King County logo
v1.0.0.1
Degmada Dugsiga Highline Lr. 401

Soo Jeedinta Lr. 2
Canshuurta Teknolojiyada Waxbarashada iyo Horumarinnada Hantida Waaweyn

Guddiga Agaasimeyaasha ee Degmada Dugsiga Highline Lr. 401 ayaa meel mariyay Qaraarka Lr. 12-26, ee khuseeya teknolojiyada waxbarashada iyo horumarinnada hantida waaweyn si loo joogteeyo waxbarashada ardayda. Soo jeedintan waxay maalgelin doontaa teknolojiyada, barnaamijyada iyo shaqaalaha degmada oo dhan iyo horumarinnada kale ee hantida waaweyn ee aanu Gobolku maalgelin, oo ay ku jiraan ilaalinta amniga internetka, internet la isku halayn karo, hawlaha teknolojiyada iyo kaabayaasha, iyo helitaanka teknolojiyada ee ardayda/shaqaalaha, waxayna Degmada u oggolaan doontaa inay canshuuraha dheeraadka ah ee soo socda ku soo rogto dhammaan hantida la canshuuri karo ee ku dhex taal Degmada:

Sannadka Ururinta

Canshuurta La Qiyaasay/$1,000 Qiimaha La Qiimeeyay

Caddadka Canshuurta

2027

$0.36

$12,000,000

2028

$0.35

$12,000,000

2029

$0.34

$12,000,000

2030

$0.32

$12,000,000

dhammaan sida ku cad Qaraarka Lr. 12-26. Ma tahay in soo jeedintan la ansixiyo?

Haa

Maya


Soo Jeedinta 2 waxay oggolaanaysaa canshuur raasumaal oo loogu talagalay teknolojiyada waxbarashada iyo horumarinnada dhismeyaasha iyo kaabayaasha si loo joogteeyo barashada ardayga loona hagaajiyo badbaadada ardayga, badbaadada shaqaalaha, ammaanka ardayga, iyo ammaanka shaqaalaha. Soo jeedinta 2 waxay wax ka qaban doontaa xaaladda hadda jirta ee qalabka teknolojiyada waxbarashada, kaabayaasha iyo nidaamyada iyo xarumaha dugsiga ee duugoobay iyo kuwa wakhtiga hore ee dhanka waxbarashada.

Canshuurta hantida waaweyn waxay maalgelin doontaa: (1) ilaalinnada iyo nidaamyada amniga internetka ee ilaaliya xogta ardayda iyo xogta shaqaalaha; (2) internet la isku halayn karo, shabakadaha fiillo la'aanta ah iyo kaabayaasha teknolojiyada ee taageera baridda iyo barashada; (3) aaladaha ardayda iyo aaladaha shaqaalaha, teknolojiyada qolka fasalka iyo softiweerka waxbarashada; (4) tababarka iyo taageerada bareyaasha iyo shaqaalaha ee lagu hirgelinayo horumarinnada teknolojiyada; iyo (5) horumarinnada kale ee teknolojiyada iyo casriyaynta guud ahaan degmada. Canshuurta hantida waaweyn waxay sidoo kale maalgelin doontaa horumarinnada dhismeyaasha iyo kaabayaasha ee degmada oo dhan si loo taageero dhismaha, casriyaynta iyo dib-u-habeynta dugsiyada iyo xarumaha. Macluumaad dheeraad ah ayaa laga heli karaa highlineschools.org/bondandlevy.

Canshuurta afarta sanno ah ee la soo jeediyay waxay oggolaan doontaa ururinta $12,000,000 mid kasta oo ka mid ah sannadaha 2027 ilaa 2030. Heerka canshuurta ee halkii $1,000 ee qiimaha la qiimeeyay ee loo baahan yahay inuu soo saaro caddadyadaan canshuurta ayaa lagu qiyaasay inay tahay $0.36 sannadka 2027, $0.35 sannadka 2028, $0.34 sannadka 2029, iyo $0.32 sannadka 2030. Heerarka canshuurta ee saxda ah waxaa lagu go'aamin doonaa iyadoo lagu salaynayo qiimaha dhabta ah ee la qiyaasay wakhtiga canshuurta.

Ka dhaafitaannada canshuuraha ayaa laga yaabaa inay heli karaan qaar ka mid ah mulkiileyaasha guryaha. Wixii macluumaad oo dheeraad ah, la xiriir Waaxda Qiimeynta ee Degmada King, 206-296-3920.

 

Ardayda iyo macallimiinta Highline waxay ku tiirsan yihiin teknolojiyada. Ku codeynta haa ee Soo Jeedinta 2 waxay soo celinaysaa dhacday maalgelintii ay ansixiyeen codbixiyeyaashu ee loogu talagalay nidaamyada sugan, internetka la isku halayn karo, iyo qalabyada fasalka ee ardayda u diyaariya guusha.

Canshuurtaan waxay maalgelisaa amniga internetka si loo ilaaliyo macluumaadka ardayga ee xasaasiga ah. Waxay bixisaa kharashka barnaamijyada waxbarashada, helitaanka internetka, tababarka macallinka ee isticmaalka teknolojiyada ee mas'uuliyadda leh, taageerada farsamada, iyo aaladaha loogu talagalay ardayda iyo shaqaalaha. Waxay maalgelisaa nidaamka u suurto geliya dugsiyada inay la xiriiraan waalidiinta xaalad degdeg ah iyo isgaarsiinta maalinlaha ah. Kharashyada teknolojiyada ayaa kor u kacaaya. Canshuurtu waxay buuxisaa farqiga u dhexeeya maalgelinta uu bixiyo gobolka iyo kharashyada dhabta ah ee lagu daboolaayo baahiyaha teknolojiyada ee ardayda iyo dugsiyada.

Teknolojiyada casriga ah ee la isku halayn karo waa maalgashi lagama maarmaan u ah waxbarashada ardayga. Ardaydu waa inay bartaan isticmaalka badqabka iyo mas'uuliyadda leh ee teknolojiyada ay la kulmaan hadda iyo mustaqbalka. Teknolojiyada la isku halayn karo waxay ka dhigan tahay in ardaydu ay wakhti badan ku bixiyaan barashada, macallimiintuna ay wakhti badan ku bixiyaan waxbaridda iyo wakhti yar oo ay ku sugaan in nidaamyada shaqeeyaan.

Canshuurta teknolojiyada waa maalgashi wax ku ool ah oo lagu sameeyo qalabyada ay ardayda Highline u baahan yihiin maanta iyo xirfadaha ay u baahan doonaan si ay ugu guuleystaan mustaqbalka. Fadlan ku biir waalidiinta, bareyaasha, deriska iyo hoggaamiyeyaasha bulshada si aad ugu codeyso Haa Highline ugu dambeyn 3-da Nofeembar.

Waxaa soo gudbiyay: Trisha Arias, Karen Keiser, Pat Thompson, www.yesforHighline.org

Sida waalidiinta Highline ahaan, si qoto dheer ayaan u taageernaa dugsiyadeena dadweynaha waxaana doonaynaa deegaanno waxbarasho oo tayo sare leh arday kasta. Waxaan sidoo kale ognahay in guusha dhabta ah ee ardaygu ay ka timaaddo macallimiinta heellan, ee aysan ahayn wakhtiga shaashadda. Waxaan Maya ugu codeynaynaa canshuurtaan sababtoo ah carruurteena iyo macallimiinteena waxay u qalmaan waxbarasho la xaqiijiyay oo uu bini'aadam hoggaaminayo halkii ay ka heli lahaayeen qandaraasyo teknolojiyadeed oo aan dhammaad lahayn.

Siyaasadda qalabka ee 1:1 ee Highline waxay cunug kasta siisaa qalab ku xiran internetka laga bilaabo Kindergarten. Halka degmooyinka magaalooyinka waaweyn iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay ay yaraynayaan aaladaha iyo hantidhawr ku sameynayaan qandaraasyada teknolojiyada, Highline waxay naga codsanaysaa inaan si toos ah u cusbooneysiino. Waxaan u baahannahay inaan hakino oo aan dib u qiimeyno sida teknolojiyada looga isticmaalaayo fasalladeenna.

Codbixiyeyaasha ayaa ansixiyay canshuuro dhowr ah oo dhanka teknolojiyada ah tan iyo 2018, haddana natiijooyinka waxbarashada ayaa hoos u dhacay. Ku tiirsanaanta barnaamijyada qaaliga ah ee aan la xaqiijin sida i-Ready halkii laga isticmaali lahaa waxbarid dhammaystiran oo caddeyn ku salaysan si fudud uma shaqeynayso. Intaas waxaa dheer, canshuurtaan waa jeeg bannaan; iyadoo Siyaasadda 6101 hadda la beddelay bishii Juun, waxay maamuleyaasha siin doontaa awood hordhac ah oo ay ku saxiixaan qandaraasyada teknolojiyada ee malaayiinta doolar ah iyada oo aan loo baahnaan kulan dadweyne ama codeynta guddiga dugsiga.

Codka Maya ma aha ka tagista dugsiyadeena; waa dalbashada barasho ka caqli badan, oo teknolojiyad hoose leh iyo la xisaabtan dhab ah oo degmada ah ka hor inta aan la qorin jeeg dhan $48 milyan. Ardaydeenna iyo macallimiinteena waxay u qalmaan wax ka wanaagsan. Ku Codee Maya Hadda.

 

Waxaa soo gudbiyay: Mike Bishoff, Katie Paulson, Lauren Schmidt, BetterPlanforHighline.com

Canshuurtaan waxay maalgelisaa teknolojiyada loogu talagalay ammaanka ardayga, xiriirka waalidka, iyo amniga internetka - ee ma aha kordhinta wakhtiga shaashadda. Macallimiintu waxay u isticmaalaan teknolojiyada waxbarashada fasalka ee casriga ah ee ay dadku hoggaamiyaan. Ardaydu waxay u baahan yihiin inay bartaan isticmaalka badqabka iyo mas'uuliyadda leh ee teknolojiyada si ay ugu diyaar garoobaan xirfadaha mustaqbalka. Hubinta xaqiiqda: Siyaasadda 6101 wali waxay u baahan tahay ansixinta guddiga dugsiga ee qandaraasyada teknolojiyada ee milyan doolar ah. Codbixiyeyaasha ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay canshuurta teknolojiyada ee midka/keliya ee Highline sannadkii 2020. Ku codee haa: dib u soo celi maalgelinta wakhtigeedu dhammaatay oo sii ardaydeenna faa'iidooyinka la midka ah kuwa bulshooyinka kale.

Waxaa soo gudbiyay:Trisha Arias, Karen Keiser, Pat Thompson, www.yesforHighline.org

Soo Jeedinta 2 waxay si khaldan u qaadanaysaa in teknolojiyad badan ay ka dhigan tahay waxbarasho badan iyo in barnaamijka kombuyuutarka uu badbaadiyo wakhtiga macallinka. Taageeridda dugsiyadu ma aha inay ka dhignaato maalgelinta teknolojiyada aan la xaqiijin ama ku qasbidda carruurta yaryar inay goor hore ku tiirsanaadaan aaladaha.

Dugsiyada badqabka leh, ee shaqeynaya waxay u baahan yihiin qorsheyaal daah-furan, ee ma aha jeegag bannaan. Ku Codee Maya si aad u dalbato la xisaabtanka degmada: hantidhawr ku samee dhammaan qandaraasyada teknolojiyada, ka saar aaladaha 1:1 ee fasallada hore, deji siyaasado shaashadeed oo cad oo degmada oo dhan ah, oo dib u soo celi kormeerka tooska ah ee guddiga dugsiga ee tacliinta iyo kharash bixinta. Ardayda Highline waxay mudan yihiin wax ka wanaagsan.

Waxaa soo gudbiyay: Mike Bishoff, Katie Paulson, Lauren Schmidt, BetterPlanforHighline.com

 

Aqlabiyad fudud (Dastuurka Washington, qodobka VII, qaybta 2(a))

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto xeerkan, la xiriir: Andrew Burgess, Xisaabiye, (206) 631-3201, andrew.burgess@highlineschools.org

55 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka