Maple Valley waxay u iftiimaysaa sida iftiin leh badqab iyo diiranaan. Degmadeena dugsiga gaarka ah iyo aagagga dabiiciga ah ee quruxda badan ayaa ka dhigaaya meel degan oo u wanaagsan qoysaska. Udub dhexaadka hoygaan waa Waaxda Booliiska ee Maple Valley, oo ah ilaaliye adag oo tayada nolosheena dhowra.
Maadaama ay u hureen booliiska bulshada, saraakiisheenu waxay abuuraan xiriir naga dhigaaya wax ka badan dad deegaanka degan - waxaanu nahay qoys. Laga soo bilaabo munaasabadaha sannadlaha ah ee aadka loo jecel yahay sida dabaaldegga 4ta bisha Julaay ee lagu qabto Jardiinka Lake Wilderness, Maple Valley Days & Parade, ilaa Xafladda carruurta ee xiisaha badan, saraakiisheenu waxay muujiyaan feejignaan, ayagoo hubinaaya in kulamadeenu ay helaan farxad, iyo inaan wax walaac ah imaan. Bal arrintaan la barbar dhig magaalooyinka aan deriska la nahay, ee la kulmi kara hubaal la'aanta taageerada booliiska ee xoogan.
Waaxdeena Booliiska, oo ay ku jiraan 20-keeda sarkaal oo shaqeeya habeen iyo maalinba, waa tusaalaha howlkarnimo. Waa cajiib, inay joogteeyaan heerkaan ilaalinta ayagoo u adeegsanaya keliya .74 sarkaal 1000-kii muwaadinba - kala bar celceliska gobolka. Dhanka kale, mawjadaha sicir bararka ayaa khatar gelinaaya xasilloonideena. Kor u kaca qiimaha nolosha iyo sicir bararka sii kordhaaya ayaa culays saaray shaqadeena booliiska iyo kharashyada caymiska mas’uuliyadda. Sababo la xiriira kororka 1% ee canshuurta guryaha ee sannadlaha ah, dakhligeena ayaa ku dhibtoonaaya sidii uu u xakamayn lahaa culeysyadaan isa soo taraya.
Waxaan si xushmad leh kaaga codsanaynaa taageeradaada. Maalgelin yar, ee ah qiyaastii $17.67 bishii ee celceliska mulkiilaha hantida, waxay xaqiijisaa sii wadidda amniga iyo wada noolaanshaha aynu dooneyno. Tani ma ahan oo keliya ilaalinta tirooyinka; waxay ku saabsan tahay ilaalinta hab nololeedkeena gaarka ah.
Midnimada iyo dhowrista mustaqbalkeena, aynu u wada kacno. Codeyntaada Haa waa Haa qaylo badan oo aan ku helayno sugidda Waaxda Booliiska ee Maple Valley iyo sidoo kale, qaab nololeedkeena Maple Valley.