King County logo
v1.0.0.1
Degmada Dugsiga Auburn Lr. 408

Soo Jeedinta Lr. 1
Curaarta Dhismaha Dugsiga iyo Beddelaadda

Guddiga Agaasimeyaasha ee Degmada Dugsiga Auburn Lr. 408 ayaa ansixiyay Qaraarka Lr. 1426, ee khuseeya soo jeedin si loo maalgeliyo dhismaha dugsiyo cusub iyo kuwo beddel ah. Soo jeedintan waxay Degmada u oggolaanaysaa inay bixiso maalgelinta si loo dhiso Dugsi Dhexe oo cusub iyo in la beddelo Dugsiga Dhexe ee Cascade iyo Dugsiga Hoose ee Alpac, si loo kordhiyo awood qaadka iyo loo yareeyo cabbirka fasallada, loo casriyeeyo teknolojiyada iyo deegaannada waxbarashada, loo hagaajiyo ammaanka iyo amniga, loona dayactiro garoomada ciyaaraha ee isticmaalka ardayda iyo bulshada, iyadoo soo saaraysa ilaa iyo $491,000,000 oo ah curaarta waajibaad guud oo ku buuxsami doona muddo 20 sanno gudahood, iyo soo rogista canshuuraha hantida sannadlaha ee dheeraadka ah si dib loogu bixiyo curaarta, sida qaraarka uu dhigaayo.

Ma tahay in soo jeedintan la:

Ansixiyo

Diido


Ansixinta Soo Jeedinta 1 waxay Degmada Dugsiga Auburn u oggolaanaysaa inay maalgeliso dhismaha dugsiyo cusub iyo kuwo beddel ah iyadoo bixinaysa ilaa iyo $491,000,000 oo ah curaarta waajibaadka guud.  Haddii codbixiyeyaashu ansixiyaan soo jeedintan, Degmadu waxay lacagaha kasoo baxa curaarta u isticmaali doontaa si ay u (1) dhisto oo qalabayso Dugsi Dhexe cusub #5, (2) dhisto oo qalabayso dugsi dhexe cusub oo leh awood qaad ballaaran si loogu beddelo Dugsiga Dhexe ee Cascade, iyo (3) dhisto oo qalabayso dugsi hoose cusub oo leh awood qaad ballaaran si loogu beddelo Dugsiga Hoose ee Alpac.  Mashaariicdan waxay kordhin doonaan awoodda dugsiga, waxay yarayn doonaan tirada fasallada iyo isticmaalka fasallada la qaadi karo, waxay horumarin doonaan badbaadada iyo amniga, waxay casriyayn doonaan teknolojiyada iyo jawiga waxbarashada ardayda, waxay horumarin doonaan hufnaanta tamarta, waxayna horumarin doonaan oo ballaarin doonaan garoomada ciyaaraha iyo xarumaha ciyaaraha isboortiska ee loogu talagalay isticmaalka ardayda iyo isticmaalka bulshada.

Haddii codbixiyeyaashu ay ansixiyaan soo jeedintan, Degmada waxay filaysaa inay hesho qiyaastii $36,248,500 oo ah maalgelinta caawinnaadda dhismaha oo ay ka helayso Gobolka si loo dhammaystiro mashaariicdan.  Curaarta ayaa ku buuxsami doona muddo 20 sanno gudahood ah waxaana dib loogu bixin doonaa lacagaha xad dhaafka ah ee kasoo xarooda canshuuraha hantida.  Webseedka Degmada ee www.auburn.wednet.edu/2026election wuxuu leeyahay saameynta canshuurta ee la filayo ee la xiriirta curaartan. Waxaa laga yaabaa in mulkiileyaasha guryaha ee waayeelka ama naafada ah ee buuxiya xadadka dakhliga ee la cayimay ay heli karaan ka dhaafitaanka canshuurta.  Si aad u hesho macluumaad la xiriira ka dhaafitaannada, ka wac Qiimeeyaha Degmada King taleefanka (206) 296-3920.

Ku Codee Haa si aad u dhisto dugsi dhexe oo cusub oo aad u beddesho Dugsiga Dhexe ee Cascade iyo Dugsiga Hoose ee Alpac oo sii duugoobaya. Maanta, in ka badan 1,100 oo ka mid ah ardaydeenna dugsiga dhexe ayaa ku ciriirisan 45 fasal oo ku meel gaar ah (portables), halka Alpac ay wajahayso dayactiro joogto ah oo qaali ah. Curaartani waxay si toos ah u xallisaa ciriiriga degmada oo dhan ee dugsiyada dhexe.

Bulshadeenna iyo ardaydeennuba waxay hadda u qalmaan xarumo casri ah—ee maaha sannado ka dambeeya. Dugsiyo nadiif ah, ammaan ah, oo casri ah waxay kiciyaan hanka ardayda, waxay xoojiyaan u heellannaanta macallimiinta, waxayna kor u qaadaan xaafadaha oo dhan. Carruurteenu waxay u qalmaan meelo loogu talagalay guusha.

Kani waa maalgashi mas'uuliyad maaliyadeed leh. Degmada Dugsiga Auburn waxay leedahay taariikh la xaqiijiyay oo ah fulinta mashaariicda wakhtigii loogu talagalay iyo kharash ka yar miisaaniyadda iyadoo canshuuraha hoos lagu haynaayo. Iyadoo lagu qiyaasay qiimaha $1.10 oo keliya halkii $1,000 oo ah qiimaha la qiimeeyay—qiyaas ahaan $50.41 bishii ee guri $550,000 ah—waxaan sugi karnaa saddex dugsi oo casri ah si ay ugu adeegaan jiilal badan.

Aqlabiyad ayaa u codeysay Haa doorashadii ugu dambeysay, laakiin waxaan u baahanahay aqlabiyad sare oo ah 60% si aan u sugno maalgelinta muhiimka ah ee gobolka ee u dhiganta. Ardaydeennu ma sugi karaan.

Waxaa soo gudbiyay: Cari Manry, Terri Herren

Degmada Dugsiga Auburn waxay dalbanaysaa xirmo curaar oo baaxad leh oo dhan $491 milyan si loo dhiso saddex dugsi oo deegaanka ah, iyadoo celcelis ahaan xarun kasta ay ku kacayso $163 milyan oo yaab leh midkiiba. Dhanka kale, Degmada Dugsiga Tacoma ee deriska la ah ayaa si guul leh u dhisaysa siddeed dugsi oo kala duwan oo ku kacaaya celcelis ahaan $66 milyan midkiiba.

Lowell iyo Whittier-ka cusub waa dugsiyo hoose oo casri ah, oo heerka ugu sareeya ah kuwaas oo midkiiba ku kacaayo wax ka yar $50 milyan. Hase yeeshee, Auburn waxay dalbanaysaa lacag dhan $118 milyan si loo dumiyo, naqshadeeyo & loo dhiso Alpac Elementary. Farqigan weyn ee kharashka ayaa dhalinaya su'aal iska cad: halkee ayay dhab ahaan u socotaa $68-ka milyan ee kale ee dugsigan oo keliya?

Intaa waxaa dheer, heerka canshuurta hantida ee $1.10 ee ay degmadu xayaysiisay ayaa gabi ahaanba ku guuldaraysta inuu daboolo dib-u-bixinta raasumaalka ah $491 milyan iyo deynta dulsaarka ee $350+ milyan ah. Dib-u-bixinta dulsaarkan baaxadda leh ee ururay waxay kor u qaadaysaa heerarka dhabta ah ee bilowga ah ilaa $1.93 halkii $1,000 kasta, iyadoo muujinaysa farqi weyn oo u dhexeeya tirooyinka la xayaysiisay iyo xaqiiqada maaliyadeed ee adag.

Qoysaska shaqeeya iyo dadka deegaanka ee daacadda ah ayaa si dhib leh nolosha ugu maareeya jawiga dhaqaale ee adag ee maanta. Degmada dugsigu waa inay canshuur bixiyeyaasha deegaanka u keentaa codsi macquul ah, oo mas'uuliyad maaliyadeed leh halkii ay ka riixi lahayd riyooyin qaali ah oo aad loo buunbuuniyay kuwaas oo culays maaliyadeed oo culus oo aan caddaalad ahayn saaraya bulshadeenna oo dhan. Ku Codee Maya

 

Waxaa soo gudbiyay: Eric Petersen

Isbarbardhigyada marin-habaabinta ah waxay iska indhatiraan farqiyada u dhexeeya cabbirka dugsiga, xaaladaha goobta, iyo heerarka dhismaha ee muddada dheer. Auburn waxay dhisaysaa dugsiyo loogu talagalay inay sii jiraan qarni waxayna leedahay diiwaan la xaqiijiyay oo ah dhammaystirka mashaariicda wakhtigii loogu talagalay iyo miisaaniyaddii loogu talagalay. Beddelidda dugsiyada duugoobay iyo fasallada guurguura ee ciriiriga ah hadda waa maalgelin muddo dheer ah oo ka caqli badan marka loo eego sii wadista dayactirrada qaaliga ah. Ku Codee Haa si loo bixiyo dugsiyo ammaan ah, oo casri ah oo loogu talagalay jiilasha ardayda Auburn.

Waxaa soo gudbiyay: Cari Manry, Terri Herren

Haddii aad leedahay hanti lagu qiimeeyay $600,000, biilkaaga canshuurta hantida ee hadda ee dugsiyada oo keliya waa $4,800. Haddii aad ku darto curaartaan qiimaha dhabta ah ee $1.93 halkii $1,000 oo ah qiimaha la qiimeeyay, qaybtaada canshuurta dugsiga waxay u kici doontaa $5,958 sannadkii.

Curaarta $650 milyan ah ee ay ansixisay Tacoma waxay beddelaysaa ama dib u dhis ku sameynaysaa 11 dugsi oo sii duugoobaya; Auburn waxay rabtaa $491 milyan 3 dugsi oo keliya. Ha oggolaan in laguu cagajugleeyo, ku qasab inay tan dib u soo gudbiyaan iyadoo la raacinayo kharash dhab ah, ee aan ahayn tirooyin bararsan. Ku Codee maya.

Waxaa soo gudbiyay: Eric Petersen

60% aqlabiyad haa ah iyo soo bixitaanka ugu yaraan 40% ee codbixiyeyaasha dhiibtay warqadaha codbixinta doorashadii guud ee ugu dambeysay (Dastuurka Washington, qodobka VII, qaybta 2(b))

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto xeerkan, la xiriir: Cindi Blansfield, Ku-xigeenka Kormeeraha Guud, (253) 931-4930, cblansfield@auburn.wednet.edu

55 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka