Ballot measures
Ballot measures
Nofeembar 3, 2026 Doorashada Guud
Soo Jeedinta Lr. 1
Canshuurta Maareynta Cimilada & Deegaanka, Guriyeynta La Awoodi Karo, iyo Adeegyada Aadanaha
Golaha Magaalada Kenmore ayaa ansixiyay Xeerka 26-0644 ee ku saabsan maalgelinta barnaamijyada iyo adeegyada. Si loo maalgeliyo Maareynta Cimilada & Deegaanka, Guriyeynta La Awoodi Karo, iyo Adeegyada Aadanaha, soo jeedintan waxay kordhinaysaa heerka ugu sareeya ee soo rogitaanka canshuurta hantida ee caadiga ah ee Kenmore ilaa iyo $1.25/$1,000 oo la ururinayo sannadka 2027; waxay dejinaysaa qodobka xaddidaadda ee kordhinta soo rogitaanka canshuurta hantida ee caadiga ah ee Kenmore ee 2028-2032 ilaa iyo 6%; waxay u oggolaanaysaa lacagta canshuurta ee 2032 inay aasaas u noqoto xisaabinta canshuuraha xiga (RCW 84.55); waxayna ka dhaafaysaa waayeellada, halyeeyada ciidamada, iyo kuwa kale ee u qalma (RCW 84.36).
Ma tahay in soo jeedintan la ansixiyo?
Haa
Maya
Magaalada Kenmore waxay codbixiyeyaasha ka codsanaysaa ansixin si loo kordhiyo soo rogitaanka canshuurta hantida ee caadiga ah ee Magaalada ilaa $1.25 halkii $1,000 ee qiimaha la qiimeeyay si loo maalgeliyo barnaamijyada iyo adeegyada loogu talagalay Maamulidda Cimilada & Deegaanka, Guryaha la Awoodi Karo, iyo Adeegyada Aadanaha.
Sida uu qabo sharciga gobolka, iyada oo aan la helin ansixinta codbixiyaha, magaalo waxay kordhin kartaa caddadka soo rogitaanka canshuurta hantida ee caadiga ah boqolkiiba 1% oo keliya sannad kasta, taas oo aan la jaan qaadin sicir bararka iyo kharashyada bixinta barnaamijyada Magaalada iyo adeegyada Magaalada.
Haddii la ansixiyo, Soo Jeedinta 1 waxay u oggolaan doontaa kordhinta heerka canshuurta ee Magaalada qiyaas ahaan $0.36 halkii $1,000 ee qiimaha la qiimeeyay, ee wadarta heerka canshuurta hantida caadiga ah ee aan ka badnayn $1.25 halkii $1,000 ee qiimaha la qiimeeyay ee ururinta 2027, waxayna oggolaan doontaa in caddadka canshuurta uu ku kordho ilaa 6% shanta sanno ee xigta (2028-2032). Heerka guud kama badnaan karo heerka ugu sareeya ee soo rogitaanka canshuurta hantida ee sharciga gobolku u oggol yahay magaalooyinka. Caddadka canshuurta ee 2032 wuxuu noqon doonaa saldhiga lagu xisaabinaayo canshuuraha ka dambeeya. Kororka canshuurta hantida caadiga ah ee Magaalada, oo ay weheliyaan tallaabooyinka kharash-dhimmista ee Magaalada, ayaa kor u qaadi doona waaritanka maaliyadeed ee hawlgallada iyo barnaamijyada Magaalada.
Soo jeedinta 1 waxay qiyaas ahaan $30 bishii ku dari doontaa biilka canshuurta hantida ee guri lagu qiimeeyay qiimaha celceliska ah ee Kenmore oo ah $1,000,000. Soo Jeedinta 1 waxay dadka waayeellada, halyeeyada ciidamada, iyo kuwa kale ee u qalma ka dhaafi doontaa kororka.
Soo jeedinta 1 waxay maalgelisaa dhirta, goobaha cagaaran, iyo u diyaargarowga xagaayo ka kulul, qiiqa dabka duurka, iyo duufaanno ka xooggan iyo fatahaadda. Waxay guryo la awoodi karo ku bixisaa iyada oo loo marayo ARCH, oo ah lammaaneyaasheena guriyeynta ee goboleedka, si dadka waayeelka ah, shaqaalaha muhiimka ah, iyo carruurteena ay halkan ugu noolaan karaan. Waxayna derisyadeenna ku xirtaa cuntada, adeegyada aasaasiga ah, iyo taageerada daryeelka caafimaadka ee ay u baahan yihiin.
Waxay ku kacaysaa $3/bishii $100,000 kasta oo qiimaha la qiimeeyay ah — qiyaas ahaan $29/bishii guriga dhex-dhexaadka ah ee Kenmore. Waayeelka u qalma, dadka hawlgabka ah ee naafada ah, iyo halyeeyada ciidamada ee naafada ah waxaa laga dhaafayaa kordhinta. Sharciga gobolka wuxuu xaddidayaa kordhinta canshuurta hantida caadiga ah ilaa 1% sannadkii, laakiin kharashyada Kenmore waxay kordheen qiyaas ahaan 5% sannadkii shantii sanno ee la soo dhaafay. Kor-u-qaadiddan canshuurta waxay naga caawinaysaa inaan sii haysano adeegyada inkastoo uu jiro sicir barar, iyo iyadoo aan deyn la abuurin. Sharciga gobolka wuxuu farayaa in lacagahan lagu maalgeliyo oo keliya ujeeddooyinka ku qoran warqaddaada codbixinta.
Xagaayo ka kulul, kana qiiq badan, duufaanno ka culus, kharashyada guryaha ee sii kordhaya, iyo deriska dhibaataysan ma sugaan sannad miisaaniyadeed oo ka wanaagsan. Iyo xalalku waxay noqdaan kuwo ka qaalisan mar kasta oo aan sii sugno. Waxay ku kacaysaa kharash ka yar in qoyska guri iyo cunto loo hayo intii laga falcelin lahaa ka dib marka ay waayaan gurigooda.
Dhimmista barnaamijyada adkeysiga lacag ma badbaadiso. Waxay dib u dhigaysaa hindise-sharciga. Ku Codee Haa Soo Jeedinta 1.
Waxaa soo gudbiyay: Tracy Banaszynski, Edouard Lassalle, Juliana Pooley, www.yeskenmore.org
Ka dhig Kenmore mid la awoodi karo iyo Golaha Magaalada mid lala xisaabtami karo. Ku Codee May ee Soo Jeedinta 1. Haddii la ansixiyo, waxay kor u qaadi doontaa heerka canshuurta hantida ee Kenmore in ka badan 51% sannadka 2027—iyadoo celceliska qoyska ay ku kacayso in ka badan $2,000 inta lagu guda jiro muddada canshuurta ee lixda sanno ah. Ka sii daran, kororkani wuxuu noqon doonaa mid joogto ah iyo saldhiga kororka canshuurta ee dheeraadka ah.
Deganeyaal badan oo Kenmore ah ayaa durba dareemaya culayska kharashyada kordhaya. Canshuuraha hantida ee ka sareeya ma saameeyaan oo keliya mulkiileyaasha guryaha. Waxay sidoo kale horseedaan kirooyinka oo kordha, kharashyo sare oo soo food saara ganacsiyada maxalliga ah, iyo awoodi karidda oo u yaraata qof kasta, gaar ahaan kuwa ugu awoodda yar inay u adkaystaan koror kale oo canshuur ah. Saameynadan waa kuwo dib-u-dhac ah. Tani si fudud waa wakhtiga khaldan ee kordhin kale oo weyn oo canshuur ah.
Tan iyo 2020, tirada dadka Kenmore waxay korodhay keliya 1.6%, halka kharashka Magaalada uu kordhay in ka badan 40% iyo shaqaalaha oo kordhay 36%. Hadda, ka dib markii ay dhammeeyeen maalgelintii COVID ee hal mar ahayd iyo dakhliyada kale ee ku meel gaarka ah, golaha magaalada waxay ka codsanayaan canshuur bixiyeyaasha inay buuxiyaan farqiga.
Ma jirto wax dammaanad ah in canshuuraha cusub lagu bixin doono “Cimilada iyo Daryeelka Deegaanka, Guryo la Awoodi Karo, iyo Adeegyada Bulshada.” Soo Jeedinta 1 waxay u oggolaan doontaa Golaha Magaalada inay “wax ka beddelaan mudnaanta kharash bixinta iyo inay u wareejiyaan maalgelinta isticmaallada la oggolaaday dhexdooda.” Goleyaasha Mustaqbalka ayaa dib u weecin kara maalgelinta iyada oo aan la helin ansixinta codbixiyaha. Dalbo la xisaabtanka. Ilaali awood-u-yeelashada. Ku Codee Maya ee Soo Jeedinta 1.
Waxaa soo gudbiyay: Laurie Sperry, John Hendrickson, Dave Postetter, www.AffordableKenmore.com
Kharash bixinta kordhay ee Kenmore: kororka dadka (1%), sicir barar (29%!), iyo adeegyo cusub oo adkaysi oo lagama maarmaan ah (10%). Xaddidka 1% ee canshuurta hantida gobolka ee saaran magaalooyinka waxay ka dhigan tahay in codbixiyeyaashu ay tahay inay ansixiyaan canshuuraha sida Soo Jeedinta 1 si loola jaan aado sicir bararka.
Sharciga gobolka ayaa mamnuucaya in canshuuruhu noqdaan jeegag bannaan. Soo jeedinta 1 waxay maalgelisaa adkeysiga bulshada: matoorada kulayliyeyaasha iyo tamarta qorraxda si loo dhimmo biilasha adeegyada, koronto keyd ah xilliyada duufaannada, daboolka geedaha oo badan, iyo guryo la awoodi karo oo loogu talagalay qoysaska. Kharash bixinta kordhay ee Kenmore: kororka dadka (1%), sicir barar (29%!), iyo adeegyo cusub oo adkaysi oo lagama maarmaan ah (10%). Ku Codee Haa.
Waxaa soo gudbiyay: Tracy Banaszynski, Edouard Lassalle, Juliana Pooley, www.yeskenmore.org
Ballanqaadyada Kenmore ee ku aaddan deganaanshaha guriyeynta, adkeysiga cimilada, iyo taageerada bulshada waxay ahaanayaan kuwo jira Soo jeedinta 1 la'aanteed. Magaaladu waxay sii wadi doontaa maalgelinta mudnaannahan. Codeyntaan waxay ku saabsan tahay la xisaabtanka maaliyadda iyo isu dheelitirka qiyaamkeena aan wadaagno iyo awoodi karidda.
Waa inaan dalbanaa miisaaniyad anshax leh halkii laga heli lahaa kor u kac canshuur oo joogto ah. Iyadoo kharashka lala jaan qaadinayo dakhliga hadda jira, waxaan xaqiijinaynaa daah-furnaanta, waxaan ka ilaalinaynaa deganeyaasha dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dakhligoodu dhex dhexaadka yahay canshuuraha kordhaya, waxaana bulshadeenna ka dhigaynaa mid la heli karo oo qof walba mas'uuliyad maaliyadeed u leh. Ku codee maya.
Waxaa soo gudbiyay: Laurie Sperry, John Hendrickson, Dave Postetter, www.AffordableKenmore.com
Aqlabiyad fudud (RCW 84.55.050)
Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto xeerkan, la xiriir: Scott Passey, Karaaniga Magaalada, (425) 984-6193, spassey@kenmorewa.gov
919 Southwest Grady Way
Renton, WA 98057
Jihooyinka Loo Tago Waaxda Doorashooyinka
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications
(Informarme sobre el contenido de mi boleta)
919 Southwest Grady Way
Renton, WA 98057
Sida loo tago Waaxda Doorashooyinka
Email Notifications
Please confirm you wish to receive email notifications at:
Mobile Text Notifications
Please confirm you wish to receive text notifications at:
Sorry...
You must enter a valid Phone Number or Email Address