King County logo
v1.0.0.1
Degmada Dugsiga Kent Lr. 415

Soo Jeedinta Lr. 2
Canshuurta Mashaariicda Raasumaalka iyo Teknolojiga

Guddiga Agaasimeyaasha ee Degmada Dugsiga Kent Lr. 415 ayaa hirgeliyay Qaraarka Lr. 1649 ee khuseeya soo jeedinta canshuurta ee loogu talagalay mashaariicda raasumaalka iyo teknolojiga. Haddii la ansixiyo, soo jeedintaan waxay Degmada u oggolaanaysaa inay qaado canshuuraha xad dhaafka ah ee soo socda, oo beddelaaya canshuur wakhtigeedu dhammaanayso, ee dhammaan hantida la canshuuri karo ee gudaha Degmada, si ay u maalgeliso mashaariicda raasumaalka ee amniga ardayda, ammaanka, tilmaamaha, adeegyada fasalka iyo taageerada, iyo baahiyada teknolojiga.

 

Sannadka

Ururinta

Qiyaas Ahaan Qiimaha Canshuurta/$1,000
Qiimeynta La Qiimeeyay

Caddadka Canshuurta

2024

$0.66

$29,200,000

2025

$1.32

$60,900,000

2026

$1.32

$63,400,000

2027

$1.32

$65,900,000

 

Ma tahay in soo jeedintaan la ansixiyo?

Haa

Maya


Ansixinta Soo Jeedinta Lr. 2 ayaa u oggolaanayso Degmada Dugsiga Kent Lr.  415 inay cusboonaysiiso canshuurta sii dhacaysa ee mashaariicda kaabayaasha iyo teknolojiga ayadoo ururinaysa canshuur dhan $29,200,000 oo ah canshuurta hantida oo la ururin doono sannadka 2024, $60,900,000 oo la ururin doono sannadka 2025, $63,400,000 la ururin doono sannadka 2026, iyo $65,900,000 oo la ururin doono 2027.

 
Sida waafaqsan Qaraarka Lr. 1649, lacagahaan ayaa loo adeegsan doonaa horumarinta badqabka, ammaanka iyo caafimaadka ardayda ee Degmada oo dhan ayadoo lagu dhejinaayo nidaamyo cusub oo kulayliye, hawo wareejin iyo qaboojiso ah, biyo kulayliye, meelaha dhismaha laga galo oo la casriyeeyo iyo nidaamyada ganbaleelka iyo horumarinno lagu sameeyo Sharciga Difaaca Internetka ee Carruurta. Degmadu waxay horumarin doontaa dugsiga waxayna taageeraysaa xarumaha Degmada oo dhan ayadoo kor loo qaadayo dugsiyada hoose si ay u baxshaan waxbarashada pre-K, ayadoo garoomo loo samaynayo afarta dugsi sare, isbeddelada ADA oo lagu samaynaayo qalabyada garoonka ciyaaraha, iyo samaynta horumarinnada kale ee kaabayaasha.  Waxaa intaas dheer, Degmadu waxay horumarin doontaa nidaamyada teknolojiga iyadoo sii wadaysa inay ardayda siiso barnaamijka laabtaabka, horumarinaysa teknolojiga casharada, ammaanka xogta iyo kaabayaasha ka soo kabashada masiibooyinka, casriyaynta kaabayaasha teknolojiga dugsiga, helista leesannada hardware-ka iyo software-ka iyo bixinta tababar si loo dhaqan gelsho teknolojiga cusub.


Ayadoo lagu saleynaayo xogta qiimeynta la qiimeeyay ee la filayo, Degmadu waxay ku qiyaasaysaa qiimaha canshuurta $0.66 ka mid ah $1,000 ee qiimeynta la qiimeeyay (ururinta 2024); $1.32 ka mid ah $1,000 ee qiimeynta la qiimeeyay (ururinta 2025); $1.32 ka mdi ah $1,000 ee qiimeynta la qiimeeyay (ururinta 2026); iyo $1.32 ka mdi ah $1,000 ee qiimeynta la qiimeeyay (ururinta 2027).


Ka dhaafitaannada canshuurta ayay heli karaan mulkiileyaasha guryaha ee jira da'da 61 iyo ka weyn, ama naafada ah, kuwaas oo buuxsha shuruudaha dakhliga ee gaarka ah. Si aad u hesho wixii macluumaad ah ee la xiriira ka dhaafitaannada, wac Qiimeeyaha Degmada King oo aad ka helayso (206) 296-7300.

Codee si loo ansixiyo Soo Jeedinta 2 ee Canshuurta Mashaariicda raasumaalka iyo Teknolojiyada!

Canshuurtaan waxay beddeleysaa canshuurta raasumaalka iyo teknolojiyada ee 2018. Waxay joogteyn doontaa maalgelinta buuxda ee barnaamijka laabtaab-ka ardayga laga bilaabo dugsiga Xanaanada ilaa iyo fasalka 12aad. Sidoo kale waxay maalgelin doontaa mashaariicda dayactirka muhiimka ah ee degmada oo dhan si aan dhismeyaasheena uga dhigno kuwo caafimaad iyo badqab u ah ardayda iyo shaqaalaha. Tani waxaa ku jira hawo bixin badqab leh iyo nidaamyada qaboojinta iyo sidoo kale nidaamyada badqabka oo la casriyeeyay oo ay ku jiraan faragelinta iyo cusboonaysiinta digniinta dabka.

Canshuurtaan waxay sidoo kale bixin doontaa balaarinta barnaamijka ee loogu talagalay barnaamijyada waxbarashada carruurta ee goorta hore ee dugsi hoose oo kasta oo aan ka mid ahayn maalgelinta gobolka. Sidoo kale waxay u oggolaan doontaa shaqada sii socota si loo cusboonaysiiyo garoomada ciyaaraha si loo helo qalab la heli karo oo loo dhan yahay.

Canshuurtaan ayaa noqon doonta afar sanno oo beddel ah waxayna bixin doontaa dayactirka dhismeyaasha ee aan ku jirin miisaaniyadda guud ee uu gobolku maalgelin. Inta dhismeyaashu sii weynaanayaan, qiimaha dayactirka iyo sii joogtaynta waa lama huraan. Ku maalgelinta dayactirrada dhismaha iyadoo loo maraayo canshuur raasumaal ah waa lama huraan si loogu oggolaado Canshuurta Barnaamijyada Waxbarashada iyo Hawlgelinta inay si toos ah u galaan barnaamijyada taageeraya ardaydeena. Codee si loo horumariyo Mashaariicdaan raasumaalka ah ee afarta sanno iyo Canshuurta Teknolojiyada: Soo Jeedinta 2 aad.

 

Submitted by: Allyson Johnson, Alan Sutliff, Brooke Valentine

 

Ma dareentaa in codkaaga la maqlo?  Canshuurtaan waa isku day daah furan oo dib loogu soo celinaayo canshuurta 2023 ee lagu guuldarraysatay, sababtoo ah "quruxda canshuuraha waa in lagu ansixiyo codeyn ah 50% marka la eego aqlabiyadda guud ee aad u baahan tahay inaad ansixiso cabbirka sharciga ee curaarta".  Isku qiimo, isla mashaariic, laakiin haysta ansixin hoose.

Walaacyada bulshada ee lagu muujiyay Xog Ururintii  Jawaab celinta Canshuurta ee 2023 waa la iska indho tiray.  Xalka canshuuraha ayaa la meel mariyay iyadoo aan fursad la siin waxyaabaha ay ka dhaheen dadweynuhu.  Qaraarka waxaa ku jira luqad meesha ka saaraysa codka bulshada, sidoo kalena meesha ka saaraysa kormeerka guddiga, oo u oggolaanaysa degmadu inay lacag ku bixiso "sida ay Degmadu go'aankeeda u go'aamin doonto".  Wali ma jiro kala dhigdhig faahfaahsan oo ku saabsan qiimaha ama diiradda saaraya mudnaanta ugu sareysa.

Inkastoo canshuurtaan maalgelin doonto qaboojiyaha lagu xiraayo dugsiyada, sidoo kale waxaa ku jira kharashgareyn aan muhiim ahayn.  Dhammaan dugsiyada sare waxay heli doonaan garoonno cusub oo aan dabiici ahayn, halka goobta khatarta ah ee garoonka Mill Creek la iska sii indho tiraayo.  Canshuurta waxay maalgelisaa barnaamijka teknolojiga degmada 1 :1 ee u baahan beddelka laabtaabka 4-tii sannaba mar, haddii loo baahan yahay ama haddii aan loo baahnayn.

Ha u oggolaan degmadu inay qasab ka dhigto kharashaadka aan loo baahnayn iyo kharashaadka qasaarada leh ayagoo ku daba dhuumanaaya mashaariicdaan muhiimka ah.  Ha u oggolaan inay sii wadaan iska indho tirka baahiyaha hufnaanta leh iyo waajibaadyada sannadlaha ah.  U codee isbeddel.  U codee Maya Soo Jeedinta 2 ee KSD: Canshuurta Mashaariicda Raasumaalka iyo Teknolojiga.

 

Submitted by: Shawn Bettinger, Joseph Riley

Waa xaqiiqo in beddelka Canshuurta Raasumaalka ay kordhin doonto maalgelinta la ururiyay ee canshuurta afarta sanno ah marka la oggolaado. Tani waa arrin muhiim ah maadaama ay oggolaan doonto dayactirka adeegyada loogu talagalay ardayda ee sanduuqa guud iyadoo u oggolaanaysa kor u qaadista badqabka iyo horumarinta deegaanka marka laga hadlayo caafimaadka iyo badbaadada ardayda iyo shaqaalaha waxbarashada.

Ku codee Haa Soo Jeedinta 2 ee KSD oo joogtee tayada sare ee taageerada raasumaalka ee ardaydeenu u qalmaan!

 

Submitted by: Allyson Johnson, Alan Sutliff, Brooke Valentine

Qeexitaan ahaan, tani maaha canshuur beddel ah sidaasna looguma wici karo.  Canshuurta hadda jirta waxay ururinaysaa lacag dhan $29.5 milyan sannadka 2024. Canshuurta "beddelka ah" waxay ururin doontaa lacag dhan $29.2 milyan oo dheeraad ah sannadka 2024 ka dibna in ka badan $60 milyan mid kasta oo ka mid ah 3 da sanno ee hartay.

Degmadu waxay marar badan sheegtay in canshuurta mashaariicda ee la qaado aanay ahayn ballan isla markaana wax laga bedeli karo marka loo baahdo.  Sidee ku aaminni karnaa in mashaariicdaan la dhammaystiri doono kormeer la'aan iyo isla xisaabtan la'aan?

Submitted by: Shawn Bettinger, Joseph Riley

Aqlabiyad Fudud (Dastuurka Washington, qodobka VII, qeybta 2(a))

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto cabbirka qaraarkan, la xiriir: Dr. Wade Barringer, Ku-Xigeenka Kormeeraha Guud, (253) 373-7001, Wade.Barringer@kent.k12.wa.us

39 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka