Qaraarka Clyde Hill Lr. 725 wuxuu ka codsanayaa codbixiyeyaasha inay kordhiyaan qaybta Magaalada ee canshuuraha hantida si loogu bixiyo booliiska, dab-damiska, adeegyada caafimaadka degdegga ah, dirista 911, isticmaalka dhulka, iyo adeegyada aagaynta. Clyde Hill waxay leedahay heerka canshuurta ee saddexaad ee ugu hooseeya ee Degmada King, iyadoo hesha wax ka yar $0.05 ee $1.00 kasta oo lagu bixiyo canshuuraha hantida.
Guddi Hawleedka Joogtaynta Maaliyadda oo ay deganeyaashu hoggaaminayaan ayaa soo gabagabeeyay in Magaaladu ay dhintay kharashyada meeshii ay awoodday isla markaana ay shaqaalaha ku haysay tiro kooban marka la barbar dhigo magaalooyinka ay isku baaxadda yihiin. Waxay ku soo gabagabaysay in dhimmisyo dheeraad ah ay khatar gelinayaan adeegyada aasaasiga ah iyo shuruudaha sharciga ah. Haddii aan la helin dakhliyo dheeraad ah, Clyde Hill ma heli doonto maalgelinta lagama maarmaanka ah si ay u sii ahaato magaalada madax-bannaan oo leh xakamaynta maxalliga ah ee waaxdeeda booliiska iyo arrimaheeda aagaynta, iyo sidoo kale adeegyada dab-damiska iyo caafimaadka degdegga ah ee tayada leh ee ay deganeyaashu filayeen.
Haddii la ansixiyo, heerka soo rogitaanka canshuurta hantida ee Clyde Hill waxa uu ka kordhi doonaa $0.29548 halkii $1,000 ee qiimeynta hantida ee 2026 ilaa heerka canshuurta oo aan ka badnayn $0.50 halkii $1,000 ee qiimeynta hantida ee 2027. Tani waxay u dhigantaa qiyaas ahaan kor u kac dhan $225 oo ku yimid qaybta magaalada ee canshuuraha hantida halkii $1,000,000 kasta oo qiimeynta la qiimeeyay ah. Sannadaha 2028-2036, wadarta caddadka canshuurta hantida caadiga ah waxay ku kordhi doontaa qodobka xaddidaadda oo ah 3% sannadkiiba. Canshuurta ugu dambeysa ee 2036 waxay noqon doontaa aasaaska dejinta heerarka canshuurta ee sannadaha soo socda.
Haddii soo jeedintan la diido, waxaa la saadaalinayaa in Magaalada ay ka dhammaan doonto maalgelinta hawlgalku dhammaadka 2030. Ma awoodi doonto inay sii waddo heerarka adeegga ee hadda jira waxaana laga yaabaa inay u baahato inay tixgeliso kala diridda.