King County logo
v1.0.0.1
Degmada Ilaalinta Dabka ee Degmada King Lr. 20

Soo Jeedinta Lr. 1
Curaarta Si Loo Hagaajiyo Xarumaha Dab-damiska iyo Gurmadka Degdegga ah

Guddiga Guddoomiyeyaasha Dab-damiska ee Degmada Ilaalinta Dabka ee Degmada King Lr. 20 ayaa meel mariyay Qaraarka Lr. 2026-002, ee khuseeya xarumaha gurmadka degdegga ah si loo ilaaliyo caafimaadka dadweynaha, nolosha iyo hantida. Soo jeedintan waxay Degmada u oggolaanaysaa inay: hagaajiso xarumaha taageerada gurmadka degdegga ah iyo kaabayaasha ku yaalla labo goobood oo ay leedahay Degmadu; dayactirto oo casriyayso saldhiga dab-damiska ee hadda jira; soo iibsato qalabka dab-damiska iyo gurmadka degdegga ah; soo saarto curaar aan ka badnayn $16,000,000 oo curaarta waajibaadka guud ah oo ku buuxsamaya muddo 20 sanno gudahood ah; iyo in ay soo rogto canshuuraha hantida dheeraadka ah ee sannadlaha ah si dib loogu bixiyo curaarta, dhammaantood sida ku xusan Qaraarka Lr. 2026-002. Ma tahay in soo jeedintan la:

Ansixiyo

Diido


Degmada Ilaalinta Dabka ee Degmada King Lr. 20 waxay bixisaa adeegyada xakamaynta dabka iyo badbaadinta, adeegyada caafimaadka degdegga ah, iyo ka hortagga dabka iyo waxbarashada bulshada si loo ilaaliyo nolosha iyo hantida loogana ilaaliyo saameynta xun ee dabka, xaaladaha caafimaad ee degdegga ah ama u nuglaanshaha xaaladaha khatarta ah.

Guddiga Guddoomiyeyaasha Dab-damiska ayaa go'aamiyay in baaxadda aan ku filnayn iyo xarumaha gaboobay iyo kuwa wakhtiga hore ee Degmada, iyo baahida loo qabo in la hagaajiyo ammaanka goobta iyo adkeysiga, diyaargarowga hawlgalka iyo hufnaanta, iyo badbaadada bulshada, badbaadada dab-damiska iyo badbaadada jawaab-bixiyaha xaaladaha degdegga ah, ay u baahan tahay in Degmadu ay hagaajiso xarumaha taageerada jawaab-celinta xaaladaha degdegga ah iyo kaabayaasha laba goobood oo ay leedahay Degmadu. Horumarinnada waxaa ka mid ah dayactirka iyo casriyaynta saldhiga dab-damiska ee hadda jira, iyo soo iibinta qalabka dab-damiska iyo qalabka jawaab-celinta xaaladaha degdegga ah.

Haddii la ansixiyo, soo jeedintan waxay oggolaan doontaa curaarta waajibaadka guud oo aan ka badnayn $16,000,000 kuwaas oo ku buuxsami doona muddo ugu badnaan 20 sanno ah isla markaana laga bixin doono canshuuraha hantida ee dheeraadka ah ee sannadlaha ah. Heerka canshuurta ee la qiyaasay waa qiyaas ahaan $0.28 halkii $1,000 ee qiimaha la qiimeeyay. Ka dhaafitaannada canshuuraha ayaa laga yaabaa inay heli karaan qaar ka mid ah mulkiileyaasha guryaha. Wixii macluumaad oo dheeraad ah, la xiriir Waaxda Qiimeynta ee Degmada King, 206-296-3920.

Sida guddiga xaafadda ahaan waxaan taageereynaa curaartan sababtoo ah waa maalgashi lagu sameynayo ammaanka iyo u diyaargarowga bulshadeenna. Waxaan u qalannaa adeegyo degdeg ah oo la isku halayn karo, xarumo ammaan ah oo loogu talagalay dab-damiyeyaasheena, iyo kheyraadka loo baahan yahay si loo waajaho caqabadaha mustaqbalka.

Dab-damiyeyaasheena waxay ka jawaabaan kumanaan wicitaanno degdeg ah oo ka yimaada saldhig la dhisay in ka badan 40 sanno ka hor oo aan loo ansixin u adkeysiga dhul-gariirka. Halka heellannaanta dab- damiyeyaasheena aanay weligeed isbeddelin, qaar ka mid ah xarumaha iyo qalabka ay maalin kasta isku halleeyaan ayaa gaaray dhammaadka muddadii ay waxtarka lahaayeen, waxayna u baahan yihiin in la beddelo.

Curaartan waxay casriyayn doontaa Saldhiga Dab-damiska 20, waxay beddeli doontaa mashiinka gurmadka ee duugoobay, waxayna horumarin doontaa xarunta hawlgallada degdegga ah ee degmada iyadoo dhisaysa keyd sugan oo u dhow oo loogu talagalay agabka xaaladaha degdegga ah iyo qalabka gurmadka. Mashaariicdan/dhismeyaashan waxay gacan ka geysan doonaan ilaalinta gawaarida gurmadka degdegga ah, agabyada, hagaajinta ammaanka dab-damiyeyaasha, iyo xaqiijinta in degmadu ay u diyaarsan tahay inay uga jawaabto dhammaan xaaladaha degdegga ah iyo masiibooyinka.

Curaarta la soo jeediyay waxay diiradda saaraysaa horumarinta dhismeyaasha iyo kaabayaasha ee muddada dheer oo aan lagu maalgelin karin miisaaniyadda hawlgalka ee caadiga ah ee degmada. Ayadoo la sameynayo maalgelintaan hadda, waxaan ilaalin karnaa oo aan hagaajin karnaa xarumaha iyo qalabka taageera jawaab-celinta degdegga ah sannadaha soo socda. Ku Codee Haa ee KCFD Lr. 20 Curaarta Ammaanka Bulshada.

Waxaa soo gudbiyay: Terry Miller, Alesia D. Cannday, Margie Lindberg

Ma jiro wax bayaan ah oo ka soo horjeeda xeerkan. Ma jiro qof ka tirsan gudaha maamulka oo la soo xiriiray Doorashooyinka Degmada King si uu uga mid noqdo guddiga qoraaya bayaanka ka soo horjeeda xeerka.

Maamulada xeerarka ku soo bandhigga warqadda codbixinta waxay sidoo kale magacaabaan xubno ka tirsan dadweynaha si ay uga mid noqdaan guddiyada "taageeridda" iyo "ka soo horjeedidda". Guddiyadan waxay diyaariyaan bayaanno taageeraya ama ka soo horjeeda xeerka warqadda codbixinta. Bayaannadan waxaa lagu daabacaa buug-yaraha codbixiyeyaasha deegaanka si ay uga caawiyaan codbixiyeyaasha inay go'aanno xog-ogaal ah gaaraan.

Haddii maamulka uusan awoodin inuu magacaabo guddi, Doorashooyinka Degmada King waxay magacaabi karaan mid walba oo ka mid ah xubnaha guddiga ee u qalma ee hore isa soo taaga. Si aad mustaqbalka ugu biirto guddi, fadlan la xiriir maamulka.

 

60% aqlabiyad haa ah iyo soo bixitaanka ugu yaraan 40% ee codbixiyeyaasha dhiibtay warqadaha codbixinta doorashadii guud ee ugu dambeysay (Dastuurka Washington, qodobka VII, qaybta 2(b))

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto xeerkan, la xiriir: Eric Hicks, Taliyaha Dab-damiska, (206) 772-1430, ehicks@kcfd20.org

55 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka