Lake Forest Park waxay wajahaysaa isla doorashooyinka adag ee ay wajahayaan bulshooyinka kale ee gobolka oo dhan, kuwaas oo uu hindisay Tim Eyman isla markaana uu sii joogteeyay Golaha Sharci-dejinta Gobolka. Halka sicir bararku uu sannad kasta kordhay 2.8% iyo in ka badan 5% dhawwaan, dakhliga waxaa caqabad ku noqday xadka sannadlaha ah ee 1% ee kordhinta canshuurta hantida.
Sida ay sannaduhu u socdeen, magaalooyinka waxay ku dhibtoodeen inay maalgeliyaan hawlgallada aasaasiga ah. Qaar ayaa dhimmay shaqaaleynta. Brier ayaa dhimmay maalgelinta waaxda booliiska. Edmonds ayaa baartay inay iibiso jardiinooyinka.
Shaqaalaha Lake Forest Park ayaa saadaalinaya in xaaladdeena hadda jirta ay dhammeyn doonto maalgelinta guud marka la gaaro 2031. Halka magaaladu ay dhintay kharashyada iyadoo xiraysa Hoolka Magaalada maalmaha Jimcaha, ilaalinta adeegyada hadda jira waxay u baahan tahay tallaabo dheeraad ah. Dowladda hoose ee magaaladeenu waxay dhegaysatay jawaab-celinta markii ay naqshadaynaysay canshuurtaan, iyadoo hubinaysa daah-furnaanta iyadoo hannaanka soo marsiinaysa Guddiga Maaliyadda. Golaha magaalada isagoo aqoonsanaya dhibaatadaan, ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in canshuurtaan naloo soo gudbiyo.
Iyadoo tobanaan sanno loo codeynayay diidmada canshuuraha, Jardiinkeenna Lake Forest aan jecel nahay waxay ka deensanaysay mustaqbalka. Nasiib ayaan u leenahay inaan halkan ku noolaano, waana wakhtigii ay codadkeenu ka tarjumi lahaayeen qiyaamkeena kuwa ugu wanaagsan. Si loo ilaaliyo ballanqaadkeenna ku aaddan ammaanka, booliiska bulshada, iyo deegaankeena, fadlan ku codee Haa ee Soo Jeedinta 1.
Waxaa soo gudbiyay: Marty Ross, www.lfpstrong.org