah - balaarinta adeegyada si looga caawiyo dadka wajahaya hoy la'aanta, isticmaalka muqaadaraadka, iyo dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda.

 

Canshuurihii hore waxay dhaafeen natiijooyinka loogu talagalay ayagoo oo loo maray hab maamul maaliyadeed oo hufan iyo hab dib u eegis oo madax banaan. Aan hore u sii wadno guushaan. Waxaa taageeray Duqa Magaalada Harrell iyo Golaha Magaalada, Housing Development Consortium, United Way of KC, Plymouth Housing, Bellwether Housing, Habitat For Humanity, Mary's Place, Chief Seattle Club, YWCA, Seattle /King County Coalition on Homelessness, Youth Care, Seattle Metropolitan Chamber of Commerce, Downtown Seattle Association, MLK Labor, SEIU Healthcare 1199NW, iyo in qaar kaloo badan! 

Submitted by: 
Patience Malaba, Matt Griffin, Susan Boyd, yesforhomes.org

Lacagtii aan isticmaalnay ma xallisay dhibaatada ka jirta guriyeynta? Laga bilaabo sannadka 2022, Magaaladu waxay soo aruurisay lacag dhan $171.1 milyan oo ah khidmadaha Guriyeynta ee qasabka ah, $25 milyan oo ah canshuurta Uber iyo Lyft, iyo $248.1 milyan oo ah canshuurta "Jump Start". Waxa jira ugu yaraan $75 milyan oo ah miisaaniyadda guriyeynta ee Degmada King ee loogu talagalay 2023-2024, iyo $693.7 milyan oo kale oo ah tan gobolka. Taasi waxay ka badan tahay $1 bilyan. 

Hadda, Magaaladu waxay dooneysaa $970 milyan "si loogu adeego in ka badan 9,000 oo shakhsiyo iyo qoysas dakhligoodu yar yahay," sida laga soo xigtay Duqa Magaalada. Soo qaado kalkuleetar. U qaybi $970 milyan 9,000; waxa soo baxaya $107,777.78 qofkiiba, ama $1,283.07 bishii, muddo toddoba sanno ah. 

Labadii qol ee ku yaala Seattle waxaa lagu kireeyaa $2,795. Abaartimentiyada lagu dhiso canshuurta ayaa lagu kireyn karaa $1,850. Haddii Magaaladu ay siiso $970 milyan 9,000 qoys muddo ka badan 7 sanno si ay uga caawiyaan kirada, celcelis ahaan guriga laba qol ka kooban wuxuu heli lahaa $1,512, $338 ka yar cutubka canshuurta oo lahaan doona lacag ah $0 oo ku aaddan kharashka dayactirka. 

Waa inaad ku codeysaa "Maya," ayadoo sababtu ay tahay inaysan ahayn canshuur (waa caddad yar oo qoyskiiba) laakiin waa inaad sidaas u codeyso sababo la xiriira qaabka xun ee loo isticmaalaayo. Halkee dhammaan lacagaha kale aadeen? Waa inaan xubnaha guriga siinaa lacag kaash ah oo ay u adeegsadaan kharashaadka guriga, waa inaysan u adeegsan booska liiska sugidda. 

 

Submitted by: Roger Valdez, seattleforgrowth.org

Inta lagu jiro nolosha guri kasta oo la awoodi karo oo ay abuurtay canshuurta guriyeynta Seattle, daraasiin qoys ayaa laga caawiyay inay helaan guryo tayo leh oo sugan. Iskaashiga lala yeelanayo lacagaha kale, guriyeynta lagu dhisay soo jeedintaan waxay u adeegi doontaa tobanaan kun oo ah xaafadaha Seattle. Barnaamijkan, sida canshuurihii hore ee guusha lahaa, waxay maalgelinaysaa in ka badan dhismeyaasha- oo ay ku jiraan xasillinta kirada degdegga ah, caawinaadda waayeellada dakhligoodu hooseeyo si ay ugu gaboobaan meeshooda, guriyeynta degdegga ah, iyo barnaamijyada kale ee xoojiya bulshooyinka. Fadlan ku codee haa!

 

Submitted by: Patience Malaba, Matt Griffin, Susan Boyd, yesforhomes.org

Anigoo dib u dhahaaya oraahda George Bernard Shaw, "Dadka qaarkood waxay arkaan dhibaato guri, oo waxay yiraahdaan, "Waxaan u baahanahay lacag badan;" Waxaan dhahaa, "Waxaan u baahanahay guryo badan!" Mashruuca Gardner House Project ee ay ku qiimeeyeen guddiga canshuuraha ayaa ku kacay $46 milyan 95 cutubyo, $484,210 cutub kasta. Celceliska qiimaha iibka guri 1,200 cagood oo laba jibaaran ah oo ku yaala Seattle waa ilaa $600,000. Kani ma "maamul maaliyadeed oo wanaagsan baa?" Canshuurtu waxay sii hurisaa kharashaadka xad dhaafka ah; Si fiican, si hufan oo lacag loo isticmaalo waxay la macno tahay guryo badan.

 

Submitted by: Roger Valdez, seattleforgrowth.org

Aqlabiyad Fudud (RCW 84.55.050)

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto cabbirka xeerkan, la xiriir: Scheereen Dedman, Karaaniga Magaalada, (206) 684-8344, scheereen.dedman@seattle.gov

39 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka