King County logo
v1.0.0.1
Magaalada Bothell

Soo Jeedinta Lr. 1
Ku Biiritaanka Maamulka Dab-damis Goboleedka ee Waaxda Dab-damiska ee Shoreline

Golaha Magaalada Bothell ayaa meel mariyay Qaraarka Lr. 1784, oo ansixinaaya ku biiritaanka Maamulka Dab-damis Goboleedka ee Waaxda Dab-damiska ee Shoreline iyo wax-ka-beddelka qorshaha ee la xiriira. Si loo joogteeyo heerarka adeegga dab-damiska iyo caafimaadka degdegga ah ee hadda jira iyo in la bixiyo sii jiritaannimada maaliyadeed iyo tan hawlgalleed ee muddada dheer ee adeegyadaas ee gudaha Bothell, ma tahay in Bothell lagu daro oo ay qayb ka noqoto Maamulka Dab-damis Goboleedka ee Waaxda Dab-damiska ee Shoreline, laga bilaabo Maarso 1, 2027, iyadoo la raacayo wax-ka-beddelka qorshaha, sida ku xusan Qaraarka Lr. 1784?

Haa

Maya


Golaha Magaalada Bothell ayaa meel mariyay Qaraarka 1784 kaas oo codsanaya ansixinta codbixiyaha si loogu biiriyo loona noqdo qayb ka mid ah Maamulka Dab-damis Goboleedka ee Waaxda Dab-damiska ee Shoreline ("RFA").  Maadaama uu gobolku koray kharashyadiina ay kordheen, Bothell waxay tixgelisay moodooyinka maamulka/adeegga ee adeegyada dab-damiska iyo caafimaadka degdegga ah (“EMS”). Sida qayb ka mid ah daraasaddeeda, Bothell waxay qandaraas la gashay RFA ee adeegyada maamulka dab-damiska (Madaxa Dab-damiska).  

Golaha Magaalada ayaa go'aamiyay in ku biiritaanka RFA ay xaqiijinayso joogtaynta muddada dheer ee maalgelinta si loo ilaaliyo heerarka adeegga ilaalinta dabka iyo EMS ee hadda jira. Ku biiritaanku ma beddeli doonto u-geynta ama heerka adeegyada ee deganeyaasha Bothell.

Haddii la ansixiyo ku-daridda, Waaxda Dab-damiska ee Bothell waxay qayb ka noqon lahayd RFA-da ka weyn, halkii ay u shaqeyn lahayd sidii waax dab-damis oo madax-bannaan oo ka yar. Iyadoo la isku daraayo kheyraadka iyo khibradda lana isku duwayo dadaallada, adeegga dab-damiska iyo EMS waxay heli karaan waxtar, oo ay ku jiraan hawlgallada jawaab-celinta. Codbixiyeyaasha Bothell waxay xaq u yeelan doonaan inay ka codeeyaan dhammaan xeerarka warqadda codbixinta ee ay soo jeediyaan RFA—oo ay ku jiraan kuwa la xiriira canshuuraha iyo kharashka dheefta.  Bothell waxay matallaad ku yeelan doontaa Guddiga RFA. Haddii ku biiritaanka la diido, Bothell waxay u baahan doontaa inay mar kale raadiso ansixinta codbixiyaha, inay heshiis cusub kala xaajooto RFA ama wakaalad kale, ama inay dib u dhisto Waaxda Dab-damiska ee Bothell.

https://bothellwa.gov/2209/Fire-Service-Study

Sida ay Bothell u korayso, jawaab-celinteena dab-damiska iyo caafimaadka degdegga ah waxay u baahan tahay inay nala korto. Soo jeedinta 1 waxay bulshadeenna siinaysaa hab la xaqiijiyay oo lagu bixiyo daryeel degdeg ah oo tayo leh marka ilbiriqsi kasta uu muhiim yahay. Taas ayaa ah sababta ay Ururka Dab-damiska Xirfadleyaasha Bothell (Bothell Professional Firefighters Association), IAFF Local 2099, u taageertay xeerkan warqadda codbixinta.

Adeegga dab-damiska goboleedka waa heerka caadiga ah ee aagaggeena sababo wanaagsan awgood. Marka ay ku biirto Maamulka Dab-damis Goboleedka ee Shoreline, Dab-damiska Bothell waxay noqon doontaa qayb ka mid ah urur weyn oo wadaagi kara kheyraadka, isku duba ridi kara shaqaalaha, ballaarin kara awoodaha gaarka ah, isla markaana horumarin kara hufnaanta hawlgalka. Halkii doolarka bixiyaha canshuurta ee maxalliga ah lagu bixin lahaa in nuqul looga sameeyo nidaamyada maamulka iyo qalabka hey’ado badan oo madax-bannaan, ku biiritaanka waxay kheyraadka la midaynaysaa bulshooyinka deriska ah—iyadoo kheyraadkaas looga faa'iidaysanayo heerka ugu sareeya halka ay ka tirsan yihiin: bannaanka xaafadaheena iyagoo u adeegaya deganeyaasheena.

Ku biiritaanka RFA waxay sidoo kale ka caawisaa Bothell in ay u qorshayso kharashyada soo socda. Wadaagista kharashka xarumaha iyo qalabka mustaqbalka ee saldhig canshuur goboleedka oo ka ballaaran waxay fududeynaysaa saameynta maaliyadeed ee magaaladeena, iyadoo deganeyaasha Bothell laga ilaalinayo inay keligood dhabarka u ritaan kharashyadaas iyadoo isla markaana la hagaajinayo adeegga bulshadeenna.

Codka Haa ah, waxaan sii haysanaynaa xakamayn weyn oo ku saabsan jihada adeegga dab-damiska ee Bothell. Magaaladeena waxay yeelan doontaa cod laxaad leh oo ku saabsan sida loo maamulo RFA-da iyadoo leh saddex ka mid ah sagaalka kursi ee guddiga maamulka ee RFA-da.

Ku codee Haa Soo jeedinta 1 si loo sii hayo go'aan-qaadasho maxalli ah oo xooggan oo ku saabsan adeegga dab-damiska iyo caafimaadka degdegga ah, la siiyo dab-damiyeyaasheena iyo deganeyaasheena kheyraadka waax goboleed oo ka weyn, si wanaagsanna loogu diyaariyo Bothell horumarinnada adeegga ee mustaqbalka.

Waxaa soo gudbiyay: Wesley Wang, Brandon Keith, Mason Thompson

Ma jiro wax bayaan ah oo ka soo horjeeda xeerkan. Ma jiro qof ka tirsan gudaha maamulka oo la soo xiriiray Doorashooyinka Degmada King si uu uga mid noqdo guddiga qoraaya bayaanka ka soo horjeeda xeerka sharciga.

Maamulada xeerarka ku soo bandhigga warqadda codbixinta waxay sidoo kale magacaabaan xubno ka tirsan dadweynaha si ay uga mid noqdaan guddiyada "taageeridda" iyo "ka soo horjeedidda". Guddiyadan waxay diyaariyaan bayaanno taageeraya ama ka soo horjeeda xeerka warqadda codbixinta. Bayaannadan waxaa lagu daabacaa buug-yaraha codbixiyeyaasha deegaanka si ay uga caawiyaan codbixiyeyaasha inay go'aanno xog-ogaal ah gaaraan.

Haddii maamulka uusan awoodin inuu magacaabo guddi, Doorashooyinka Degmada King waxay magacaabi karaan mid walba oo ka mid ah xubnaha guddiga ee u qalma ee hore isa soo taaga. Si aad mustaqbalka ugu biirto guddi, fadlan la xiriir maamulka.
 

Aqlabiyad fudud (RCW 52.26.300)

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto xeerkan, la xiriir: Kyle Stannert, Maamulaha Magaalada, (425) 806-6141, kyle.stannert@bothellwa.gov

55 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka