King County logo
v1.0.0.1
Magaalada Seattle

Soo Jeedinta Lr. 1

Canshuurta Hantida ee Loogu Talagalay Maktabadda Dadweynaha Seattle

Golaha Magaalada Seattle ayaa meel mariyay Xeerka 127419 ee khuseeya beddelaadda canshuur wakhtigeedu dhammaanayso si loo maalgeliyo adeegyada maktabadda.

Soo Jeedinta 1 waxay abuuri doontaa canshuurta hantida si loo maalgeliyo maalgeshiyada Maktabadda ee saacadaha hawlgalka iyo helitaanka, ururinta, teknolojiyada, dayactirka, iyo maamulka, sida ku xusan Xeerka 127419.

Waxay oggolaanaysaa canshuur toddoba-sanno ah oo ururinta laga bilaabi doono 2027 oo ah $0.23/$1,000 dheeraad ah ee qiimaha la qiimeeyay, oo noqonaya ugu badnaan heerka wadarta guud ee canshuurta oo ah $3.14/$1,000. Caddadka canshuurta ee 2027 ayaa noqon doona aasaaska canshuuraha ku xiga ee ilaa iyo 2033. Ka dhaafitaanka RCW 84.36.381 ee muwaadiniinta waayeelka iyo dadka naafada ah ayaa khuseeya.

Ma tahay in canshuurtaan la ansixiyo?

Haa

Maya


Soo Jeedinta 1 ee Seattle waxay soo jeedinaysaa soo rogitaan canshuurta hantida si loo beddelo canshuurta adeegyada Maktabadda ee wakhtigeedu dhammaanayso, iyadoo loo qoondeynayo $479,760,000 muddo toddoba sanno ah si loo maalgeliyo maalgeshiyada Maktabadda ee saacadaha hawlgalka iyo helitaanka, ururinta, teknolojiyada, dayactirka, iyo maamulka. Xeerka 127419, Qaybta 6-aad, ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixinaaya qaybahaan, oo ay ku jiraan tusaalooyin wax muujinaya.

Qorshaha hawlgallada sannadlaha ah iyo miisaaniyadda maalgashiga ee Guddiga Maktabadda ayaa sii maamuli doona kharashaadka canshuurta. Guddiga, oo ay weheliyaan Agaasimaha Fulinta iyo Madaxa Maktabadda, ayaa sannad kasta u diyaarin doona laba dukumeenti oo loo gudbin doono Duqa Magaalada iyo Golaha Magaalada: qorshaha kharashaadka canshuurta, iyo warbixin ku saabsan horumarka kharashaadka canshuurta iyo fulinta barnaamijyada.

Kordhinta heerka canshuurta ee soo jeedintani ku keenayso mulkiile kasta oo hantiyeed waxay noqon doontaa qiyaastii $0.23 halkii $1,000 ee qiimaha la qiimeeyay, waxaana heerka ugu badan ee wadarta canshuurta uu noqonayaa $3.14/$1,000. Canshuurta waxaa marka hore la ururin doonaa sannadka 2027. Ka dhaafitaanka RCW 84.36.381 ee muwaadiniinta waayeelka iyo dadka naafada ah ayaa khuseeya.

Canshuuraha uu codbixiyuhu ansixiyo la’aantood, Magaaladu ayaa guud ahaan sharciga gobolka ku xaddidaa inay kordhiso canshuuraha hantida ee sannadlaha ah oo aan ka badnayn 1% ka sareeya caddadka ugu sareeya ee ay Magaaladu heshay sannadkii ka horreeyay. Marka soo jeedintani dhammayso ururinta canshuuraha sannadka 2033, xaddidaadda kordhinta ugu badan ee 1% waxaa loo xisaabin doonaa sida in soo jeedintani aanba la ansixin.

Maktabadaha dadweynaha ee Seattle waa kheyraad xaafadeed qaali ah oo u furan qof walba oo ku nool magaaladeena koraysa, ee kala‑duwanaanshaha leh. Canshuurta Maktabadda waxay bixisaa in ka badan saddex meelood meel maalgelinta guud ee maktabadda, iyadoo ilaalinaysa oo ballaarinaysa barnaamijyada iyo ururinta buugaagta, xaqiijinaysa shaqaale xirfad leh, isla markaana maalgelinaysa casriyaynta dhismeyaasha si loo helo ka badbaadidda dhul-gariirka, helitaan fudud, iyo waxtar tamareed oo magaalada oo dhan ah – oo ay ku jirto Maktabadda Dhexe ee caanka ah.

Iyadoo hanjabaadaha federaalka ee kordhaaya ee ka dhanka ah waxbarashada iyo aqoonta, maktabadaha Seattle waxay door muhiim ah ka ciyaaraan la‑dagaalanka faafreebka iyo faafinta macluumaad khaldan. Maktabadaha Seattle waxay u heellan yihiin helitaan bilaash ah oo siman oo macluumaad u furan qof walba.

Canshuurta 2026 waxay caawin doontaa ballaarinta ururinta caanka ah iyo daboolista kharashaadka sii kordhaaya ee buugaagta oonleenka iyo agabyada kale. Cabbirkan wuxuu ballaarinayaa barnaamijyada waxbarasho ee dhiirigeliya jaceylka akhriska ee nolosha oo dhan, isla markaana u adeega dadka da’ kasta leh, oo ay ku jiraan kuwa baranaaya Af-Ingiriiska, dadka shaqada raadinaya, iyo dadka aan haysan helitaan teknolojiyadeed.

Cabbirkan wuxuu beddelayaa Canshuurtii 2019 ee wakhtigeedu dhammaanayso wuxuuna ku kici doonaa mulkiilaha guriga qiimihiisu yahay dhex dhexaad qiyaastii $9 bishii oo dheeraad ah. Lacagaha ayaa si madax‑bannaan loo kormeeraa oo loo baaraa, waxaana jira ka dhaafitaanno canshuur oo ay heli karaan waayeellada iyo dadka naafada ah. Waxaa taageeray Hey’adda Maktabadda Dadweynaha ee Seattle (The Seattle Public Library Foundation), Saaxiibbada SPL (Friends of SPL), Ururka Shaqaalaha ee Maktabadda AFSCME 2083, Duqa Magaalada iyo Xubnaha Golaha, iyo kuwo kale. Fadlan ku biir deriskaaga adigoo ku codeynaya Haa si aan u taageerno maktabadaha bulshada!
 

Waxaa soo gudbiyay: Katie B. Wilson, Joy Hollingsworth, Ken Jennings

Ma jiro wax bayaan ah oo ka soo horjeeda cabbirkan. Ma jiro qof ka tirsan gudaha maamulka oo la soo xiriiray Doorashooyinka Degmada King si uu uga mid noqdo guddiga qoraaya bayaanka ka soo horjeeda cabbirka sharciga. 

Maamulada cabbirrada ku soo bandhigga warqadda codbixinta waxay sidoo kale magacaabaan xubno ka tirsan dadweynaha si ay uga mid noqdaan guddiyada "taageeridda" iyo "ka soo horjeedidda". Guddiyadan waxay diyaariyaan bayaanno taageeraya ama ka soo horjeeda cabbirka sharciga ee warqadda codbixinta. Bayaannadan waxaa lagu daabacaa buug-yaraha codbixiyeyaasha deegaanka si ay uga caawiyaan codbixiyeyaasha inay go'aanno xog-ogaal ah gaaraan. 

Haddii maamulka uusan awoodin inuu magacaabo guddi, Doorashooyinka Degmada King waxay magacaabi karaan mid walba oo ka mid ah xubnaha guddiga ee u qalma ee hore isa soo taaga. Si aad mustaqbalka ugu biirto guddi, fadlan la xiriir maamulka. 

Aqlabiyad fudud (RCW 84.55.050)

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto cabbirkan, la xiriir: Polly Grow, Guddiga Anshaxa iyo Doorashooyinka ee Seattle, (206) 615-1248, polly.grow@seattle.gov

54 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka