King County logo
v1.0.0.1
Degmada Dugsiga Kent Lr. 415

Soo Jeedinta Lr. 1
Beddelaadda Canshuurta Wakhtigeedu Dhammaanayso ee Barnaamijyada Waxbarashada iyo Hawlgallada

 

Guddiga Agaasimeyaasha ee Degmada Dugsiga Kent Lr. 415 ayaa meel mariyay Qaraarka Lr. 1718 ee khuseeya soo jeedin lagu taageerayo kharashyada barnaamijyada waxbarashada iyo hawlgallada. Haddii la ansixiyo, soo jeedintan waxay Degmada u oggolaanaysaa inay soo rogto canshuuraha dheeraadka ah ee soo socda, iyada oo lagu beddelaayo canshuur wakhtigeedu dhammaanayso, ee dhammaan hantida la canshuuri karo ee ku dhex taal Degmada, si loo taageero barnaamijyada waxbarashada iyo hawlgallada ee aanu maalgelin barnaamijka qaanuuniga ah ee Gobolka ee waxbarashada aasaasiga ah.

Sannadka Ururinta

Qiyaasta Canshuurta/$1,000 
Qiimaha La Qiimeeyay

Caddadka Canshuurta

2028

$1.95

$104,700,000

2029

$1.93

$111,100,000

2030

$1.88

$115,700,000

2031

$1.84

$121,400,000

Ma tahay in soo jeedintan la ansixiyo?

Haa

Maya


Ansixinta Soo jeedinta 1 waxay u oggolaan lahayd Degmada Dugsiga Kent inay beddesho canshuur dhacaysa oo ay ansixiyeen codbixiyeyaashu oo loogu talagalay barnaamijyada iyo hawlgallada dugsiga iyadoo la soo rogayo canshuur dhan $104,700,000 si loogu ururiyo 2028, $111,100,000 si loogu ururiyo 2029, $115,700,000 si loogu ururiyo 2030, iyo $121,400,000 si loogu ururiyo 2031.  Canshuurta la soo jeediyay waxay beddeli lahayd canshuur hadda jirta oo ay codbixiyeyaashu hore u ansixiyeen taas oo dhacaysa 2027.  Canshuurta dhacaysa waxay hadda maalgelisaa qiyaas ahaan 15% kharashyada hawlgalka guud ee Degmada.  Haddii la ansixiyo, canshuurta beddelaadda ah ee la soo jeediyay waxay bixin doontaa hawlaha maalinlaha ah ee dugsiga si loo daboolo baahiyaha ardayga ee uusan maalgelin Gobolku, oo ay ku jiraan balse aan ku xaddidnayn shaqaalaha iyo barnaamijyada u diyaargarowga kulliyadda iyo shaqada, shaqaalaha iyo barnaamijyada barashada jireed, bulsho, iyo dareen (oo ay ku jiraan la taliyeyaasha iyo shaqaalaha caafimaadka maskaxda), agabyada, sahayda, iyo kharashyada hawlgalka (oo ay ku jiraan adeegyada guud iyo caymiska), gaadiidka, shaqaalaha badbaadada iyo amniga, barnaamijyada ciyaaraha isboortiska iyo kuwa ka baxsan manhajka, maadooyinka la doorto, iyo barnaamijyada taageerada qolka fasalka. 

Iyadoo lagu salaynayo macluumaadka qiimeynta la qiimeeyay ee la saadaaliyay, Degmadu waxay qiyaasaysaa heerka canshuurta oo ah $1.95 halkii $1,000 ee qiimeynta la qiimeeyay ee sannadka 2028; $1.93 halkii $1,000 ee qiimeynta la qiimeeyay ee sannadka 2029; $1.88 halkii $1,000 ee qiimeynta la qiimeeyay ee sannadka 2030; iyo $1.84 halkii $1,000 ee qiimeynta la qiimeeyay ee sannadka 2031. Waxaa laga yaabaa in mulkiileyaasha guryaha ee waayeelka ama naafada ah ee buuxiya xadadka dakhliga ee la cayimay ay heli karaan ka dhaafitaanka canshuurta.  Si aad u hesho macluumaad la xiriira ka dhaafitaannada, ka wac Qiimeeyaha Degmada King taleefanka (206) 296-3920.

Dugsiyadeenu waa mid ka mid ah maalgeshiyada ugu muhiimsan ee ay bulshadeennu sameyso—iyo canshuurtaan cusbooneysiinta waxay gacan ka geysan doontaa in maalgeshigaas uu ahaado mid xooggan. Waxay bixisaa maalgelin maxalli ah oo muhiim ah taas oo dugsiyada ka dhigta kuwo ammaan ah, taageerta barashada ardayga, bixisa fursadaha manhajka ka baxsan, isla markaana gacan ka geysata hubinta in ilmo kasta uu heli karo kheyraadka ay u baahan yihiin si ay u guuleystaan.

Ku codeynta Haa waxay ka dhigan tahay sii wadista maalgelinta deegaanka ee si toos ah u taageerta ardayda, macallimiinta, iyo barnaamijyada uusan gobolku si buuxda u bixin. Tan waxaa ka mid ah taageerada akadeemiyaha, ciyaaraha isboortiska, farshaxanka, kheyraadka caafimaadka dhimirka, muusigga, ammaanka, iyo gaadiidka. Maalgelintani waxay taabaneysaa kumanaan arday ah waxayna gacan ka geysataa qorista iyo sii haynta macallimiinta iyo shaqaalaha heerka sare ah ee ardaydan u diyaariya kulliyadda, xirfadaha, iyo nolosha.

Aan cusbooneysiino ballanqaadkeenna ku aaddan dugsiyada xooggan anagoo ku codeynayna Haa! Dugsiyada xooggan waxay taageeraan ganacsiyada maxalliga ah, waxay xoojiyaan qiimaha hantida, waxayna u diyaariyaan jiilka soo socda ee shaqaalaha iyo hoggaamiyeyaasha. Soo jeedintan waxay sii waddaa dhaqan soo jireen ah oo ah maalgashiga gudaha ee dugsiyadeena iyadoo la ilaalinayo mid ka mid ah heerarka canshuurta dugsiga ee ugu hooseeya degmooyinka deriska ah.

Canshuurtaan ma aha canshuur cusub. Waa maalgashi joogto ah oo lagu sameeyo fursadaha waxbarashada ee maanta iyo xoogga bulshadeenna ee berrito. Fadlan nagu soo biir si aad ugu codeyso Haa ardaydeenna, dugsiyadeena, iyo mustaqbalkeena aan wadaagno. 

Waxaa soo gudbiyay: Dana Ralph, Bill Boyce, Jeff Wagner, citizensforkentschools.com

Dhammaanteen waxaan doonaynaa dugsiyo xooggan iyo arday si wanaagsan loo taageeray, laakiin qorista jeeg ka weyn ma xallin doonto maamul maaliyadeed oo liita. Degmadu waxay weydiisanaysaa si weyn uga badan lacag halka cabbirrada fasalladu ay kordhayaan, diiwaan gelintu ay hoos u dhacayso, qoysaskuna ay is weydiinayaan halka ay lacagtu dhab ahaan u socoto.  Ma sii wadi karno inaan maalgelino hoggaan fashilmay xilli ardaydeennu ay dusha u ridanayaan culayska fasallada ka waaweyn iyo taageerada la dhimmay.

Hoggaanka degmada ayaa si joogto ah dhegaha uga xirtay bulshada, canshuurtaan ayaana la imaanaysa ballanqaadyo aan qabanayn oo lagu ilaalinayo hal barnaamij ama koox shaqaale ah.  Ha khaldamin: kororkan canshuurta dib uma soo celin doonto kheyraadka muhiimka ah ee la dhimmay sannadkan, mana ka joojin doonto inay wax badan dhimman sannadka dambe. Ma sii wadi karno inaan u qorno jeegag maran maamul diidaya inuu wax dhegaysto, si joogto ah u bixiya wax ka yar degmooyinka ku hareeraysan, oo naftooda ka horumariya ardayda.

Waxaa intaas dheer, canshuurtaan waxay hal sannad ka horreysaa jadwalka, iyadoo aan wax saameyn ah ku yeelanayn maalgelinta ilaa 2028.  Codeynta “Maya” hadda waxba kuma kacayso fasalladeenna sannadka 2027.  U istaag la xisaabtan dhab ah, hoggaan cusub, iyo natiijooyin ka wanaagsan oo loogu talagalay carruurteena. Maanta maya u codee, oo u oggolow degmada inay kalsoonidaada ku kasbato qorshe bulshada la jaan qaadaya ka hor inta aysan mar kale isku dayin sannadka dambe.

Waxaa soo gudbiyey: Joseph Riley

Sheegashooyinka mucaaradka ma waafaqsana xaqiiqooyinka. Degmada Dugsiga Kent waxay ka gudubtay toddoba hantidhawr oo la xisaabtanka maaliyadeed oo madax-bannaan oo isku xiga, waxayna sii haysatay qiimeyn deenta oo sareysa—calaamado la cabbirri karo oo ah maamul maaliyadeed oo mas'uuliyad leh, ee ma aha fowdo maaliyadeed.

Canshuurtaan cusbooneysiinta ma aha jeeg maran. Waxay maalgelin siisaa dugsiyada deegaanka, iyadoo lala xisaabtamayo doolar kasta. Ardaydeennu waxay u qalmaan go'aanno ku salaysan xaqiiqooyin iyo daah-furnaanta, ee ma aha sheegashooyin marin-habaabin ah oo wiiqaya kalsoonida lagu qabo dugsiyadeena iyo dadka u adeegga.

Waxaa soo gudbiyay: Dana Ralph, Bill Boyce, Jeff Wagner, citizensforkentschools.com

Taageerayaashu waxay sheeganayaan in canshuurtaan ay maalgelin doonto waxyaabaha ay ka midka yihiin taageerada ardayda, ciyaaraha isboortiska, iyo fanka.  Canshuurtii ugu dambeysay waxay ballanqaaday isla waxyaabahaas ilaa 2027, laakiin degmadu waxay jartay sannadkan.

Ha aqbalin ballanqaadyada maran. Halka ay canshuuruhu kordhayaan, dhibcaha tijaabada iyo heerarka qalin-jebinta ayaa hoos u dhacaya, shaqaalaha ayaa la dhimmayaa, cabbirrada fasalladuna waa ay sii kordhayaan. Ku codee “Maya” maanta. Ka dhig degmada inay kasbato kalsoonidaada iyadoo wadata qorshe bulshada la waafajiyay iyo hoggaan cusub ka hor inta aysan mar kale isku dayin sannadka soo socda.

 

Waxaa soo gudbiyay: Joseph Riley

Aqlabiyad fudud (Dastuurka Washington, qodobka VII, qaybta 2(a))

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto xeerkan, la xiriir: Dr. Wade Barringer, Ku-xigeenka Kormeeraha, (253) 373-7001, Wade.Barringer@kent.k12.wa.us

55 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka