King County logo
v1.0.0.1
Degmada Dugsiga Enumclaw Lr. 216

Soo Jeedinta Lr. 1
Curaarta Waajibaadka Guud - $103,000,000

Guddiga Agaasimeyaasha ayaa ansixiyay Qaraarka Lr. 1133 ee khuseeya soo jeedintaan curaarta. Soo jeedintaan ayaa u oggolaan doonta Degmada inay dhisaan dugsiga hoose iyo xarunta waxbarashada carruurta ee goorta hore oo isku darsan si ay u beddesho Dugsiga Hoose ee Byron Kibler iyo JJ Smith; kor u qaadidda amniga iyo ammaanka Degmada oo dhan; oo ayna dayactir ugu sameeyaan farsamada, korontada, tubooyinka iyo qaab-dhismeedka iyo casriyeynta xarumaha Degmada, iyaga oo bixinaaya $103,000,000 oo curaar guud ah oo ku buuxsamaya 21 sanno gudahood; iyo in la qaado canshuurta hantida xad dhaafka ah sannad walba si dib loogu bixiyo curaarta, sida lagu sharxay Qaraarka Lr. 1133.

Ma tahay in soo jeedintaan la ansixiyo?

Haa

Maya


Ansixinta Soo jeedinta 1-aad ayaa u sahlaysa Degmada Dugsiga Enumclaw inay maalgeliso baahiyaha muhiimka ah ee xarunta ayadoo bixinaysa curaar. Haddii codbixiyeyaashu ay ansixiyaan soo jeedintaan, Degmadu waxay adeegsan doontaa lacagta curaarta ka soo gasha si ay u dhisto una qalabayso dugsi cusub oo hoose iyo xarunta waxbarashada carruurta ee goorta hore oo isku darsan si ay u beddesho Dugsiga Hoose ee Byron Kibler iyo Xarunta Ilmaha Dhalashada ilaa Shan Jirka ee JJ Smith, in kor loo qaado badqabka iyo ammaanka degmada oo dhan, iyo si loo dayactiro loona casriyeeyo nidaamyada horey u jiray ee farsamada, korontada, tubooyinka, iyo dhismaha ee dhammaan xarumaha degmada.

Lacag dhan $103,000,000 ee curaarta waajibaadka guud ayaa ku buuxsami doona muddo 21 sanno ah, waxaana lagu bixin doonaa lacagaha xad dhaafka ah ee kasoo xarooda canshuuraha hantida. Haddii codbixiyeyaashu ansixiyaan soo jeedintaan, Degmadu waxay filaysaa inay hesho inta u dhaxaysa $7,000,000 iyo $15,000,000 oo ah maaliyadda caawinaadda dhismaha ee gobolka ku xisaabshay OSPI. Deeqyo kasta caawinaadda dhismaha ee gobolka baxsho ah oo la helo ayaa u sahlaysa Degmada inay adeegsato lacagaha curaarta ka soo gala dhammaystirka horumarinnada iyo dayactirada dheeraadka ah ee loo baahan yahay ee Degmada oo dhan.

Qiimaha canshuurta dheeraadka ah ayaa lagu qiyaasayaa ku dhawwaad $0.67 ka mid ah $1,000 ee qiimeynta hantida la qiimeeyay ama, guriga qiimihiisa lagu qiyaasay $600,000, ku dhawwaad $402 sannad kasta ($33.50 bishii). Mulkiileyaasha guryaha ee jira 61 sanno ama ka weyn ama naafada ah, isla markaana buuxsha shuruudaha dakhliga hooseeya ayaa u qalmi kara ka dhaafitaanka canshuurta ee canshuurta hantida. Si aad u hesho wixii macluumaad ah ee la xiriira ka-dhaafitaanka, wac Qiimeeyaha Degmada King oo aad ka helayso (206) 296-3920.

Degmadu waxay sannado u badan u baahnayd inay beddesho Xarunta Kibler ee qadiimiga ah iyo Xarunta Waxbarashada carruurta ee goorta hore. Anigoo ah waalidka ardayda Kibler waxaan u arkaa xaaladda ay dugsiyadaan ku jiraan inay inta badan codbixiyeyaashu ka warqabin. 

Aan iftiimiyo waxa ay ka dhigan tahay in arday laga noqdo labadaba Kibler iyo ELC. Marka uu roob da'o waxaad arki doontaa haamaha qashinka oo la dhigay geesaha hoolalka iyo fasallada oo ururinaaya biyaha roobka. Xilliga qaboobaha ardaydu waxay u baahan yihiin inay xirtaan dhar adag si ay uga hortagaan qaboowga. Inta lagu jiro bilaha kulul ardaydu waxay fadhiyaan fasallo mugdi ah iyadoo heerkulku kor u kacaayo ilaa iyo 80-ka. 

Mucaaradku waxay inta badan ka hadlaan buundooyinka imtixaannada iyo sida ay noqon lahaayeen waxa degmadu diiradda saarayso. Aad bay u adagtahay inaad diiradda saarto fasalka marka aadan jir ahaan awoodin. Dhibcaha imtixaanka waxay ka tarjumayaan xaaladda waxbarashada. Codeynta Haa waxay keeni doontaa goobo waxbarasho oo u oggolaanaaya ardayda inay sameeyaan horumar oo ayna gaaraan awooddooda buuxda.  

Baahida loo qabo dhismo cusub isma beddeli doonto laakiin kharashka kor u kacaaya ee lagu dhisaayo mid ayaa isbeddeli doona. Mar kasta oo ay qaadato muddo dheer in horey loo socdo waa qaali. Mas’uuliyadda maaliyadeed waxay noqon doontaa Cod Haa ah.

 

Submitted by: Jennifer Wallin, jenwilson49@hotmail.com

 

Curaartan ayaa loola cararayaa codbixiyeyaasha 10 bilood uun ka dib markii Curaartii ugu dambeysay ay guuldarraysatay iyadoo 75% codbixiyeyaasha ka mid ah ay diideen soo jeedinta. Halkii laga eegi lahaa wax beddel u ah dhismaha dugsi cusub, Guddiga Degmada Dugsiga Enumclaw waxay ansixiyeen $103 milyan oo ah soo jeedinta curaarta oo ay ku jirto $90 milyan oo loogu talo galay hal dugsi oo cusub. Xitaa marka qiimaha lacagta dulsaarka ah ay aad u sareyso, canshuur bixiyeyaasha waa inay sidoo kale bixiyaan qiyaastii $60 milyan oo dheeraad ah oo ah keliya dulsaarka curaarta wata oo ku imaanaya wadarta qiimaha guud ee ah $163 milyan.

Wax qiimo ah lama dulsaarin xulashooyinka xog aruurinta bulshada ee ESD, sidoo kalena ma jirin ikhtiyaar loogu talagalay dayactirka iyo dhismaha cusub. Ma jiraan lacago lagu daray curaartaan si kor loogu qaado amniga dugsiyada? Muddo intee le'eg ayay lacagtaan curaarta ah sii bixin doonaan canshuur bixiyeyaashu? Muddo 20 sanno oo kale ah? Marka la dul saaro xaqiiqada dhabta ah waxaan wali bixinaynaa curaar soo bilaabatay 2015. 

Caddadka kharashka sannadlaha ah ee arday kasta wuxuu mar horeba ka sareeyaa $20,000. Hase yeeshee, buundooyinka imtixaanka waxay si aad ah oga yar yihiin kala bar heerarka celceliska ardayda ee ku aaddan xisaabta iyo sayniska.  ESD lalama xisaabtamo. 

Dhismaha cusub kama dhigno in waxbarashadu ku hormarayso. Wakhti xaadirkaan, doorasho kasta waxay leedahay cabbirro lagu kordhiyo canshuuraha.  Muwaadiniinta waxaa lagu canshuuraa guryahooda.

 

Submitted by: Jessica Mccoy, Jeff Heckathorn, BondNo.com

Curaartaan la cusboonaysiiyay waxay ku salaysan tahay natiijooyinka xog aruurinta bulshada ee loo diray qof kasta oo deegaanka degan, taas oo qayb ka ah dadaalka curaarta ee sannadaha badan. 

Guddigu wuxuu tixgeliyay casriyaynta laakiin waxay doorteen xarun isku darsan ah (laba dugsi), sida isticmaalka ugu waxtarka badan ee doolarka canshuurta. Xogta ay mucaaradku wadaagaan waa xog aan sax ahayn. Haddii aad qabto su'aalo ama aad rabto macluumaad ku saabsan curaarta, miisaaniyadda ama buundooyinka ardayga, waxaan kugu boorinayaa inaad hubiso oo aad la xiriirto degmada. 

 

Submitted by: Jennifer Wallin, jenwilson49@hotmail.com

Keydka Federaalka wuxuu kordhiyay dulsaarka si loo xakameeyo kharashaadka loona yareeyo sicir bararka aadka u sareeya. ESD uma muuqato inay fahmayso arrintaan. Si fiican uma baraan xisaabta iskabadaa arrimaha ku saabsan dhaqaalaha. Waxaa la joogaa wakhtigii la dhuuqsan lahaa suunka.

Canshuur bixiyeyaasha maxalliga ah waxay wali bixinayaan curaartii hore waxayna bixin doonaan ilaa 2034. Isku day inaadan dhaafin miisaaniyadda degsan fadlan, ESD. Canshuur bixiyeyaasha hantida ma haystaan maalgelino aan xaddidnayn. 

 

Submitted by: Jessica Mccoy, Jeff Heckathorn, BondNo.com

60% aqlabiyad iyo soo bixitaanka ugu yaraan 40% codbixiyeyaashii dhiibtay warqadaha codbixinta doorashadii guud ee la soo dhaafay (Dastuurka Washington, qodobka VII, qeybta 2(b))

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto cabbirkan, la xiriir: Jessica McCartney, Agaasimaha Isgaarsiinta, (360) 802-7109, jessica_mccartney@enumclaw.wednet.edu

39 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka