Ballot measures
Ballot measures
Nofeembar 3, 2026 Doorashada Guud
Soo Jeedinta Lr. 1
Curaarta Lagu Beddelaayo oo Dib Loogu Dhisayo Dugsiyada Duugoobaya Laguna Hagaajinaayo Ammaanka
Guddiga Agaasimeyaasha ee Degmada Dugsiga Highline Lr. 401 ayaa meel mariyay Qaraarka Lr. 11-26, ee khuseeya hagaajinnada dugsiyada xaafadda iyo casriyaynta ammaanka. Soo jeedintan waxay Degmada u oggolaanaysaa inay: beddesho ama dib u dhis ku sameyso afar dugsi oo sii duugoobaya (Cascade, Chinook, Sylvester, Akadeemiyaha CHOICE), oo ay ku jiraan goobaha waxbarashada xirfadda/farsamada ee cusub, meelaha laga soo galo oo sugan, casriyaynta kaamirooyinka amniga; sameyso casriyaynta nidaamka dhismaha aasaasiga ah ee muhiimka ah ee degmada oo dhan, oo ay ku jiraan kulayliyaha, saqafka, korontada, tubooyinka biyaha; hirgeliso casriyaynta caafimaadka, ammaanka, nidaamka dabka iyo badbaadada dhul-gariirka ee degmada oo dhan; soo saarto $595,400,000 oo ah curaarta waajibaadka guud oo ku buuxsami doona muddo 21 sanno gudahood ah; iyo inay soo rogto canshuuraha hantida ee dheeraadka ah ee sannadlaha ah si dib loogu bixiyo curaarta, dhammaan sida ku xusan Qaraarka Lr. 11-26. Ma tahay in soo jeedintan la:
Ansixiyo
Diido
Soo Jeedinta 1 waxay oggolaanaysaa curaarta dhismaha dugsiga si loo beddelo loona dib-u-dhiso dugsiyada sii xumaanaya loona sameeyo hagaajinnada iyo casriyaynta ammaanka iyo helitaanka ee guud ahaan degmada. Soo jeedinta 1 waxay horumarin doontaa badqabka, ammaanka, iyo helitaanka ardayda, shaqaalaha, iyo bulshada, waxay kor u qaadi doontaa deegaannada waxbarashada ardayda, waxay horumarin doontaa oo ay ballaarin doontaa fursadaha waxbarashada, waxayna bixin doontaa xarumaha waxbarashada ardayda ee lagama maarmaanka ah (oo ay ku jiraan goobaha waxbarashada ee xirfadda/farsamada).
Curaarta waxay u oggolaan doontaa Dugsiyada Dadweynaha ee Highline inay: (1) wax ka qabashada baahiyaha muhiimka ah ee degmada oo dhan, oo ay ku jiraan casriyaynta nidaamka dhismaha asaasiga ah iyo hagaajinta goobta (tubooyinka biyaha, nidaamyada biyaha kulul, HVAC, korontada, saqafka, amniga, nidaamyada dabka iyo hagaajinta badbaadada dhul-gariirka); (2) dhisidda dugsi cusub oo lagu beddelaayo Dugsiga Dhexe Sylvester; (3) dhisidda dugsi cusub oo lagu beddelaayo Dugsiga Dhexe Cascade; (4) qayb ahaan dib u dhiska iyo casriyaynta Dugsiga Dhexe Chinook (beddelidda dhismeyaasha, xarumaha iyo kaabayaasha ugu duugga ah, uguna dhacsan dhismeyaal cusub; dayactirka iyo cusbooneysiinta dhismeyaasha hadda la isticmaali karo; iyo ku beddelidda fasallada guurguura fasallo joogto ah); (5) dib u dhiska iyo casriyaynta goobtii hore ee Dugsiga Dhexe Southern Heights oo laga dhigaayo xarun cusub oo loogu talagalay Akadeemiyaha CHOICE; iyo (6) diyaarinta qorsheyaasha naqshadaynta ee dhismaha, dib-u-horumarinta ama beddelidda Xarunta Waxbarashada Goorta Hore ee Valley View iyo Dugsiga Hoose ee Hilltop. Macluumaad dheeraad ah ayaa laga heli karaa highlineschools.org/bondandlevy.
$595,400,000 ee curaarta waajibaadka guud waxa dib loogu bixin doonaa canshuurta hantida sannadlaha ee dheeraadka ah oo ku filan in lagu bixiyo adeegga deynta curaarta inta lagu guda jiro ugu badnaan muddo 21 sanno ah. Ka dhaafitaannada canshuuraha ayaa laga yaabaa inay heli karaan qaar ka mid ah mulkiileyaasha guryaha. Wixii macluumaad oo dheeraad ah, la xiriir Waaxda Qiimeynta ee Degmada King, 206-296-3920.
Ardayda Highline waxay mudan yihiin dugsiyo ammaan ah, caafimaad qaba, oo u qalabaysan waxbarashada maanta. Ku codee haa Soo jeedinta. 1 si dib loogu dhiso dugsiyada duugoobay, wax looga qabto dayactirrada muhiimka ah, iyo in dugsiyada laga dhigo kuwo ADA la heli karo iyo kuwo aad uga sugan khataraha ammaanka.
Curaartan waxay dhammaan ardayda dugsiga dhexe ee bulshadeenna u bixin doontaa fasallo sugan oo casri ah. Waxay beddeli doontaa dugsiyada dhexe ee Cascade iyo Sylvester, waxay dib u dhisi doontaa Dugsiga Dhexe ee Chinook, waxayna dib u dhisi doontaa Southern Heights oo loogu talagalay Akadeemiyaha CHOICE. Waxay xaqiijinaysaa deegaan waxbarasho oo dugsi dhexe oo loo siman yahay oo loogu talagalay ardayda ku sugan xaafad kasta oo Highline ah.
Ku codeynta Haa waxay dhowraysaa maalgeshiyada bulshadeenna ee xarumaha dadweynaha. Maadaama saqafyada, kulaylinta, tubooyinka biyaha, iyo nidaamyada korontadu ay duugoobayaan, dayactirrada waxay noqonayaan kuwo ka sii qaali ah, fashillada xarumuhuna waxay carqaladeeyaan waxbarashada ardayda. Curaartu waa maalgashi wax ku ool ah oo xaqiijinaya xarumo ammaan ah oo la isku halayn karo oo loogu talagalay ardayda iyo bulshadeenna tobanaanka sanno ee soo socda.
Curaarta deegaanka waa habka keliya ee lagu maalgeliyo dhismaha iyo dayactirka dugsiga. Gobolku ma bixiyo maalgelintaan. Highline waxay leedahay taariikh tobanaan sanno ah oo ay mashaariicda ku dhammaystirto wakhtigii iyo miisaaniyaddii loogu talagalay. Dugsiyada tayada leh waxay xoojiyaan xaafadaha waxayna bulshooyinka ka dhigaan kuwo ammaan badan. Fadlan la midow waalidiinta, bareyaasha, deriska iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ee ku codeynta haa ee Soo Jeedinta 1 si dhammaan ardayda Highline ay wax ugu barran karaan dugsiyo ammaan ah, oo casri ah.
Waxaa soo gudbiyay: Tina Orwall, Dan Satterberg, Sili Savusa, www.yesforHighline.org
Hadda u codee Maya soo jeedinta curaarta ee Highline ee $595.4 milyan ee jebiyay rikoorka. Haddii la ansixiyo, canshuur bixiyeyaashu waxay ansixin doonaan in ka badan $1.4 bilyan oo deynta dhismaha ah toban sanno gudahood oo keliya. Dhanka kale, Highline waxay arday kasta sannadkiiba kharash garaysaa in ka badan $25,000, taas oo $3,000 ka badan celceliska gobolka. Hase yeeshee 67% ee ardayda ayaa imtixaanka ka hooseeya heerka darajada ee akhriska, iyo 76% ayaa ku fashilma halbeegyada heerka darajada ee xisaabta iyo sayniska.
Xitaa dugsiyada dhawwaan dib loo dhisay, xogta gobolka ayaa muujinaysa imaanshaha oo ka sii daraya iyo waxqabadka waxbarashada oo hoos u dhacaya. Dhismeyaasha cusub waxay u muuqan karaan kuwo soo jiidasho leh, laakiin dhismooyinka ma xallin karaan waxbarashada fashilmaysa.
Degmada dugsigu waxay doonaysaa inay saddex dugsi dhexe dib u dhisto isku mar. Maxaad ugu bilaabi weyday labo oo aad dib ugu soo laaban weyday midka saddexaad? Curaar ka yar ayaa hagaajin doonta dugsiyada iyadoo kharashyada ka dhigaysa kuwo si fudud loo maareeyn karo. Iyadoo qiimaha nolosha uu si degdeg ah kor ugu kacaayo, qoysasku ma awoodi karaan culayskan aan loo baahnayn.
Ardaydu waxay u qalmaan dugsiyo ammaan ah iyo waxbarasho xooggan. Canshuur bixiyeyaashu waxay mudan yihiin kharash-gareyn mas'uuliyad leh, daah-furnaanta, iyo la xisaabtanka. Highline waxay iska indha tirtay walaacyada bulshada wuxuuna ku fashilmay inuu kasbado kalsoonideena. Maxay tahay inaan ugu kalsoonaanno degmada curaar intaan la'eg? Highline dib ugu celi bilowgii qorsheynta. Dalbo curaar ka yar, kana caqli badan oo ardayda mudnaanta koowaad siinaysa, canshuur bixiyeyaashana siinaysa heshiis caddaalad ah. Ku Codee Maya Hadda.
Waxaa soo gudbiyay: Mike Bishoff, Kirsten Cooper, Katie Paulson, BetterPlanforHighline.com
Ardayda dhigata dugsiyada cusub ee la dhisay ee Highline waxay leeyihiin imaansho iyo ka-qaybgal arday oo sareeya. Dhammaan ardaydu waxay mudan yihiin dugsiyo ammaan ah oo casri ah. Ma awoodi karno inaan dib u dhigno beddelidda dugsiyada duugoobaya ee wakhtiga hore iyadoo kharashyada dhismaha ay kor u kacayaan, taasoo canshuur bixiyeyaasha ku kici doonta wax aad u badan hadhow. Soo Jeedinta 1 waxaa qaabeeyay guddiga la talinta ee ay bulshadu hoggaamiso, kaas oo soo jeedinaaya qorshe wax ku ool ah oo diiradda lagu saarayo baahiyaha muhiimka ah iyo maamulka mas'uuliyadda leh ee doolarka canshuurta. Highline waxay kasbatay kalsoonideena iyadoo dugsiyo cusub ku keentay wakhtigii loogu talagalay, miisaaniyaddii loogu talagalay. Fadlan ku codee Haa!
Waxaa soo gudbiyay: Tina Orwall, Dan Satterberg, Sili Savusa, www.yesforHighline.org
Dugsiyada badqabka leh & loo siman yahay ma aha inay u baahdaan qiimo dhan $595.4M. Sinnaanta dhabta ah waxay ka dhigan tahay xarumo sugan & horumarka waxbarashada, laakiin xitaa xarumaha cusub, waxbarashadu way hoos u dhacaysaa. Deynta dhismaha ee baaxadda leh ma aha beddel wax ku ool ah ama la aqbali karo oo loo hayo waxbarashada qolka fasalka.
Weydiisashada canshuur bixiyeyaasha $161.3M ee dib-u-habeynta qayb ahaan ee Chinook - oo dib loo dhigay ilaa iyo 2031- ma aha mid macquul ah marka dib-u-dhisitaanyo dhammaystiran ee Sylvester ($180.3M) & Cascade ($172.1M) ay ku kacayaan qiyaas ahaan isku mid. Dalbo qorsheyn ka caqli badan, oo ka mas'uuliyad badan: Ku Codee Maya Hadda!
Waxaa soo gudbiyay: Mike Bishoff, Kirsten Cooper, Katie Paulson, BetterPlanforHighline.com
60% aqlabiyad haa ah iyo soo bixitaanka ugu yaraan 40% ee codbixiyeyaasha dhiibtay warqadaha codbixinta doorashadii guud ee ugu dambeysay (Dastuurka Washington, qodobka VII, qaybta 2(b))
Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto xeerkan, la xiriir: Andrew Burgess, Xisaabiye, (206) 631-3201, andrew.burgess@highlineschools.org
919 Southwest Grady Way
Renton, WA 98057
Jihooyinka Loo Tago Waaxda Doorashooyinka
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications
(Informarme sobre el contenido de mi boleta)
919 Southwest Grady Way
Renton, WA 98057
Sida loo tago Waaxda Doorashooyinka
Email Notifications
Please confirm you wish to receive email notifications at:
Mobile Text Notifications
Please confirm you wish to receive text notifications at:
Sorry...
You must enter a valid Phone Number or Email Address