King County logo
v1.0.0.1
Magaalada Kirkland

Soo Jeedinta Lr. 1
Kor-U-Qaadista Canshuurta ee Balaarinta Xarumaha Biyaha, Madadaalada, iyo Jardiinooyinka, Howlgallada, iyo Barnaamijyada

 

Golaha Shacabka ee Magaalada Kirkland ayaa hirgeliyay Xeerka Lr. O-4857 ee khuseeya maalgelinta balaarinta xarumaha biyaha, madadaalada, iyo jardiinooyinka, howlgallada, iyo barnaamijyada. Soo jeedintaan waxay maalgelinaysaa howlgallada goobaha biyaha iyo xarunta madadaalada, dayactirka jardiinooyinka, musqulaha sannadkii oo dhan furan, ilaaliyeyaasha jardiinka, badbaadiyeyaasha nolosha xeebta, goobaha isboortiska, adeegyada dhallinyarada, iyo shabakadaha raadka wareegga ee cagaaran iyadoo la kordhinayo canshuurta hantida ee caadiga ah ee Magaalada ilaa iyo ugu badnaan caddad ah $1.38386/$1,000 ee qiimeynta la qiimeeyay (taasoo ujeeddooyinkaan u dhalinaysa ku dhawwaad $10,800,000) ee ururinta sannadka 2024. Caddadka canshuurta ee sannadka 2024 ayaa noqon doona aasaaska xisaabinta canshuuraha ee soo socda (RCW 84.55). Waayeellada, halyeeyadii hore ee naafada ah, iyo kuwa kale ee u qalma ayaa laga cafin doonaa (RCW 84.36).

Ma tahay in soo jeedintaan la ansixiyo:
 

Haa

Maya


Kirkland ayaa soo jeedisay kor-u-qaadidda canshuurta si loo balaariyo xarumaha biyaha, madadaalada, iyo xarumaha jardiinooyinka, howlgallada, iyo barnaamijyada. Haddii la ansixiyo, canshuurta caadiga ah ee hantida Kirkland ayaa kordhaysa ku dhawwaad $0.28054/$1,000 qiimeynta la qiimeeyay (AV) ilaa wadarta ugu badan ee qiimaha oo dhan $1.38386/$1,000 AV, taasoo soo saaraysa ku dhawwaad dakhli dhan $10,800,000 oo ku aaddan ujeeddooyinka sannadka 2024. Xeerka dowladda hoose ee O-4857 ayaa ku amraaya Kirkland inay ururiso keliya waxa loogu baahan yahay maalgelinnadaan. Kororkaan sii tarmaya wuu sii soconayaa ka dib 2023 si loo maalgeliyo barnaamijyada jardiinooyinka ee la balaariyay iyo adeegyada hoos lagu qeexay.

 

Sida lagu qeexay Xeerka O-4857, Kirkland ayaa dhisaysa xarunta cusub ee biyaha iyo madadaalada oo dhan 86,000 oo laba jibaaran feet (cagood) oo leh biyo diiran iyo barkadaha dabaasha, labo jiim, fasallo, qolalka jir dhiska, iyo xarumaha bulshada oo laga dhisaayo Houghton Park & Ride marka laga degto I-405 halka NE 70th Pl. Dhismaha waxaa si gaar ah u maalgelinaysa Magaalada. Dakhliga soo jeedinta codbixinta ayaa maalgelin doona shaqooyinka iyo barnaamijyada xarunta.

 

Xeerkan ayaa sidoo kale samayn doona horumarinnada soo socda iyo shaqooyinka sannadlaha ah: Musqulaha muddada 9-ka sanno ah; badqabka iyo amaanka jardiinooyinka ayna ku jiraan ilaallada dheeraadka ah ee jardiinooyinka ganjeelooyin otomaatig ah; xarumaha cusub ee isboortiska ayna ku jiraan kubadda pickle-ka iyo kubadda kolleyga; saacadaha la dheereeyay ee ilaallada badbaadada xeebaha; barnaamijyada cusub ee badqabka biyaha; adeegyada Dhisidda Midowga Dhallinyarada Kirkland, barnaamijyada, iyo casharada; shabakadaha dhulka cagaaran; iyo shaqooyinka jardiinooyinka iyo dalxiiska, dayactirka, iyo horumarinnada. Maalgeshiyadaan ayaa lagu xushay qaab ku saleysan fikradaha bulshada ee laga soo uruurshay qorshaha PROS, Guddiga Qiimeynta Maalgelinta Jardiinooyinka, Guddiga Jardiinooyinka, iyo Guddiga Dhallinyarada Kirkland.

 

Qiimaha guryaha qiimo-dhexaadka ah ee 2024 (oo lagu qiyaasay $1,000,000) ayaa ah $280/sannad kasta. Qiyaas qiimahaaga: Aaladda Daah furnaanta Canshuur Bixiyaha ee Qiimeeyaha Degmada King: www.kingcounty.gov/assessor. Waayeellada, halyeeyadii hore ee naafada ah, iyo dadka kale ee u qalma ayaa laga cafin doonaa.

 

Hadda waa wakhtigii laga jawaabi lahaa baahida Kirkland ee ku aaddan helitaanka la awoodi karo ee sannadka oo dhan ee la xiriira biyaha iyo madadaalada. Waxaan si joogto ah u maalgelinay jardiinooyinkeena cajiibka ah, ee ka dhigaaya Kirkland meel gaar ah oo lagu noolaan karo, laga shaqeysto, laguna ciyaaro. Laakiin lama aanan jaan qaadin baahida sii kordhaysa ee goobaha madadaalada iyo jimicsiga dadweynaha.

Waxaan ka kornay xagaageena oo keliya, ee ka weyn 50 jir ee Barkadda Peter Kirk. Liiska sugitaanka 2022 ee casharada dabaasha wuxuu ahaa 10,500; 50% ka mid ah carruurta iyo dadka waaweyn ee doonaaya casharada ma heli karaan. Ku hafashada waa sababta ugu weyn ee keenta dhimashada dhalinyarada Mareykanka iyo khatarta saa'idka ah ee dadka aan caddaanka ahayn: magaalo xeebeed ahaan, waa qasab inaan balaarinno helitaanka casharada dabaasha ee muhiimka ah. Dadka degan magaalada ee jira da' kasta, awoodaha iyo asal kasta oo ay kasoo jeedaanba waxay ka faa'iideysan doonaan xarunta gudaha sannadka oo dhan ah ee bixisa casharo, barkad madadaalo, togag biyo mareen, dabaasha dhabta ah, barnaamijyada sare, fasallada jimicsiga, laba jiim, iyo qolal bulsho.

Soo Jeedinta 1 aad waxay noo oggolaanaysaa inaan dhisno xarunta aan u baahanahay iyo inaan bixino musqulo badan oo sannadka oo dhan la heli karo, dariiqyo la balaariyay, meelaha kubadaha lagu ciyaaro, iyo jardiinooyin ammaan ah iyo xeebo - oo dhammaan ay qiimo sare ku qiimeeyeen kumanaanka qof oo degan magaalada sida lagu aruuriyay xog aruurinta Qorshaha 2022 PROS.

Sugidda waxay keliya la micno tahay qiimaha oo kordha. Ku codee "Haa" Soo Jeedinta 1 aad, qiyaasta xilkasnimada dhaqaale iyo midda bulsho, oo faa'iido u leh qof kasta oo ah dadka deegaanka ee jiilka soo socda.

 

Submitted by: Susan Pappalardo, Scott Morris, Jory Hamilton, yes@kirklandpoolsnparks.org

Kirkland waxay u baahan tahay xarunta biyaha/madadaalada.  Soo jeedintaan aad ayay qaali u tahay, marin habaabin ah, waxayna u baahan tahay in dib loogu noqdo. 

Magaaladu waxay soo jeedinaysaa $10,800,000 oo canshuurta sannadlaha oo joogto ah waxayna isticmaalaysaa $6,033,000 oo ka mid ah sannadkeeda oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaq maaliyadeed si ay u deynsato oo ay u dhisto xarunta.  Canshuurtu waa ay sii socotaa waligeed ka dib markay Magaaladu bixiso deynta.  Dalbo curaar caadi ah si ay canshuurtu u joogsato marka deynta la bixiyo.  Goob dhex dhexaad ah waa in la doortaa.  Goobta Houghton P&R way adag tahay in looga yimaado Finn Hill, Juanita, iyo Kingsgate ayadoo la isticmaalaayo baabuur, baaskiil iyo bas.  

Magaaladu kama hadasho kharashka xubinnimada qoyska ee ah $1,560 ee loo qorsheeyay xubinnimada qoyska ee sannadkii – marka lagu daro $250-$700 canshuur kordhinta mulkiilaha guriga; iyo u badan tahay in $110-200 la saaro kiraysteyaasha abaartimentiyada.  Qiimaha lasoo jeediyay ee $108,000,000 ee kharashka dhismaha aad ayuu qaali u yahay sababtoo ah 86,000 labo jibaaran oo feet (cagood) ayaa waa ay ka weyn tahay intii loo baahnaa waxaana ku jira waxyaabaha loo arko inaysan muhiim ahayn sida ku cad xog ururino badan oo ay bulshadu sameeyeen.  Xarunta macquulka ah ee Sammamish ee ah 69,000 feet (cagood) oo labo jibaaran waxay leedahay xarumo biyo la mid ah iyo sifooyinka jimicsiga iyada oo aan lahayn xad dhaafka waxaana howlgeliya oo keliya YMCA-da oo xubinnimada ($1,848 qoyska) wax kharash ahna lagama qaado canshuur bixiyeyaasha.  

In ka badan 10 sanno, miisaaniyadda 2-da sanno ee Kirkland ayaa ku labo jibaarantay $1,056,494,327 inkastoo tirada dadka ay korortay oo keliya 10% .  Canshuur bixiyeyaashu waxay u qalmaan fasax.  Ku codee “Maya”.  Dalbo dib u samayn.  
 

Submitted by: Vince Campos, Ken MacKenzie, Yuri Yulaev, www.goodkirkland.org

Dadka ka soo horjeeda waxay rabaan in "dib loo sameeyo". Sidaas ayay sheegeen sannadkii 2015. Sugitaanka dheeraadka ah wuxuu la micno yahay inay bataan baahiyaha iyo kharashaadka aan la daboolin.

 

Soo jeedinta 1 aad waxay muujinaysaa dadaalka bulshada iyo qiimeynada heerka sare. Xarunta Biyaha leh waa cabbir sax ah oo ku habboon kobaca la qiyaasaayo. Houghton si fudud ayaa lagu geli karaa. Maalgelinta joogtada ah si loo daboolo kharashyada raasumaalka, dayactirka mustaqbalka, iyo hawlaha baarkinnada ee socda waxaa keena mas’uuliyad iyo maamul wanaagsan. Xarunta dadweynuhu waxay dhimmi doontaa khidmadaha dadka degan deegaanka iyo dhammaan dakhliga. Ku codee Haa Hadda.

 

Submitted by: Susan Pappalardo, Scott Morris, Jory Hamilton, yes@kirklandpoolsnparks.org

Soo jeedinta 1 aad waxay sheegaysaa in canshuur bixiyeyaasha (mulkiileyaasha guryaha iyo kiraysteyaasha) ay bixiyaan si ay u dhisaan xarunta, howlgeliya, iyo xubinnimada si ay u isticmaalaan.  Xarun biyo leh oo khidmadaha xubinnimada lagu bixiyo dhammaan kharashyada howlgelinta waxay noqon doontaa mid loo siman yahay oo iskeed isku maareysa.

Sharaxaadda soo jeedinta waxaa loogu talagalay in lagu mashquulo.  Caddad yar ayaa loogu talagalay jardiinooyinka: keliya 3 musqulood oo cusub, 3 goobood oo isboortis ah, 1 ilaaliyaha jardiinka oo cusub, iyo laga yaabo1 saac oo dheeraad ah saacad/maalintii oo badbaadiyeyaasha nolosha xeebta ah, iyo ku dhawwaad waxba oo aan loogu talagalay barnaamijyada badqabka biyaha.

Submitted by: Vince Campos, Ken MacKenzie, Yuri Yulaev, www.goodkirkland.org

Aqlabiyad Fudud (RCW 84.55.050)

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto cabbirkan xeerka, la xiriir: Kevin Raymond, Qareenka Magaalada, (425) 587-3031, KRaymond@KirklandWA.gov

39 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka